Muqdisho,
Sabti, 27-Nov-04
War-Saxaafadeed
ay maanta soo saareen 21-xubnood oo ka mid ah Aqoonyahannadda, Odayaasha
Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Culuma’udiinka Beesha Hilibi Dalandoole ka soo
saareen Magaalladda Muqdisho, ayaa waxay ugu baaqeen Ra’isul-wasaaraha
Dowladda Federalka ee Dalka Somalia, Prof. Cali Maxamed Geeddi inuu keeno
xal-siyaasadeed oo ay caddaalad ku jirto, isla markaana uu saxo qaladaadka ku
jira xubinta Beesha, waa sida uu hadalka ugu dhignaa War-Saxaafadeedka.
Nuqul
ka mid ah War-Saxaafadeedka, oo la soo gaarsiiyey Xafiiska Website-kan, ayaa
lagu muujiyey inay Beesha Hilibi Dalandoole xubintooda siyaasadeed uu wakiil
uga yahay Wakiilka Siyaasadda ee Beesha, Dr. Nuur Xaydar Maxaad, oo haatan ku
sugan Deegaanka Embagathi ee Magaalladda Nairobi ee Dalka Kenya.
War-Saxaafadeedkan,
oo uu ku saxiixnaa Aqoonyahan C/qaadir Xuseen Walaal, ayaa waxa uu soo baxay
dhowr maalmood kadib, markii ay Xildhibaanadda Beesha Mudulood raalligelin u
jeediyeen Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hilibi Dalandoole
iyo Mobleen Cismaan, oo iyagu aan xubno laga siinin xubnihii ku soo aaday
Beelaha Mudulood.
Beesha
Hilibi Dalandool, waxay waalid ahaan ugu aadan yihiin Beesha Abgaal Cismaan,
halka Beesha Mobleen Cismaan-na ay walaalo yihiin Beesha Abgaal Cismaan.