Anigoo ku hadlaayo magaca beesha moobleen waxaan
halkan ka cadaynaynaa in aysan jirin wax ofishal ama caadada layaqiinay in
ay beesha abgaal raali gelisay beesha moobleen iyo ta hiilibi.
Waxay beesha abgaal ku qortay websiteka mudulood
17/11/2004 in shir uu qabtay wiilkooda loogu magacaabay in uu yahay
ra,iisul wasaaraha dowlada ku meel gaarka ay ku hashiiyeen beelaha mudulood
lana raali geliyay beesha moobleen iyo beesha hiilibi.
Arinkaas waxba kama jiraan anigoo ku hadlaayo magaca
beesha moobleen,waxaa kaloo umada soomaaliyeed u cadaynaynaa in aysan joogin
aday dhaqameed ka socda beesha moobleen shirkaas ka dhacay kenya oo uu
qabtay ra,iisul wasaaraha abgaal.
Beesha moobleen marnaba u cuntami mayso in ay beesha
abgaal majaxaabiso xaqa ay beesha moobleen ku dhexleedahay mudulood,hawiye
iyo waliba soomaali weyn.
Marba hadii ay qirteen beesha abgaal in ay duudsiiyeen
xaqa ay lahaayeen beesha moobleen iyo tan hiilibi waxaan oran lahaa beesha
abgaal in ay soo buuxiso dhowrkaan sharuudood si loo soo celiyo magaca
beesha mudulood.
1= waa in ay qirataa beesha abgaal in ay meel kadhac ku sameeyeen beelaha
moobleen iyo hiilibi si xushmad iyo qadarin ku jirto. soona maraan
habdhaqameedka xeerka soomaalida, ma aha in meel looga hadlaayo arin abgaal
lagu soo qaado arinkaas.
2=in sida ugu dhaqsida badan loogu soo celiyo xubnaha beelahaasi waayo
markii horaba qalad iyo dad aan xishooneynin ayaa ka shaqeeyay arin kaas
foosha xun.
3=waa in loo soo celiyo min laba xubin beelaha moobleen iyo hiilibi,
waana xaqooda iyo xaal marintooda
4=waa in markasta beesha abgaal ay soo ogeysiiso xubnaha beelaha mudulood
waxkasta oo ay ka hadleyso, ma aha in ay beesha abgaal kaliya shirto oo ay
hadana isku magacaabaan mudulood taasna waa qalad aad u weyn oo ay abgaal
markasto sameeyeen.
5=waxaan halkaan ku cadaynaynaa hadii aysan beesha abgaal sixin
qaladkeeda ay taasi mecnaheedu yahay qabta maqasii waxna ha uqaban
FIKIRKAN WAXAA QABA DHAMAAN BEESHA MOOBLEEN EE JOOGA WADANKA GUDI HIISA IYO
DIBADIISA WAANA WAX AY ISKU WADA RAACSAN YIHIIN.