Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

FAALO: Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Geedi Ma Xijaabatay Mise waxay ka Badbaaday Shirqool Lagu Xabaali lahaa?

by: Salaad Iidow Xasan (Xiis) 

mail: sxiis@hiiraan.com

Axad, December 12, 2004 (HOL) @18:30GMT: 

Fadhigii ay shalay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka oo la filayay in ay si weyn u hareyn doonto dooda muranka dhalisay ee ah in lagu xadgudbay qodobo ka tirsan Dastuurka KMG ah oo ay ku kala qeybsanaayeen xubnaha Baarlamaanka, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii uu Ra’iisul Wasaare Geedi ku dhawaaqay golahiisa Wasiirrada, iyadoo kulan midkaas ka horeeyay oo lagu ballansanaa ansixinta xeer hoosaadka Baarlamaanka ay markii ugu horeysay baarlamaanka ka dhex muuqdeen Mudanayaal dhowr ah oo aan soo gelin liiska xubnaha loo dhaariyay xukuumadda cusub oo ay horkacayeen Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye, kuwaasoo soo jeediyay in ansixinta xeer hoosaadka ay ka muhiimsan tahay ka doodida qaar ka mid ah qodobada dastuurka oo la jebiyay oo ay ku jiraan in lagu xadgudbay awood qeybsiga beelaha marka la eego dhismaha Xukuumadda iyo qodob midkaas ka soo horjeeda oo tilmaamaya in ay xadgudub kale ahayd in Ra’iisul Wasaaraha isagoo aan kalsooni ka helin baarlamaanka in uu isaga dhawaaqo Xukuumaddiisa, wuxuuse Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo jeedinta Mudanayaashaasi ku xakameeyay in doodda arrintaas la isugu soo laabanayo fadhi kale.

Doodda Fadhigii shalay oo la filayay in ka hadalkeeda aanu maalin qur ah ku filnaan doonin ayaa saacado gudahood uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan kaga dhawaaqay in cod bixin ay sameeyeen Xubnaha Baarlamaanka ay aqlabiyad xoog leh ku rideen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Geedi, wuxuuna hadalkaasi keenay in go’aankaas intii maqashay badankood ay durba rumeystaan in Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Geedi sidaas lagu xabaalay balse u kuurgal dheer oo lagu sameeyay sida uu xalaal u ahaa go’aankaas ayaa waxaa ka daba yimid shaki muujinaya sharcinimada loo cuskaday go’aankaas waayo waxaa dhacay arrimo badan oo marag muujin u ah in la galay qaladaad dastuuri ah, iyadoo la doonayay in la saxo xadgudubyo la sheegay in lagula kacay Axdiga Qaranka, waayo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayay warar soo if-baxaya sheegayaan in uu qeyb ka ahaa shirqool ay ka dambeeyeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, si loo rido xukuumadda aan labo todobaad jirsan ee Ra’iisul Wasaare Geedi, iyadoo taasina daliil looga dhiganayo labo qodob oo kala ah in isla fadhigaas oo uu mar ku dhawaaqay in uu xiran yahay uu misana dib u sheegay in uu furan yahay, sidoo kalena xasilooni darro ka dhacday gudaha baarlamaanka ayuu guddoomiyaha baarlamaanka iska indho tiray qodobka 22aad ee Axdiga KMG ah oo sheegaya in hadii ay xaaladdaas timaado uu shirka xiri karo, halka cusbitaal loola cararay Cabdalla Deerow oo dhaawac goobtaas ka soo gaaray, iska hor imaad dhacay aawgeed, marka laga soo tago taasina waxaa uu si aan leex leexad lahayn Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uga weecday qodob ka tirsan xeer hoosaadka baarlamaanka oo dhigaya in cod bixinta kalsooni siinta Xukuumadda iyo kala noqoshadeedaba ay tahay mid qarsoodi ah, halka uu isagu amray in gacan taag laga dhigo cod bixintii shalay, tiiyoo weliba ay u dheer tahay eedeyn kale oo ah in uu caburiyay mudanayaashii difaacayay Xukuumadda la soo dhisay, isla markaana uu cod bixinta la soo deg degay markii uu hubsaday in xubnihii u ololeynayay ridista xukuumadda ay intoodii badneyd hadalka jeediyeen, sida ay sheegeen Xildhibaano dhowr ah oo ay ka mid tahay Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Wasiir ku xigeenada Xukuumadda cusub, taasoo xustay in ay af-duub ku ahayd qodobka 26aad ee Axdiga oo qaba in Xildhibaanada Baarlamaanka ay aragtidooda soo jeedin karaan.

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xiriirka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha aanu ahayn mid wanaagsan laga soo bilaabo markii lagu dhawaaqay magacaabista Xukuumadda cusub oo uu Shariif Xasan ka maqnaaday xafladdii lagu dhaarinayay, iyadoo la sheegayo in sidoo kale uu ka baaqsaday kulamo kale oo uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf jeclaa in uu kula kulmo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayse xildhibaanada qaarkood sheegayaan in uu Shariifku la careysnaa wasiirro ka tirsan Xukuumadda cusub oo aan la siinin jagooyinkii ay rabeen, walow aan arrintaas si buuxda loo xaqiijin. Dhanka kalena Xildhibaano codsaday in aan magacooda la faafin ayaa sheegay in haddii uu madaxweynaha uu diido go’aanka ay ku rideen ra’iisul wasaare Geedi iyo Xukuumaddiisa ay talaabada ku xigta ka dhigi doonaan in isaga kalsoonida lagala laabto, iyadoo lagu eedeynayo in uu Aabbe u ahaa jebinta qodobada Dastuurka, isla markaana Mooshin ka dhan ah baarlamaanka la hor geyn doono isla todobaadkan gudahiisa.

Warar sidoo kale soo baxay xalay fiidkii ayaa sheegaya in diblumaasiyiin ku sugnaa Xarunta Mbagathi oo u joogay in ay indho indheeyaan qaabka doodaha baarlamaanka iyo noocyada tababar ee uu u baahan yahay ay go’aankii shalay ee baarlamaanka ku tilmaameen mid lagu gaaray si laab la kac ah, taasoo la sheegayo in ay keentay xiriiro ay durbadiiba mas’uuliyiinta dowladda la soo sameeyaan xubno ka tirsan IGAD, AU iyo IPF-ta, si ay Soomaalida ugu muujiyaan in aaney ogolaaneyn in dadaalkii Beesha Caalamka ee dib u heshiisiinta Soomaalida uu noqdo mid si sahal ah looga dhigo hal bacaad lagu lisay.

Ra’iisul Wasaare Geedi, markii uu maqlay go’aanka ka soo yeeray baarlamaanka iyo warbixinnadii uu ka helay goobta waxaa uu daboolka ka qaaday in go’aankaasi aanu ahayn mid sharci ku fadhiya, isagoo sheegay in dad aan ka tirsaneyn baarlamaanka ay ku jireen gudaha fadhigaas, isla markaana lagu xadgudbay nidaamka cod bixinta oo halkii qarsoodiga lagu codeyn lahaa lagu bedelay gacan taag ay xitaa ka qeyb qaateen qaar ka mid ah suxufiyiintii goobta ku sugnaa, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Geedi uu isla xalay kulan deg deg ah la qaatay golahiisa Wasiirrada oo aaney ka soo qeybgelin seddex ka mid ah oo lagu tirinayay in ay ka dambeeyeen abaabulka go’aanka uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee lagu riday Xukuumaddii ay u dhaarteen, waxayna wasiirradaasi kala yihiin Maxamed Qanyare, Ismaaciil Buubaa iyo Col. Shaati gaduud, su’aasha la is-weydiinayase waxaa ay tahay sababta ay seddexdan wasiir uga qeyb qaateen duleelinta doontii ay dhinac ka saarnaayeen, hayeeshee jawaab ay bixiyeen Xildhibaanadii difaacayay Xukuumadda ayaa ahayd in mid kasta oo ka mid ah seddexdan wasiir uu Xukuumadda ka doonayay in uu ka helo ku xigeennada Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiir ka buuran midka uu ku magacaaban yahay, marka laga reebo Md. Buubaa oo isagu sheegay in uu ku qanacsan yahay jagadiisa balse uu ku doodayay in dhismaha Xukuumadda ay ahayd mid lagu xabaalayo Midnimada Soomaaliya.

Inkastoo ay wasiirradan ka maqnaayeen kulankii xalay, misana waxay warar hoose sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Geedi uu u diray casuumaad uu ugu sheegayo in ay ka soo qeybgalaan kulan kale oo ay Golaha Wasiirradu lahaayeen galabnimadii maanta, taasoo aan la ogeyn waxa ku xigi doona haddii ay ka baaqsadaan kulankan kale, inkastoo aanu wax war ah ka soo bixin Col. Shaati gaduud iyo Maxamed Qanyare, halka uu Ismaaciil Buubaa xalay ka sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf laga sugayo in uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare kale, walow uu xusay in ay u furan tahay in uu mar kale ku soo celin karo Prof. Geedi, iyadoo haddii ay ka baaqsadaan kulanka galabta ilaa caawa soconaya la sheegayo in uu abuurmi karo khilaaf keeni kara in uu muranku intaas ka sii xoogeysto, halka ay haatan xaaladdu mareyso, waase haddii uu Ra’iisul Wasaare Geedi uu diiradda saaro in uu ka laabto magacaabista Wasiirradaas, walow ay taasi ku xiran tahay sida marka hore looga qanciyo xubnahaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka in go’aankii shalay uu ahaa mid aan sax ahayn oo horseedi kara bur bur ku yimaada dowladda Federaalka KMG ah, iyadoo la soo werinayo in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo mas’uul ka ah ilaalinta Axdiga KMG ah iyo ogolaanshaha Go’aanada Baarlamaanka aanu haatan ku qanacsaneyn go’aanka la sheegay in loogu dhameeyay Ra’iisul Wasaare Geedi iyo Xukuumaddiisa, waxaana af-hayeenkiisa gaarka ah oo lagu magacaabo Yuusuf Bari Bari uu u sheegay Warbaahinta in go’aankii shalay uu ahaa mid aan sharci ku fadhin.

Gudaha Soomaaliya ayaa go’aankii ka soo yeeray Baarlamaanka looga arkay mid naxdin leh oo mugdi sii gelinaya rajadii laga qabay in dowladda haatan dibad jooga ku ah dalka Kenya ay ka howlgasho gudaha Soomaaliya, iyadoo weliba eersaneysa in isla kuwii u dhaartay ay u bareerayaan duminteeda, iyadoo warar soo baxayana ay sheegayaan in qaar ka mid ah deegaanada Soomaaliya ay ka jiraan qaban qaabada banaanbaxyo lagu diidan yahay go’aankii shalay ka soo yeeray Baarlamaanka Soomaaliyeed, walow ay jiraan dad kale oo aad u soo dhaweeyay arrintaas, kuwaasoo u badan qaar qaba in beelahooda laga sed bursaday, isla markaana ay ka jeclaan lahaayeen in dowladdu ay bur burto halkii ay beelahooda ka qadi lahaayeen.

Ugu dambeyntiina, waxaa Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiinta dowladda ay dadka Soomaalida ah ka rajeynayaan in aaney si qalad ah ugu takri falin awoodda ay ku metelayaan, isla markaana ay ku fikiraan in aaney jiri doonin fursad kale oo albaabka u soo joogsata Soomaaliya haddii ay iska ciideeyaan taageerada iyo aqoonsiga dowladnimo ee ay Soomaaliya haatan ka heysato beesha Caalamka kadib 14 sano oo lagu soo jiray Dagaallo Sokeeye iyo fowdo oo haddii dib loogu laabto keeni karta baaba’ ka sii xun iyo faragelin Mileteri oo ka timaada beesha Caalamka, iyadoo cudur daar looga dhiganayo in Soomaalida ay gacmahooda isaga bur buriyeen dowlad u dhisneyd labo bilood gudahood, isla markaana dhismaheeda loo fadhiyay dalka Kenya muddo labo sano ah oo ay ku baxday ku dhawaad 20 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
Mogadishu , Somalia
sxiis@hiiraan.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul