Bi-ismi-allaah.
Guul
bilowgeed dheh
,bishaaro dheh, ina geedi bogaadin Mudan dheh, boqor la
sugaayay dheh, balaayo la bidhaans- anyay, nin beerka
dhulka u dhigay dheh,indheergaratada Mudullood , kuwooda
joogo Nayroobi, dalka gudhiisa iyo debadiisa, barbaar
wacan dheh.
Inta
aanan u guda gelin, nuxurka fariintan,waxaan halkan ugu
mahadnaqaynaa Prf Cali Maxamed Geedi, wasiirka koowaad ee
dalka Soomaliya oo ku tilaabsaday howlihi laga sugayay
horaantooda, in uu ummadda Soomaliyeed u muujiyo, in uu
yahay nin lagu aamini karo, hogaaminta dowlad uu xilkeeda
ugu weyn maanta yahay, Soomali oo dib-u-heshiiso,
dalkeedana ku soo celiso makaanki ay ku lahayd dowladaha
Africa dhexdooda,Carabta, islaamka iyo adduunweynaha .
Mudane
Geedi,waa sidaad u tiriye, waxaan shaki ku jirin “nin
aanan gurigiisa dhisin ,in uunan guri kale dhisi karin”.
Mudane, xikmadan waa furihi xalka soomaliyeed, sidaa
darteed waxaan kaa codsanayanaa in aad hore ugu socoto,
guusha aad ka soo hoysay dhamaynta khilaafaadki kala dhex
yiilay hogaamiyayaasha Mudulood iyo in aad meel isugu
keentaba hogaamiyayaasha siyaasada, oday dhaqmeedka,
aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Mudulood iyagoo raali isu ah.
Mr
Geedi, waxaan kaa codsanaynaa dhamaadka howshaada in ay
shiishka ku hayso hagaajinta dalka Soomaliye oo ah
gurigeeni weynaa.
Mudane,
taana waxaa loo mari karaa ilaahey idinkiis, sida aad
haddaba heshiis uga dhex abuurtay beesha Mudulood, in aad
heshiis uga dhex abuurto walaalaheena Madarkicis dhexdooda
,keddibna aad uga gudubto heshiisiinta beesha Mudulood iyo
Madarkicis, keddibna aad uga gudubto adiga oo isu soo tumo
quluubta beelweynta Hawiye Ilaahey idinkiis,keddibna
Hawiye iyo Darood ,Hawiye iyo Raxanweyn, keddibna soomali
inteeda kale ilaahey idinkiis,mudane tani waa in aad ku
dhexwadaa haddii allah idmo, doonista walaalaheena Isxaaq
iyo dhamaan dadyowga ku nool woqooyi galbeed guud ahaan.
Prf
Geedi waxaan kuu rajeynaynaa in aad la timaado siyaasad
salkeeda yahay dhowr arrimood oo aan kala maarmin kolki la
doonayo kabida quluub shaydan kala dhex galay.
Ku
tiirsanaashada ilaahey iyo sunnada rasuulkeena(NKHA),
Dhegeysi, digtoonaasho,garasho, dulqaad, go’aan adag,
dabacsanaan xikmad ku jirto kolki loo baahdo, daryeel iwm.
Mudane
waxaan fariintan kuu soo gudbinaynaa annaga oo shaki ka
qabno Madaxweynaha dalka ee adiga wasiirka koowaad kuu
magacaaby, ma yahay nin yaqaano sida qeybtaada
looga cuno cad-san oo soomali oo dhan ka dhexeeyo.
Ma
filayo in ay jawaabta tahay ,haa. Sidaa darteed,prf Geedi,
waxaan mar kale kaa codsnayanaa in aad noqoto nin diyaar u
ah, in soomaali lagu dhaqo qaanuun dadka oo dhan u siman.
Taana
waa guul kuu soo hoyoto adiga, taariikh ahaan,waa guusha
beesha Mudulood oo aaminsan
shaqo ku hoos timaado dhowritaanka qaanuunka iyo kala
danbayn lagu hoos noolaado ,necebna ku tashiga in ay wax
gaar ah ku helaan mas’uuliyad uu haayo wiilkooda,waana
guul Soomali oo dhan u soo hoyoto. 17/11/2004
Cabdallah
Moallim Maxamud.
Moallem10@hotmail.com
__________________________________