Waa
hubaa hadii aad I arki laheeyd inaad I
weeydiin laheeyd waa maxey ereygan mag
maag, inta aan qormadeeyda u daadagin
bal aan kuu macneeyo magmaag.
Marka hooyo
aay dooneeyso ineey aroorta hore
caruurteeda canjeerada u dubto habeenkii
dhimbil dab ah waa ineey burjikada
dambastaa dhexda kaga duugtaa si aaysan
subixii u weeyn dab aay dhuxusha ku
shidato, dhimbishaas ayaa la yiraahdaa
magmaag.
Marka aad loo
dhuuxaamiyo caqabadaha badan ee
soomaalida ka heeysta xaga maamul, waxaa
hoosta laga xariiqaa dhowr arimood oo
waa weeyn ,soomaalidu ma laha awood
xisaabtan oo kala saarta xumaanta iyo
wanaaga ,malaha xurmo iyo wax isku quur,
uma sameeysna dhowrida sharciga ama
qanuunka aay qortaan ama dagsadaan, wax
walbaa waxaa kala weeyn heeybta iyo
qabiilka, laaluushkana waa qeeyb nolosha
ka mid, aqoontana waa cadowga kowaad oo
lala diriro, shaqsiga wanaagsana waxaa
loo yaqaan doqon, kaan hubeeysneeyn oo u
turaya umadiisa waa sacbooleey, fekerka
iyo aragtida wanaagsana waxaa dhala
hubeeysanaha, goobaha siyaasada runta ah
ama cadadka lagu qeeybsanyo waxaa la
yiraahdaa, turubka biiga ha lagasaara,
oo macnaheedu yahay qabiilada yar yar ee
soomaaliga ma xamili karaane, ha naga
war dhoowraan,qodobadaas iyo kuwa kale
oo badan waa waxa ugu badan ee
soomaalida dib u ridey.
Marka aad maqasho
wasiir ama xildhibaan xilgan jira adigoo
soomaali ah waxaa kuu soo sawirmayaa nin
qabiilkiisu si xoog ah uga soo dhex
baxey oo lagu qasaban yahay aqbalaadiisa,
laguna soo xuley, inuu yahy nin soo
gubtey, oo si weeyn qabiilku u yaqaanaan
kana tilmaamaan, shuruuduna waa nin
hubkiisa iyo maleeyshiyadiisa aay farta
ka hadli yaqaanaan, dadka isaga
taageersana aay u yaqaanaan, nin aan
cadkiisa la qaadan Karin oo dirac ah,
ayna og yihiin xitaa kuwa soo doortey
inuu Qatar ku yahay oo aay doonayaan in
dhibaatadiisa lala wadago si dadka
asaagiisa ah uu xero ula tago.
Markii ugu horeeysay
tan iyo markii la dhisey dowlada Cali
Maxamed Geedi R/wasaaraha ka ahaa waxaa
soo if baxayey dadaalo lagu doonayo in
dowlada afka ciida loo daro, iyadoo loo
sii mareyo, xaga sharciga oo la
calaamadeeyay in lagu xadgudbey aayna
muuqdo qodobo dastuurka ku qoran oo la
dhinac marey, laakiin wali lama cadeeyn
cida sharciga ku xadgudubtey oo mudan in
talaabo laga qaado.
Waa la diidey dowladii
sharcigiina meeshuu wali ku qoran yahay,
cidii ku xadgudubteyna wali lama shaacin
afkana lama soo marsiin karo, xilkiina
weey heeysaa, hadii r/wasaaraha iyo
dowladiisii la diidey, madaxweeynuhu
bari waxuu soo magacaabayaa, mar kale
isla r/wasaarihii, dowladii oo sharciga
la soo marsiiyeyna waa la keenayaa,
barlamaanku ma ansixinayaa,jawaabtu waa
la sugayaa waa falaar cirka ku maqan,
maxaa yeeley boohinta Orgiga ka weeyn.
waxaa jira arimo qarsoon,maxeey yihiin
waa leeys weeydiinkaraa.
Rag badan ayaa
heeystay balanqaad wasiiro muhiim ah oo
ku xisaabtamayay hadeey waayeen
balanqaadkii waa colaad kowaad ee hada
taagan, waxa laga doodayaana waa qodobka
ugu muhiimsan, tan labaad waa awood
qeeybsiga maamulka dowlada oo aan dheeli
tirneeyn,weey jiraan qabiilo dhismaha ka
qeeylinya, tan sadexaad waa madaxweenaha
oo aan barlamaankaba u ogleeyn
shaqadiisa, kan afaraad waa sharciga oo
lagu xadgudbayo oo aan la dhowreeyn.
Marka aan dib u eego
tan iyo markii la doortey Barlamaam ayna
doorteen Madaxweeynaha, ma aha markii
ugu horeeysay oo lagu xadgudbo sharciga.
Dib u fiiri markii la doortey
madaxweeynaha shaqadii ugu horeeysay ee
uu ku dhaqaaqo waxuu dalbadey ciidamo
iyadoon cidna kala tashan barlamaanka,
xildhibaankii ugu horeeyay ee ka hadla
qaladkaasna waxuu ahaa diiq waabarigii
kaligii ciyaya, cidna kuma soo toosin
qeeyladaas, waxaan filaa xiligaas
barlamaanku waxaa dhex joogey Seeraar
kaligiis. Xildhibaanada kale ee hada
sharciga dhowrayaa halkeey ka yimaadeen
oo hada ka soo baxeen,shaki kuma jiro
mid walabaa waa dhaxamoonayey, ma hadli
Karin maxaa yeelay waxuu sugayay
wasiir,waxuu diidanaa in la arko,manta
waxaa soo dhamaatey rajadii marka
ujeedadu waa cadkaanoo ku cuney ama ku
ciidee.
Sida muuqata ku
xadgudubka sharciga inta badan waxuu ka
yimaadaa madaxweeynaha oo aan
barlamaanka u ogoleeyn awoodiisa sharci
,taas oo asalkeeda ka timid doorashadii
madaxweeynaha oo xildhibaanada inta
badan aay codkooda siiyeen si indho
la,aan ah taas oo ah udubka dhibaatada
asalkeedaba ka soo unkantey.
Awoodan
cusub ee barlamaanku waxeey wado cusub u
furaysaa in sharciga wax walbaa ka weeyn
yahay laakiin sharcigu waa inuu cid
walbaa qabtaa ee uusan noqn mid qabanaya
qofkii aan dantaada wadin oo kaliya
waana in maanka lagu hayo in laba boqol
iyo todobaatameeyadu aaney kuligood
wasiiro noqon Karin, lagana gudbo damaca
loona gudbo dhismo qaran,hadii
barlamaanku ku sii socdo wadadaana waxaa
shaki jirin in la dhisi doono soomaali
cusub arintu si kastaba ha ahaate mudane
laba wasiir iyo xildhibaan ileen waad
mag maagneeydeen.
by:
Cawil
Dahir Salad
Email:
cawildahir@hotmail.com