|
Guuxa
Mudulood Qeybta 2aad
Fiiro Gaar ah ; (wacbudhan+harti
abgaal+waceysle = ABGAAL )
waxaa iga caawiyay
qariiradan (qaab masawirkaan) maamulaha www.cadayga.com (mahamed hassan )
GARDARO
ISKU RAAC GAFWAAYE
by: Jama
Hussein Hassan Jamamoobleen@aol.com
Mahad Alaah baa lah, runta iyo xaqa waa laga mamaarmaan,
rabigay wuxuu na siiyay caqli aan waxa san iyo kan xun ku kala garano
weliba Alaah quraanka wuxuu noogu sheegay in runta aan sheegno xitaa
hadii ay noqoto naftayada, tan reerkaada ,tan walaalahaa,
waxaana soogalaayo qabiilkaaga in aad runta usheegto.
Nin aanan dooneynin in aan magaciisa halkan ku qoro ayaa wuxuu qoray
maqaal uu ugu magacdaray (biyo lawaayay weeso ayaa lagu jiriyaa)
maqaalkaa oo ku qornaa websiteka mudulood, maqaalkaas oo runta iyo
daacada ka fogaa, sawabtoo ah wuxuu iska dhigaayay qof waaninaayo beel
uusan ku raacsaneyn in ay xaqeeda raasato, isagoo ku lahaa yaan
hublaqaadan, yaa isbaaro ladhigan.
Su,aasha meesha taalo ayaa waxay tahay qofka maqaalkaas qoray mayaqaanaa
meesha waano iyo talo ay kabilaabato? jawaabtu waa maya, sawabtoo ah kuwa maanta heysto hubka oo ay ibaarooyinka utaalo waa tolkiisa
ama beeshiisa waxayna aheyd inuu ka bilaabo waanadiisa iyo taladiisa
beesha uu ka dhashay waana mid ku waajib ah. waxaana oran lahaa qofkaas
inuu aqristo aayada qoraanka ee ku jirta suurada baqara waa tan 44aad.
Aqristow waxaan rabaa in aan soo qaato qeybo kamid ah maqaalkiisa iyo sida
ay uqaldanaa iyo waliba sida ay mudneed inuu uhadlo balse uu garanwaayay
qoraaga, waxaana kamid ah qormadan hoosku qoran oo aan kasoo qaatay
maqaalkiisa waana siduu isaga u qoray.
(Waxaan
kaloon rabaa inaan u nasteexeeyo in badan oo ka xishootay inay wax
qarribaan oo aaneey saameeyn dagaalada sukeeye, kana qayb qaadan muddadii
14 ka sano ahayd, laakiin aad moodo inay hadda is leeyihiin maxaa
awood-qaybsiga ladinkugu qadiyey,)
Waxaan rabaa in aan usheego qoraaga inta badan ee
aad adiga uqirtay in aysan
ka qeybqaadan dagaalada sokeeye kana xishooday inay wax qaribaan 14kii
sano ee nasoo dhaafay, aysan ubaahneyn nasteexo xagaaga ah, balse
nasteexadaadu ay ubaahan yihiin tolkaaga ku jira dhibtaas aad kor ku
xustay.Waxayse mudneed in aad ka hadasho sawabta awood qeybsiga loogu
qadiyay beelahaasi xishooday.
waxaa kaloo kamid aheyd qoraaga qormadiisa jumladan hoos ku
qoran
( Waxaan
ku soo gabagabaynayaa khaladka ninka ama gabadha riwaayada wada jilaya ma
arkaan ee waxaa si hufan khaladkaas u arka inta fiirsanaysa)
Waxay mudneed inaad aragto qaladka beeshaada
maadaamo aad ka mid tahay dadka ruwaayada fiirsanaayo,laakiin waxaa ceeb
ah in aad aragto waxaan qalad aheyn, mise sidii muuse ayaad xaqdaro xal
mooday.
Wuxuu kaloo yiri qoraagu.
Waxaa
in taas ii dheer wax badan ayaan ka akhrisanaa maqaalo badan oo beel
khuseeya oo websiteyada lagu soo qoro, marka waxaan leeyahay hadda kadib
aan isku wacyi galino danta guud, midda gaar iyadaa imaanaysee,
mustawaheenana aan ku xadidno inaan hogaamiye
kasta reerkiisu u run sheego, oo aan loo huwaawayn hadda kadib,
khaladkiisana yac layska yiraa, illeen waa tii la dhihi jiray imaam
adeerkiisaa u run sheega.
Aqristow
waxaa layaab ah qof aanan garaneyn waxa saxda ah iyo waxa qaldan oo
hadana naftiisa beenta usheegaayo si,uu isaga dhigo qof dadka
wax wanaagsan usheegaayo, waxaase yaab leh aqristow qoraha
maqaalkaas, hadiiba aad aqriso maqaalkiisa inuusan aqoon ulaheen waxa uu
ka hadlaawo ama uu qoraayo, waayo wuxuu leeyahay, hogaamiye kasta
reerkiisa runta ha,usheego, hadii ay tasi karun tahay waa inuu usheegaa
hogaamiye kooxeedyada tolkiisa ah arintaa, illeen waa tuu isla isaga yiri
imaam adeerkiis ayaa run u sheega.
Dardaarankiisana bal fiirsha
waxaa
iga dardaarana inaan xildhibaan ama wasiir si loo noqdo inaan isbaaro la
dhigan, qaadicu dariiqna la noqon, ummadana aan dagaal lagu jahayn, waa
iga nasteexo, ciddii samaysana ijaafo adduun iyo mid aakhiraba ha ogaato
inay sugayso.
Hadalkaan
waa dar daaran iyo nasteexo wanaagsan, waxaanse usheegayaa qoraha
maqaalka in ay dardaaranka iyo nasteexada ka bilaabato naftaada,
gurigaaga, reerkaaaga, ilaa iyo tolkaaga. marka waxaan ku dhihi lahaa
waxaad tahay nintiisii gabay oo hadana mid dadkale inuu ka hadlo rabo, ee
taada soo sax marka hore, markaas ayaan danta guud isugu imaan doonaa,
waxa kaa soo hadalsiiyay waa qabiil ee qabiilkaaga runta usheeg, ee ka
badbaadi ijaafo adduun iyo mid aakhira.
QORE JAMA HUSSEIN HASSAN
jamamob99@hotmail.com
jamamob@yahoo.com
jamamoobleen@aol.com
|