|
Shirka Nayroobi ma
Naruuraa mise waa Nabar hor leh
Waxaa beryahan la hadal hayaa Nayruubi
in shirweyne loogu qaban doono kooxaha ama
hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ku herdamaayo
gacan ku qabashada awooda u sareyso ee Dalka
Soomaaliya ,waxaa kale oo maalmahan soo if baxaayo
si caddaana in Itoobiyo iyo kooxaha la gacan
wadaago oo kaashanayo dhowr dowladood oo IGAD ka
tirsan in ay ku dhowyihiin soo xiritaanka
albaabadi u dambeeyay ee DKM oo iyadaba aan la
imaan maamul dadweynaha Soomaaliyeed qancin karo
oo wax tar leh keddib marki ay ka badin weysay
saddex waxyaabood oo curyaamiyay ku guuleysashada
meelgaarsiinta Dastuurki,Golihi shacabka iyo
Dowladi ay soo dhiseen Dowladda jabuuti iyo
kooxaha gacan saarka la leh( waa kooxda Carte),
Saddexdaasi waxaay yihiin in madaxweynaha DKM ka
badin waayay dhisida ciidan xoogan oo jufadiisa
gacanta ku hayso iyo maleeshiyaad qabiil oo iyaga
la kala diro keddib marki uu xoogeysto ciidankaas
hergalana qorshaha hore, laba, xubnihi barlamaanka
iyo wasiiradi oo iyaga intooda badan ka badin
waayay in ay fuliyaan dana guracan iyaga oo ku
tumanaayo xeerarki ay ahayd in lagu dhaqmo kol
haddii uu cariiri gelaayo helitaanka
qadadooda,jiifkooda iyo masruufki ay u dirsan
lahaayeen reerahooda oo ay u dheertahay in
badankoodaba aynan matalin dadka ay magacooda ku
adeegayaan, Saddex, baryo aan dhamaan,safaro macna
darraa, been abuurid lacageed oo horay u jirtay
laakin siyaaday keddib imaantinka DKM iyo
abuuritaan kooxa cusub oo iyaga qalaalasa ku
abuuro kooxihi diidanaa aqoonsiga ama la heshiinta
DKM halki la dooni lahaa dib u heshiin iyo wax
wada qabsi guud.
Hor dhac keddib maanta Soomali
weyn waxaay is weydiinayaan waa intooda badan
helitaanka dowlad loo dhan yahay iyo nabadgalyo
hareereyso waddanka oo dhan iyo barwaaqo saameyso
dadka Soomaaliyeed, muxuu soo kordhinayaa shirka
la filaayo in uu ka dhaco Dalka Kenya,Magaalada
Nayroobi ? Muxuusa kaga duwan yahay shirarki hore
loogu qabtay kooxaha soomalida ee isku haayo gacan
ku qabashada ilaha dhaqaale iyo qaybsiga awooda
dalka Soomaaliya u sareyso?
Inta aanan u guda gelin ka
jawaabidi su’aalaha kor ku xusan waxaa is
weydiin mudan yey yihiin kooxaha la rabo in la
kulansiiyo? awoodoodase inteey la egatahay ,mase
mathaleen dadka ay ka soo jeedaan? maxayse isku
diidan yhiin maxayse heshiis ku yihiin?
1)Kooxaha larabo in la kulansiiyoo
waa Afar kooxood A)kooxda koowaad waa kooxda carta
oo aanan dooneyn in aan ku dheeraado faala ka
bixinteeda waayo iyaga waa xaadir muuqaalkooda
dadka Soomaaliyeed ka dheragsan yihay , haddiise
ay dhab noqoto in ay u istaagaan koox ahaan
Shirkan la hadal haayo iyaga ma matalaan wax
dhaafsiisan jufada hoose oo uu ka soo jeedo Dr
Cabduqaasim Salaad xasan, taa macnaheedana waa
qabiil xoog ku haysto dhul ay leeyihiin qabaa’il
kale oo Soomaaliyeed doonayana in uu shirka ka
helo sad bursi haddii uunan mar kale isku dayinba
noqoshada madaxweyninimo si toosan iyo si dadbamba.
B )waa kooxda SRRC oo iyada ah
koox isku bahaystay riditaanka DKM ee lagu soo
dhisay Dalka jabuuti, mana jirto arrin
siyaasadeed,deegaan, dhaqaale iyo mid milatariba
oo ay ka mideysan yihiin taana waxaa daliil u ah
iyaga oo marki laga reebo hogaamiyaha RRA
Maxamed.X.Nur Shaati gaduud iyo G/USC/SSA Xaaji
Muuse Suudi Yalaxow goob joog ka ahaa Shirki carta
ka hor shirarki kooxaha is haysto ee Soomaali weyn
heshiisiintooda loo qabtay oo geddigoodba ku
dhamaaday guul darro .sidaa darteed waxaa hubaal
ah waa haddii ay SRRC ku
Guuleystaan dabargoynta DKM ,Shirka
nayruubina qabsooma in ay u gala jabayaan koox
koox mid waliba fakarkeeda yahay in aan meel
laysugu imaan haddii la reed maro halka ay
gocaneyso.
C) waa Qabiilka isxaaq oo iyaga ku
adkeystay in ay yhiin dowladda Somaliland iyo in
aynan ka soo qayb geleyn shirweyne looga
arrinsanaayo arrimaha guud ee Soomaaliya oo ay ku
jirto goballada woqooyi galbeed balse ay wada
hadal la galayaan oo keliya dadka ku nool
soomaliyada koofureed haddii ay
samaystaan dowlad ay heshiis ku
yihiin ama maamul ka tarjumayo mideysnantooda .taana
faala ka bixinteeda maanta waa arrin ka baxsan
qabashada shirka nayroobi ee la hadal haayo.
D)Kooxda afaraad waxaay ka kooban
yihiin kooxo ay abuurtay DKM iyo kooxo yar yar ee
ka soo jabay SRRC oo jahawareer siyaasadeed ku
dhacay , geddigoodna miisaan saas u culus kuma
laha looltanka siyaasadeed ee shirka la hadal
haayo ee Nayroobi waxaase jirto xaqiiqana ah in
Madaxweynaha Cusub ee Puntland Jamac .C.jamac oo
isaga ka mid ah kooxdan uu wax weyn u dhimi karo
culayski uu lahaa Madaxweynaha Puntland Cabdulaahi
yuusuf ka hor inta aynan laba u kala jebin awoodi
maamuleed ee Puntland .
2)waxaa iyada aad u adag in la
tilmaamo awooda maleeshiyeed oo ay leeyihiin
kooxaha soomaalida ama tan siyaasadeed waayo ma
jirto koox keliya ee soo afjari karto dagaalada
sokeeye ama nabad lagu nasto ka abuuri karto
meelaha taladooda hoos timaado sidaas darteed
waxaa la dhihi karaa kooxahan ma laho wax awooda
haba yaraatee oo aan ahayn in ay abuuri karaan oo
keliya xasilooni darri marki danahooda gaarkaa
ciriiri galaan ,mana jirto cid ay matalaan oo cod
buuxo ku siisay maamulada ay sheeganayaan intooda
badan.
3)kooxaha Soomaalida ma jiraan
waxaay heshiis ku yihiin mana jiraan waxaay isku
diidan yihiin waayo khilaafkooda ma’ahan mid ku
salaysan mabda’a ha ahaado mid
siyaasadeed,diineed iyo mid dhaqaale laakin waxaa
hubaala khilaaf walbo oo dhex yaalo kooxahan inuu
ku salaysan yahay dana shaqsiyadeed iyo mid
qabiileed oo haddana aan ka wada tarjumayn danaha
qabiil fulaan ama qabiil fulaan.
Aan yara dib ugu noqono shirkan la
hadal haayo ee Nayroobi muxuu kaga duwan yahay
shirarki horay Soomaaliweyn heshiisiintooda loogu
qabtay?
Mxuxuusa ku soo kordhin karaa
arrimaha Soomalida faa’iido iyo khasaaro?
Faalo iyo falaanqayn keddib
xaaladda guud oo ay ku sugan yihiin kooxaha isku
haayo maareynta ama xal u helida dhibaatadan laba
iyo toban jirsatay ee
ka taagan geyiga Soomaaliyeed oo
dhan,waxaa kuu soo baxayo in aan waxba iska
beddelin siyaasadaha ama xeelaladaha xun xun oo ay
ku dhaqmaan hogaamiyayaasha Soomaaliyeed muddadaas
kor xusan ilaa haddeer, sidaa darteed shirkan
waxba kagama duwana shirarki ka horeeyay oo aan
ahayn keliya in uu soo dedejinaayo in mar kale
hoos loo dhigo calanka Soomaaliyeed oo hadda ka
lalmanaayo aqalka dowladaha isu tegay ee
adduunweynaha iyo aqallada haya’ada siyaasadeed
oo kale ,tan ulama jeedo in aan leeyahay ha la
garab istaago DKM ilayn hogaanga DKM waxba umma
haayo ummadda Soomaaliyeed oo aan ahayn in uusoo
kordhiyay dhibaatooyin hor leh iyo kooxo cusub oo
damac kuwada jiro.
Ma muuqdaan haba yaraatee wax
faa’iidooyina oo kasoo baxayo shirka Nayroobi
waa haddii uu qabsoomee, ilaa in la helo
adduunweynaha(Addunka maanta waa hal qudbi oo uu
usareeyo Maraykanka) oo cadaadis culus ku saaro ka
soo qeybgalayaasha shirka in ay ka tanaasuleen
arrima badan oo dhalanteeda kuna salaysan dana
shaqsiyadeed ama mid qabiileed oo ciriiriya oo aan
kan tarjumayn ku soo celinta Soomaaliya xaala
nabadeed iyo sidoo kale in Adduunweynaha ku
adkeeyaan Dowladaha deriska la ah somaaliya sida
Itoobiya,Kenya iyo jabuuti iwm joojinta
faragelinta qayaxan oo ay ku haayaan arrimaha
gudaha ee Soomaaliya. taa hadii la helo waa rajo
in shirkaa ka soo bixi karo xaamid karasaayga
Somaaliya, hadii la waayana, ilaaheyna uunan irid
kale soomaalida u furin arrinta waa Nayroobi oo
noqoto nabar hor leh oo Soomaalida ku dhaco iyo
shimbirayahow heesa waa sida caadada u ahayd
hogaamiyayaasha Soomaliyeed.
Abdalla Moallim Mahamud (Abdullahi
siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Moallem@lycos.com
|