Aqristow
waxaan rabaa in aan ooga hadlo maqaalkan sidii ay
uqeybsadeen mudulood xubnihii ka soo aaday
baarlamaanka dowlada ku meelgaarka ee soomaaliya,
iyo guuxa kasoo yeeraayo bah weynta mudulood.
Marka horese waxaa isweydiin mudan,
sidee bay u qeybsadeen? yaase u qeybiyay? yaa ku
faaiiday yaase ku qasaaray muduloodka dhexdiisa?
aniga oo weliba rabo in aan isbarbar dhigo sidii
meelaha kale ay ukala qeebsadeen xubnahooda
baarlamaanka.
Intaanan
gelin arinkan ayaa waxaan rabaa in aan idiin baro
qabaailada leysku yiraahdo mudulood waana sidatan
MOOBLEEN, ABGAAL, WACDAAN, ILAAWAAY, oo dhamaan ah
ilmo cismaan daaran doole mudulood ,HIILIBI daaran
doolle mudulood, UJEEJEEN (ciise mudulood),
iyo WAXWEEYTEEN mudulood, todobadan qabiil
ayaa loogu yeeraa (MUDULOOD).
Mudulood oo ka mid ah beel weynta
hawiye ayaa wuxuu qeyb ahaan u helay 15 xubnood oo
umatasha baarlamaan dowlada ku meel gaarka, waxayna
uqeybsadeen sida tan 11 xubnood ABGAAL, 3 xubnood
UJEEJEEN, iyo hal xubin WACDAAN.
Waxaa
halkaa nooga cad in aanan lagu qeybsan xubnaha
beesha si daacad ah,waxaase isweydiin mudan yaa
uqeybiyay sida tan?.waxaa u qeybiyay hogaamiye
kooxeedyada ugu hubka badnaa beesha mudulood iyo
duubabkooda, waxaana u fududeeyay sistamka (qaabka)
uu shirka usocday, waayo shirka kenya waxaa
mudnaanta lahaa kuwa ugu hubka badan soomaaliya,
loona yaqaano hogaamiye kooxeed.
Sikastaba ha ahaatee ma oran karnaa
waa hogaamiyeyaal iyo duubab fiican kuwa sida
tan wax uqeybiyay. Maxaase ku dhacay wax garadkii
iyo aqoonyahanadii labadii beel ee sidbuursaday waa
(ABGAAL IYO UJEEJEEN) ma waxay ku qanceen in
jaalkood mudulood loodhaco, mise waxay ku raacsan
yihiin hogaamiye kooxeedkii yiri (XAQ MA,AHEE
WAA XAL).
Marka halkaas waxaa inooga cadaatay
in labadan beelood ay ku faa,iideen magaca mudulood,
sawabtoo ah beeshe abgaal iyadoo magaca abgaal
kaliye ku socoto maba ay hesheen 11 xubnood, beeshe
ujeejeen iskaba daa warkeeda.
Waxaase
in laxuso mudan sida ay uqeybsadeen labadaasi
beelood xubnahooda, mase ku qanceen qeybsigooda?.
Jawaabtu waa sidatan waxaan soo harmarinayaa
ujeejeen waayo ayagu qeyli kasoo yeerin waxaadse
moodaa in ay ku badneed waayo waa qolada kaliya ee
sedex qof ee shirka ka jootay ay wada noqdeen
xubnaha baarlamaanka. kakakakakakaka
Waxaase isweydiin mudan sedex ujeejeen ah xagee bay
kasoo gali doonaan ileen tuulo ujeejeen leeyahay
kuma taal soomaaliya, xaqdardaasi xagay bey
geendoontaa mise xaaji muuse ayaa xal uhaayo?
.
Waxaa
rabaa in aan ooga hadlo maqaalkeyga kale oo isla
magacaan sidan doono guuxa mudulood sidii ay
uqeybsadeen beesha abgaal iyo cidii ku faaiiday iyo
cidii ku qasaartay iyo qasaarihii soo gaaray beelaha
kale ee mudulood iyo waliba hadii mudulood mid walba
gooni wax uraasan lahaa 15kaas kabadan miyay heli
lahaayeem mise wax ka yar yaase faaiidi lahaa yaase
qasaari lahaa.
Waxaan
rabaa in aan ku soo gabagabeeyo maqaalkan
maahmaahdan soomaaliyeed iyo hor udhaca maqaalka oo
ah (ma gafaa mise waa gardaro?) maahmaahdan
soomaaliyeed waxay leedahay (GEED BAA WUXUU YIRI
MASAARAY IMA AAD GOYSEEN HADAAN ANIGA KUGU DAABNEEN).
Marka hore waxaa gaf aheyd inuu mudulood meel wax
kuwada qeybsado, hadiise ay dhacday waxaa gardaro ah
intaas lagu qanco, cidii ku qanacdana qaneecadoodu
xaqma,aha.
F G: Waxaan rabaa inuu noqdo
guuxa mudulood mid taxano ah cidii doonayso in ay
wax ku soo kordhiso oo ku saabsan sidii ay wax
uqeybsadeen beesha mudulood, hadii aad ku raacsan
tahay iyo hadii aad kasoo horjeedo iyo wixii kaloo
aad isleedihiin waxay quseeyaan mudulood. fadlan
kusoo hagaajiya talooyinkiina email
ladeyda hoos ku qoran.