Axad, December 12, 2004 (HOL)
@18:30GMT:
Fadhigii ay
shalay isugu yimaadeen xubnaha
baarlamaanka oo la filayay in ay si weyn
u hareyn doonto dooda muranka dhalisay
ee ah in lagu xadgudbay qodobo ka tirsan
Dastuurka KMG ah oo ay ku kala
qeybsanaayeen xubnaha Baarlamaanka, gaar
ahaan wixii ka dambeeyay markii uu
Ra’iisul Wasaare Geedi ku dhawaaqay
golahiisa Wasiirrada, iyadoo kulan
midkaas ka horeeyay oo lagu ballansanaa
ansixinta xeer hoosaadka Baarlamaanka ay
markii ugu horeysay baarlamaanka ka dhex
muuqdeen Mudanayaal dhowr ah oo aan soo
gelin liiska xubnaha loo dhaariyay
xukuumadda cusub oo ay horkacayeen Zakariye
Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Dr. Cali
Baashi Cumar Rooraaye, kuwaasoo soo
jeediyay in ansixinta xeer hoosaadka ay
ka muhiimsan tahay ka doodida qaar ka
mid ah qodobada dastuurka oo la jebiyay
oo ay ku jiraan in lagu xadgudbay awood
qeybsiga beelaha marka la eego dhismaha
Xukuumadda iyo qodob midkaas ka soo
horjeeda oo tilmaamaya in ay xadgudub
kale ahayd in Ra’iisul Wasaaraha
isagoo aan kalsooni ka helin
baarlamaanka in uu isaga dhawaaqo
Xukuumaddiisa, wuxuuse Guddoomiyaha
Baarlamaanka uu soo jeedinta
Mudanayaashaasi ku xakameeyay in doodda
arrintaas la isugu soo laabanayo fadhi
kale.
Doodda Fadhigii
shalay oo la filayay in ka hadalkeeda
aanu maalin qur ah ku filnaan doonin
ayaa saacado gudahood uu Guddoomiyaha
Baarlamaanka Md. Shariif Xasan kaga
dhawaaqay in cod bixin ay sameeyeen
Xubnaha Baarlamaanka ay aqlabiyad xoog
leh ku rideen Xukuumaddii Ra’iisul
Wasaare Geedi, wuxuuna hadalkaasi keenay
in go’aankaas intii maqashay badankood
ay durba rumeystaan in Xukuumaddii
Ra’iisul Wasaare Geedi sidaas lagu
xabaalay balse u kuurgal dheer oo lagu
sameeyay sida uu xalaal u ahaa
go’aankaas ayaa waxaa ka daba yimid
shaki muujinaya sharcinimada loo
cuskaday go’aankaas waayo waxaa dhacay
arrimo badan oo marag muujin u ah in la
galay qaladaad dastuuri ah, iyadoo la
doonayay in la saxo xadgudubyo la
sheegay in lagula kacay Axdiga Qaranka,
waayo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayay
warar soo if-baxaya sheegayaan in uu
qeyb ka ahaa shirqool ay ka dambeeyeen
mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, si
loo rido xukuumadda aan labo todobaad
jirsan ee Ra’iisul Wasaare Geedi,
iyadoo taasina daliil looga dhiganayo
labo qodob oo kala ah in isla fadhigaas
oo uu mar ku dhawaaqay in uu xiran yahay
uu misana dib u sheegay in uu furan
yahay, sidoo kalena xasilooni darro ka
dhacday gudaha baarlamaanka ayuu
guddoomiyaha baarlamaanka iska indho
tiray qodobka 22aad ee Axdiga KMG ah oo
sheegaya in hadii ay xaaladdaas timaado
uu shirka xiri karo, halka cusbitaal
loola cararay Cabdalla Deerow oo dhaawac
goobtaas ka soo gaaray, iska hor imaad
dhacay aawgeed, marka laga soo tago
taasina waxaa uu si aan leex leexad
lahayn Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan uga
weecday qodob ka tirsan xeer hoosaadka
baarlamaanka oo dhigaya in cod bixinta
kalsooni siinta Xukuumadda iyo kala
noqoshadeedaba ay tahay mid qarsoodi ah,
halka uu isagu amray in gacan taag laga
dhigo cod bixintii shalay, tiiyoo weliba
ay u dheer tahay eedeyn kale oo ah in uu
caburiyay mudanayaashii difaacayay
Xukuumadda la soo dhisay, isla markaana
uu cod bixinta la soo deg degay markii
uu hubsaday in xubnihii u ololeynayay
ridista xukuumadda ay intoodii badneyd
hadalka jeediyeen, sida ay sheegeen
Xildhibaano dhowr ah oo ay ka mid tahay Khadiijo
Maxamed Diiriye oo ka tirsan Wasiir
ku xigeenada Xukuumadda cusub, taasoo
xustay in ay af-duub ku ahayd qodobka
26aad ee Axdiga oo qaba in Xildhibaanada
Baarlamaanka ay aragtidooda soo jeedin
karaan.
Warar laga helayo ilo
lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in
xiriirka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo
Madaxweynaha aanu ahayn mid wanaagsan
laga soo bilaabo markii lagu dhawaaqay
magacaabista Xukuumadda cusub oo uu
Shariif Xasan ka maqnaaday xafladdii
lagu dhaarinayay, iyadoo la sheegayo in
sidoo kale uu ka baaqsaday kulamo kale
oo uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf jeclaa
in uu kula kulmo Guddoomiyaha
Baarlamaanka, waxayse xildhibaanada
qaarkood sheegayaan in uu Shariifku la
careysnaa wasiirro ka tirsan Xukuumadda
cusub oo aan la siinin jagooyinkii ay
rabeen, walow aan arrintaas si buuxda
loo xaqiijin. Dhanka kalena Xildhibaano
codsaday in aan magacooda la faafin ayaa
sheegay in haddii uu madaxweynaha uu
diido go’aanka ay ku rideen ra’iisul
wasaare Geedi iyo Xukuumaddiisa ay
talaabada ku xigta ka dhigi doonaan in
isaga kalsoonida lagala laabto, iyadoo
lagu eedeynayo in uu Aabbe u ahaa
jebinta qodobada Dastuurka, isla
markaana Mooshin ka dhan ah baarlamaanka
la hor geyn doono isla todobaadkan
gudahiisa.
Warar sidoo kale soo
baxay xalay fiidkii ayaa sheegaya in
diblumaasiyiin ku sugnaa Xarunta
Mbagathi oo u joogay in ay indho
indheeyaan qaabka doodaha baarlamaanka
iyo noocyada tababar ee uu u baahan
yahay ay go’aankii shalay ee
baarlamaanka ku tilmaameen mid lagu
gaaray si laab la kac ah, taasoo la
sheegayo in ay keentay xiriiro ay
durbadiiba mas’uuliyiinta dowladda la
soo sameeyaan xubno ka tirsan IGAD, AU
iyo IPF-ta, si ay Soomaalida ugu
muujiyaan in aaney ogolaaneyn in
dadaalkii Beesha Caalamka ee dib u
heshiisiinta Soomaalida uu noqdo mid si
sahal ah looga dhigo hal bacaad lagu
lisay.
Ra’iisul Wasaare
Geedi, markii uu maqlay go’aanka ka
soo yeeray baarlamaanka iyo
warbixinnadii uu ka helay goobta waxaa
uu daboolka ka qaaday in go’aankaasi
aanu ahayn mid sharci ku fadhiya, isagoo
sheegay in dad aan ka tirsaneyn
baarlamaanka ay ku jireen gudaha
fadhigaas, isla markaana lagu xadgudbay
nidaamka cod bixinta oo halkii
qarsoodiga lagu codeyn lahaa lagu
bedelay gacan taag ay xitaa ka qeyb
qaateen qaar ka mid ah suxufiyiintii
goobta ku sugnaa, wuxuuna Ra’iisul
Wasaare Geedi uu isla xalay kulan deg
deg ah la qaatay golahiisa Wasiirrada oo
aaney ka soo qeybgelin seddex ka mid ah
oo lagu tirinayay in ay ka dambeeyeen
abaabulka go’aanka uu sheegay
Guddoomiyaha Baarlamaanka ee lagu riday
Xukuumaddii ay u dhaarteen, waxayna
wasiirradaasi kala yihiin Maxamed
Qanyare, Ismaaciil Buubaa iyo Col.
Shaati gaduud, su’aasha la is-weydiinayase
waxaa ay tahay sababta ay seddexdan
wasiir uga qeyb qaateen duleelinta
doontii ay dhinac ka saarnaayeen,
hayeeshee jawaab ay bixiyeen
Xildhibaanadii difaacayay Xukuumadda
ayaa ahayd in mid kasta oo ka mid ah
seddexdan wasiir uu Xukuumadda ka
doonayay in uu ka helo ku xigeennada
Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiir ka
buuran midka uu ku magacaaban yahay,
marka laga reebo Md. Buubaa oo isagu
sheegay in uu ku qanacsan yahay
jagadiisa balse uu ku doodayay in
dhismaha Xukuumadda ay ahayd mid lagu
xabaalayo Midnimada Soomaaliya.
Inkastoo ay
wasiirradan ka maqnaayeen kulankii xalay,
misana waxay warar hoose sheegayaan in
Ra’iisul Wasaare Geedi uu u diray
casuumaad uu ugu sheegayo in ay ka soo
qeybgalaan kulan kale oo ay Golaha
Wasiirradu lahaayeen galabnimadii maanta,
taasoo aan la ogeyn waxa ku xigi doona
haddii ay ka baaqsadaan kulankan kale,
inkastoo aanu wax war ah ka soo bixin
Col. Shaati gaduud iyo Maxamed Qanyare,
halka uu Ismaaciil Buubaa xalay ka
sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
laga sugayo in uu soo magacaabo
Ra’iisul Wasaare kale, walow uu xusay
in ay u furan tahay in uu mar kale ku
soo celin karo Prof. Geedi, iyadoo
haddii ay ka baaqsadaan kulanka galabta
ilaa caawa soconaya la sheegayo in uu
abuurmi karo khilaaf keeni kara in uu
muranku intaas ka sii xoogeysto, halka
ay haatan xaaladdu mareyso, waase haddii
uu Ra’iisul Wasaare Geedi uu diiradda
saaro in uu ka laabto magacaabista
Wasiirradaas, walow ay taasi ku xiran
tahay sida marka hore looga qanciyo
xubnahaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka
in go’aankii shalay uu ahaa mid aan
sax ahayn oo horseedi kara bur bur ku
yimaada dowladda Federaalka KMG ah,
iyadoo la soo werinayo in Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf oo mas’uul ka ah ilaalinta
Axdiga KMG ah iyo ogolaanshaha
Go’aanada Baarlamaanka aanu haatan ku
qanacsaneyn go’aanka la sheegay in
loogu dhameeyay Ra’iisul Wasaare Geedi
iyo Xukuumaddiisa, waxaana
af-hayeenkiisa gaarka ah oo lagu
magacaabo Yuusuf Bari Bari uu u sheegay
Warbaahinta in go’aankii shalay uu
ahaa mid aan sharci ku fadhin.
Gudaha Soomaaliya
ayaa go’aankii ka soo yeeray
Baarlamaanka looga arkay mid naxdin leh
oo mugdi sii gelinaya rajadii laga qabay
in dowladda haatan dibad jooga ku ah
dalka Kenya ay ka howlgasho gudaha
Soomaaliya, iyadoo weliba eersaneysa in
isla kuwii u dhaartay ay u bareerayaan
duminteeda, iyadoo warar soo baxayana ay
sheegayaan in qaar ka mid ah deegaanada
Soomaaliya ay ka jiraan qaban qaabada
banaanbaxyo lagu diidan yahay
go’aankii shalay ka soo yeeray
Baarlamaanka Soomaaliyeed, walow ay
jiraan dad kale oo aad u soo dhaweeyay
arrintaas, kuwaasoo u badan qaar qaba in
beelahooda laga sed bursaday, isla
markaana ay ka jeclaan lahaayeen in
dowladdu ay bur burto halkii ay
beelahooda ka qadi lahaayeen.
Ugu dambeyntiina,
waxaa Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiinta
dowladda ay dadka Soomaalida ah ka
rajeynayaan in aaney si qalad ah ugu
takri falin awoodda ay ku metelayaan,
isla markaana ay ku fikiraan in aaney
jiri doonin fursad kale oo albaabka u
soo joogsata Soomaaliya haddii ay iska
ciideeyaan taageerada iyo aqoonsiga
dowladnimo ee ay Soomaaliya haatan ka
heysato beesha Caalamka kadib 14 sano oo
lagu soo jiray Dagaallo Sokeeye iyo
fowdo oo haddii dib loogu laabto keeni
karta baaba’ ka sii xun iyo faragelin
Mileteri oo ka timaada beesha Caalamka,
iyadoo cudur daar looga dhiganayo in
Soomaalida ay gacmahooda isaga bur
buriyeen dowlad u dhisneyd labo bilood
gudahood, isla markaana dhismaheeda loo
fadhiyay dalka Kenya muddo labo sano ah
oo ay ku baxday ku dhawaad 20 Milyan oo
Doollarka Mareykanka ah.
Salaad Iidow
Xasan (Xiis) Hiiraan Online
Mogadishu , Somalia
sxiis@hiiraan.com