Nabar
aad filaysao naxdin ma leh ayey soomalida tiraahdaa,Waa
Murugo hor leh oo iyada ah mid la filaayay laakin noqotay
mid ka soo dheeraysay halki lagu qiyaasayay in ay ka
bilaabato oo ahayd meel isugu keenida, danaha xabashida ka
leedahay dalka Soomaliya, madax adeega Cabdullahi Yusuf ,rabitaankiisa
ciidan ajnabiya oo dalkeena yimaado, hiigsashadiisa in uu
noqdo madaxweyna awood badan sidi Puntland uu ku ahaa iyo
dastuurka oo la ilaaliyo,sharciga oo lagu dhaqmo ,khilaafyada
jiro oo wada hadal lagu dhameeyo, adkaashada isla fahamka
goobta saldhig u noqonayso dowladda, soo hadal qaadida hub
ka dhigida hogaamiya jagada wasaarada uu haayo ku helay
awooda maleeshiyeed oo uu leeyahay dhibka ka imaan karo.
Waa la riday dowladi keddib marki ay reed martay ku
dhaqanka dastuurka qaranka iyado oo aan la hor keenin
barlamaanka.
Ma
dhicin dowlada, howsha dowladana u joojin mayno ridid aan
loo cuskan sharciga iyo dastuurka dalka u yaal.
Madaxweynaha iyo wasiirka koowad waa aqoonsadeen
dhicitaanka dowladda.
Mudane Geedi mar kale ayaa loo magacaabay wasiirka
koowaad, wuxuuna ku howlan yahay dib ugu noqoshada soo
xulida golaha dowladiisa.
Waa madaxweyne macangag ah, waa wasiir koowaad oo
caaboon, waa gole barlamaan oo ay mideyso Aniga,waa xubno
barlamaan oo wada cad doon ah, waa dowlad aan lahayn talo
iyo dal heshiis lagu yahay,waa saxaafad bar buko,barna ku
wareeray ka hadalka kooxa aan isku dhaamin ilaalinta
danaha shaqsigaa, waa deris heshiis ku ah debandaabyada
danaha ummadda soomaaliyeed,waa adduunya hore u ogayd
dowlad aan dalkeeda joogin ,dadkeedana aan aqoonsi ka
helin tabarteey leedahay.
Intaa
oo dhan waxaa ka
soo baxayo su’aal aan lahayn meel looga leexdo oo ah,
Dastuur buko meel ma isugu keeni karaa kooxa isku haayo
dowladi wa la riday iyo riditaankaa ma ahan mid sharciga
loo soo maray, iyagoo hilmaamay meesha ay isku haystaan,
dastuurkana kaga hadlayaan in aynan ahayn dalkoodi hooyo,
iyagoo hilmaamay in ay barlamaanka iyo dowladaba wax walba
ka hormarshaan ku noqoshada dalki. dastuur buko meel ma
isugu keeni karaa nin sadkiisa ku qaatay noqoshada xubin
barlamaan ,looguna daray waxaad heli kartaa sad kale iyo
nin ku haboona in uu wasiir noqdo sad ahaan iyo awooda uu
u leeyahay in uu howshaas ka soo bixi karo, balmaankana
aan ku jirin
Dastuurka
waxaa ku jiro khaladaad fara badan oo aad moodid in ay
qasdi ugu dareen dowladahi soo diyaariyay iyo kooxihi loo
adeegsaday diyaarintiisa
Dastuurka wuxuu leeyahay waa in wasiirka koowaad
laga soo qaataa barlamaanka, waa in wasiirada laga soo
dhax xulaa barlamaanka.waa su’aal kale ,ragga diyaariyay
miyanan ku tala galin saami qaybsiga awooda Soomaliya in
ay tahay xubnaha barlamaanka ka mid noqonayo oo la
qeybsado ,qeybsigooda keddibna looga gudbo qeybsiga
dowladda iska leh fulinta sida wasiirada, loogana gudbo
jagooyinka xiga si dheeli tiran ee uga yaraan heshiis lagu
wada yahay.haddaba maxaa keenay in dastuurka lagu qoro nin
saamigiisa ku helay noqoshada xubin barlamaan in uu
haddana tartan u galo helitaanka saami dheeri ah oo
banaanka ka ah barlamaanka sida wasiir?
Waxaa hubaal ah in ay adkaan doonto qancinta
xubnaha barlamaanka ee aan lagu darin dowlada, waayo xubin
walbo sowdkeeda waa wasiir haddii kale waa aan ku kal
tagno ilayn marki horaba ma jirin waxaan heshiis ku nahay.
Si
kastaba u qor, xabashi waxay doonaysaa dowlad daciif ah oo
ka ambaqaado dalka Soomaaliya iyadana lagala arrinsado
howl qabadkeeda, taa haddii ay waysana waxay ka jirtaa
colaada siyaasadeed ee soomalida ka dhaxayso oo
dabadheeraato sidaana lagu dowlad la’aado.dhinaca kalana
ogow, faragalinta ay dowladaha shisheeye ku haayaan
arrimaha Soomalida kuma koobno xabashida oo kaliye, oo
waxaa jiro dowladda ka soo horjeedo danaha xabashida oo u
hergalo sida ay xabashida wax u doonayso iyo dowlada iyaga
gebi'ahaanba ka soo horjeedo danaha xabashida oo soomaliya
ka hergalo.
Haddaba
hogaamiyayaasha Soomalida midkooda barlamaanka xubin ka
helay, midkooda helay wasiir ,midkooda aan helin labadaba
iyo kaan goob joog ahayn oo aan fursad u helin ka
qaybgalka shirkaas (muddada labada sanaa loo fadhiyay in
laga beero beer miraheeda Soomaliweyn nabad ku wada
gurtaan) diyaar ma u yihiin in ay isu tanaasulaan ,danahoodana
ka hormarshaan danta guud oo iyada shaqsi walbo u
samaaxayso gaarista danta gaarka ah, isfaham iyo wada
shaqayn keddib.
Howsha ma sahlana waayo in la heshiiyo uma fududo
sidi in la diriro, waxbalbana lugta lagu dhufto.
Afar
iyo toban sano ayey maraysaa raadinta in
ay Soomali mar kale meel wax isla dhigaan ,sidaana
dowladi Soom aliyeed lugaheeda ugu istaagto.
Waxaa
taa ka daran madaxweynaha Soomaliya loo calaama saaray in
uu ku taagan yahay ka war-wareegida imaatinka caasumada
dalka (Muqdisho) oo uu ku tilmaamay in ay tahay meel aan
amnigeeda la isku halayn Karin ,isagoo haddana doonayo,
abaabulna ugu jiro tegista Gobalka Bay oo iyada ah halki
uu Cabdullahi ka
cararay 1978, keddib marki uu ku fashilmay dhisitaanka
xukkumad qabiil oo bedesho xukuuma- di Milatary oo uu
horkacayay Maxamed Siyaad(allah ha u naxariistee).
Cabdulahi
wuxuu mar kale doonayaa in uu taariikheeyo halkuu ka
cararay in uu dalka ka soo galo isaga oo ay weli
afcaashiisa ka muuqato doonista in uu dhiso xukuumad uu
qabiil horkacayo.
Colaad
la huriyaa ma dhib badno sida ay u dhib badan-tahay
heshiisiinta iyo meel isugu keenida dad bahaloobay,
haddaba sidaa darteed Mr Geedi waxaan kula talinaynaa in
uu ka feejignaado ku soo biirada ragga Soomali la haray
waa haddii uu ku guulaysto codka kalsoonida ee
barlamaanka,taana waxay ku imaan kartaa.
1)Isaga
oo ku dhego in ay dowladiisa tagto caasumada
dalka soomaliya haddii la wayana uu ka taanasulo
wasiirka koowaad, waayo tegida meel aan caasumada ahayn
waa doonista colaad kale in
dalka laga huriyo iyo mugdi ummadda soo gala dhax
galo mar kale.
2)Isaga
oo ku dadaalo howlgalinta wasiirada dowlada iyo
taabagelinta helitaanka iyo diyaarinta goobihi ay
shaqadooda ku qaban lahaayeen.
3)Dhisida
ciidan Soomaliyeed oo aan lagu keenin qaabka ah, reer
hebel intaas ha keenaan, balsa ahaado mid loo yeero
wiilasha Soomaaliyeed ninki doonayo ka qaybgalka dhisida
ciidanka xooga dalka Soomaliyed iyo booliska gobalka oo
isaga ay
haboon tahay in xubin kasto oo ka mid noqonayso in ay ka
soo jeedo deegaan ahaan goobta uu ka shaqaynayo.
3)In
madaxweynaha,wasiirka koowaad,wasiirada iyo xubnaha
barlamaanka ay dhamaan diiwan galiyaan si rasmi ah xolaha
ay hadda leeyihiin.
4)Ka
shaqaynta in ay xukuumadiisa ahaato mid khilaafaadka
dowladiisa ku dhamayso deganaan iyo wada hadal, kana
dheeraato in ay khilaafaadka ku xaliso xoog, ilaa xaalado
ay inta badan dowladiisa
isku waafaqsanyihiin.
5)Tixgalinta
talooyinka wasiirada u soo jeediyaan iyo ka dheeraashada
nin jecayl.
Mudana
intaanba iyo wax walba oo wanaag ku taagan haddii aad ku
dhaqanto, laga yaabee in ay dowladaada ugu yaraan noqon
doonto mid lagu tilmaami karo dowlad u istaagtay xal u
helida arrimaha murugsan ee Soomaalida marka lagu cabiro
xaalada cakiran oo ay manta somaali ku jirto.
Ma
filaayo ,maanta in aan hayno hogaamiyayaal ay ka muuqato u
guntashada badbaadinta dalkeena siyaasad ahaan,dhaqaala
ahaan, diin ahaan iyo bulsha ahaan ,sidaa darteed waxay
arrinta u muuqataa in ay ku biya shubanayso, Soomalida oo
iska dhax doonto rag u gunta karo dalkeena oo dib
lugihiisa ugu istaago, taa waa haddii dowladan gaariga ay
saaran tahay u yeeliweyso lugu ay ku socoto ,waxay arrinta
ku biya shubanaysaa hogaamiyihi isku tabaayo karti, in uu
doono soomali la shaqayso, soona celiso dowladi
soomaliyeed oo shaqayso kana dhax muuqato khariidada
caalamka oo laga waayay Soomaali diyaar u ah in ay isqaado
dalkeedana u adeegto.16/12/2004
Cabdallah
Moallim Maxamud.
Moallem10@hotmail.com
__________________________________