Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

 

Mudane Geedi Ma Dad La'o, Mana Dal La'o Kaligiis

 By: Abdallah Moallim Mahamud  Moallem10@hotmail.com

Masiibada Soomalida ku habsatay ma fara yaro, haba ugu darneetee joogtaynta ku noolaashada fekir ku eg maalinle iyo xisaab xume joogto ah

Kenya waxaa loo tegay in lagu heshiiyo, dibna loo udbo aqalki Soomaaliyeed oo aan loo kala harin dumistiisa.kenya waxaa loo tegay ku heshiinta  qaybsiga awooda ugu sareyso ee dalka Soomaaliya.

 Keddib marki la helay dastuur ,barlamaan iyo madaxweyne ,laguna guda jiro dhamaystirka dhismaha qeybaha ka harsan dowlada ayaa waxaa soo baxayo, dhegaha Soomaliweyna ku soo dhacayo in xubna ka tirsan golaha barlamaanka u olalaynayaan in aan codka kalsoonida la siin Mudane Cali Maxamed Geedi oo isaga loo magacaabay wasiirka koowaad, iyagoo xubnahaas eedoodo ku salaysan tahay laba shay oo kali ah marka laga reebo xeelada ay u soo mareen riditaanka xukuumadi Geedi, wallow uu isna barlamaanka dhinaciisa  ku tuntay ku dhaqanka dastuurka .

1)annaga wuu naga tegay mudane Geedi kolkuu soo xulayay dowladi la riday .

2) kooxda labaadna waxay doodooda tahay annaga nalama siin wasaaradi aan mudnayn.

  Waa yaabe xubnahan miyaynan ogayn in aan Soomali oo dhan lagu raali garayn Karin reer walba iyo Wasiir, miyaynan ogayn Geedi in uu dib-u-heshiisiinta dadweynaha Somaliyeed iyo helitaanka dowlad loo dhan yahay ka yahay xubuin muhim ah. miyaynan ogayn in uu Geedi wasiirka koowaad ku qaatay miisaanka ay leeyihiin taageerayaashiisa.Miyaynan ogayn Geedi waa ridnay in ay dad badan oo Soomaali ah ugu muuqanayso, aan ku kala tagno shirki labada sano loo fadhiyay natiija la'aan.

 Saaxibayaal, waa xubnaha u olalaynayo riditaanka Geedi ,waxaan idiin sheegaynaa in aad xisaabtantaan ka hor raadinta riditaanka Geedi, inta aynan dhicin  xisaab xumo waa in aad ka baaraan degtaan dhibka iyo khatarta ka imaan karto codka kalsoonida oo loo diido Mudane Geedi, tan macnaheeda ma ahan ka hor imaanshaha codka inta badan, balse waa is xasuusin iyo in Nayroobi loo tegay ku heshiinta qaybsiga halbowlaha maamulka ugu sareeyo dalkeena.

 Mudanayaal Dhamaan xubnaha Barlamaanka Waxaad ogaataan Geedi ma'ahan nin macsuum ka ah in uu khalad galo, khaasatan marki aad ka doonaysaan in uu si miisaanan u qeybsho dhowr wasaaradood oo muhim ah, ishana ay ku wada haayaan qabashadeeda qabqable dagaal.qabqable siyaasadeed iyo qabiil qab ku jiro.

  Is xusuusin guud, idinkaa yiri qabiil ha la qarameeyo ,idinkaa yiri qabiil wax ha lagu qaybsado, idinkaa xubnaha barlamaan- ka ku hesheen magac  qabiil ,sidaa darteed ha hilmaamina in Geedina qabiil ka soo jeedo, codka kalsoonida oo aan la siina in ay taageerayaashiisa u aqrisanayaan xumaan ula kac ah iyo ujeedo qayaxan.

   Isxasuusiya guusha shirka ama fashil ku yimaado in aynan ku koobnayn shaqsi gaar ah ama qabiil gaar ah midnaba.

   Mudane geedina waxaan ugu baaqaynaa in uu dadaal la yimaado, awoodiisa xisaabeedna dul dhigo sidi uu ku soo xuli lahaa dowlad ay inta badan Soomalida raali ka yihiin, kana madaxbanaan faragelin shisheeye iyo nin jecayl.

 Abdallah Moallim Mahamud  Moallem10@hotmail.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul