Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Xubin Walbo Codkeeda Waa Wasiir

by Abdallah Moallim Mahamud    moallem10@hotmail.com

Nabar aad filaysao naxdin ma leh ayey soomalida tiraahdaa,Waa Murugo hor leh oo iyada ah mid la filaayay laakin noqotay mid ka soo dheeraysay halki lagu qiyaasayay in ay ka bilaabato oo ahayd meel isugu keenida, danaha xabashida ka leedahay dalka Soomaliya, madax adeega Cabdullahi Yusuf ,rabitaankiisa ciidan ajnabiya oo dalkeena yimaado, hiigsashadiisa in uu noqdo madaxweyna awood badan sidi Puntland uu ku ahaa iyo dastuurka oo la ilaaliyo,sharciga oo lagu dhaqmo ,khilaafyada jiro oo wada hadal lagu dhameeyo, adkaashada isla fahamka goobta saldhig u noqonayso dowladda, soo hadal qaadida hub ka dhigida hogaamiya jagada wasaarada uu haayo ku helay awooda maleeshiyeed oo uu leeyahay dhibka ka imaan karo.

  Waa la riday dowladi keddib marki ay reed martay ku dhaqanka dastuurka qaranka iyado oo aan la hor keenin barlamaanka.

 Ma dhicin dowlada, howsha dowladana u joojin mayno ridid aan loo cuskan sharciga iyo dastuurka dalka u yaal.

  Madaxweynaha iyo wasiirka koowad waa aqoonsadeen dhicitaanka dowladda.

  Mudane Geedi mar kale ayaa loo magacaabay wasiirka koowaad, wuxuuna ku howlan yahay dib ugu noqoshada soo xulida golaha dowladiisa.

  Waa madaxweyne macangag ah, waa wasiir koowaad oo caaboon, waa gole barlamaan oo ay mideyso Aniga,waa xubno barlamaan oo wada cad doon ah, waa dowlad aan lahayn talo iyo dal heshiis lagu yahay,waa saxaafad bar buko,barna ku wareeray ka hadalka kooxa aan isku dhaamin ilaalinta danaha shaqsigaa, waa deris heshiis ku ah debandaabyada danaha ummadda soomaaliyeed,waa adduunya hore u ogayd dowlad aan dalkeeda joogin ,dadkeedana aan aqoonsi ka helin tabarteey leedahay. 

Intaa oo dhan waxaa  ka soo baxayo su’aal aan lahayn meel looga leexdo oo ah, Dastuur buko meel ma isugu keeni karaa kooxa isku haayo dowladi wa la riday iyo riditaankaa ma ahan mid sharciga loo soo maray, iyagoo hilmaamay meesha ay isku haystaan, dastuurkana kaga hadlayaan in aynan ahayn dalkoodi hooyo, iyagoo hilmaamay in ay barlamaanka iyo dowladaba wax walba ka hormarshaan ku noqoshada dalki. dastuur buko meel ma isugu keeni karaa nin sadkiisa ku qaatay noqoshada xubin barlamaan ,looguna daray waxaad heli kartaa sad kale iyo nin ku haboona in uu wasiir noqdo sad ahaan iyo awooda uu u leeyahay in uu howshaas ka soo bixi karo, balmaankana aan ku jirin

 Dastuurka waxaa ku jiro khaladaad fara badan oo aad moodid in ay qasdi ugu dareen dowladahi soo diyaariyay iyo kooxihi loo adeegsaday diyaarintiisa

  Dastuurka wuxuu leeyahay waa in wasiirka koowaad laga soo qaataa barlamaanka, waa in wasiirada laga soo dhax xulaa barlamaanka.waa su’aal kale ,ragga diyaariyay miyanan ku tala galin saami qaybsiga awooda Soomaliya in ay tahay xubnaha barlamaanka ka mid noqonayo oo la qeybsado ,qeybsigooda keddibna looga gudbo qeybsiga dowladda iska leh fulinta sida wasiirada, loogana gudbo jagooyinka xiga si dheeli tiran ee uga yaraan heshiis lagu wada yahay.haddaba maxaa keenay in dastuurka lagu qoro nin saamigiisa ku helay noqoshada xubin barlamaan in uu haddana tartan u galo helitaanka saami dheeri ah oo banaanka ka ah barlamaanka sida wasiir?

    Waxaa hubaal ah in ay adkaan doonto qancinta xubnaha barlamaanka ee aan lagu darin dowlada, waayo xubin walbo sowdkeeda waa wasiir haddii kale waa aan ku kal tagno ilayn marki horaba ma jirin waxaan heshiis ku nahay.

Si kastaba u qor, xabashi waxay doonaysaa dowlad daciif ah oo ka ambaqaado dalka Soomaaliya iyadana lagala arrinsado howl qabadkeeda, taa haddii ay waysana waxay ka jirtaa colaada siyaasadeed ee soomalida ka dhaxayso oo dabadheeraato sidaana lagu dowlad la’aado.dhinaca kalana ogow, faragalinta ay dowladaha shisheeye ku haayaan arrimaha Soomalida kuma koobno xabashida oo kaliye, oo waxaa jiro dowladda ka soo horjeedo danaha xabashida oo u hergalo sida ay xabashida wax u doonayso iyo dowlada iyaga gebi'ahaanba ka soo horjeedo danaha xabashida oo soomaliya ka hergalo.

 Haddaba hogaamiyayaasha Soomalida midkooda barlamaanka xubin ka helay, midkooda helay wasiir ,midkooda aan helin labadaba iyo kaan goob joog ahayn oo aan fursad u helin ka qaybgalka shirkaas (muddada labada sanaa loo fadhiyay in laga beero beer miraheeda Soomaliweyn nabad ku wada gurtaan) diyaar ma u yihiin in ay isu tanaasulaan ,danahoodana ka hormarshaan danta guud oo iyada shaqsi walbo u samaaxayso gaarista danta gaarka ah, isfaham iyo wada shaqayn keddib.

   Howsha ma sahlana waayo in la heshiiyo uma fududo sidi in la diriro, waxbalbana lugta lagu dhufto. 

Afar iyo toban sano ayey maraysaa raadinta in  ay Soomali mar kale meel wax isla dhigaan ,sidaana dowladi Soom aliyeed lugaheeda ugu istaagto.

 Waxaa taa ka daran madaxweynaha Soomaliya loo calaama saaray in uu ku taagan yahay ka war-wareegida imaatinka caasumada dalka (Muqdisho) oo uu ku tilmaamay in ay tahay meel aan amnigeeda la isku halayn Karin ,isagoo haddana doonayo, abaabulna ugu jiro tegista Gobalka Bay oo iyada ah halki uu Cabdullahi  ka cararay 1978, keddib marki uu ku fashilmay dhisitaanka xukkumad qabiil oo bedesho xukuuma- di Milatary oo uu horkacayay Maxamed Siyaad(allah ha u naxariistee).

Cabdulahi wuxuu mar kale doonayaa in uu taariikheeyo halkuu ka cararay in uu dalka ka soo galo isaga oo ay weli afcaashiisa ka muuqato doonista in uu dhiso xukuumad uu qabiil horkacayo.

 Colaad la huriyaa ma dhib badno sida ay u dhib badan-tahay heshiisiinta iyo meel isugu keenida dad bahaloobay, haddaba sidaa darteed Mr Geedi waxaan kula talinaynaa in uu ka feejignaado ku soo biirada ragga Soomali la haray waa haddii uu ku guulaysto codka kalsoonida ee barlamaanka,taana waxay ku imaan kartaa.

1)Isaga oo ku dhego in ay dowladiisa tagto caasumada  dalka soomaliya haddii la wayana uu ka taanasulo wasiirka koowaad, waayo tegida meel aan caasumada ahayn waa doonista colaad kale in  dalka laga huriyo iyo mugdi ummadda soo gala dhax galo mar kale.

2)Isaga oo ku dadaalo howlgalinta wasiirada dowlada iyo taabagelinta helitaanka iyo diyaarinta goobihi ay shaqadooda ku qaban lahaayeen.

3)Dhisida ciidan Soomaliyeed oo aan lagu keenin qaabka ah, reer hebel intaas ha keenaan, balsa ahaado mid loo yeero wiilasha Soomaaliyeed ninki doonayo ka qaybgalka dhisida ciidanka xooga dalka Soomaliyed iyo booliska gobalka oo isaga  ay haboon tahay in xubin kasto oo ka mid noqonayso in ay ka soo jeedo deegaan ahaan goobta uu ka shaqaynayo.

3)In madaxweynaha,wasiirka koowaad,wasiirada iyo xubnaha barlamaanka ay dhamaan diiwan galiyaan si rasmi ah xolaha ay hadda leeyihiin.

4)Ka shaqaynta in ay xukuumadiisa ahaato mid khilaafaadka dowladiisa ku dhamayso deganaan iyo wada hadal, kana dheeraato in ay khilaafaadka ku xaliso xoog, ilaa xaalado ay inta badan dowladiisa  isku waafaqsanyihiin.

5)Tixgalinta talooyinka wasiirada u soo jeediyaan iyo ka dheeraashada nin jecayl.

 Mudana intaanba iyo wax walba oo wanaag ku taagan haddii aad ku dhaqanto, laga yaabee in ay dowladaada ugu yaraan noqon doonto mid lagu tilmaami karo dowlad u istaagtay xal u helida arrimaha murugsan ee Soomaalida marka lagu cabiro xaalada cakiran oo ay manta somaali ku jirto.

 Ma filaayo ,maanta in aan hayno hogaamiyayaal ay ka muuqato u guntashada badbaadinta dalkeena siyaasad ahaan,dhaqaala ahaan, diin ahaan iyo bulsha ahaan ,sidaa darteed waxay arrinta u muuqataa in ay ku biya shubanayso, Soomalida oo iska dhax doonto rag u gunta karo dalkeena oo dib lugihiisa ugu istaago, taa waa haddii dowladan gaariga ay saaran tahay u yeeliweyso lugu ay ku socoto ,waxay arrinta ku biya shubanaysaa hogaamiyihi isku tabaayo karti, in uu doono soomali la shaqayso, soona celiso dowladi soomaliyeed oo shaqayso kana dhax muuqato khariidada caalamka oo laga waayay Soomaali diyaar u ah in ay isqaado dalkeedana u adeegto.16/12/2004

Cabdallah Moallim Maxamud.          Moallem10@hotmail.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul