Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Jawaab Jaamac Moobleen

Runtu waa sheegis! (Haddii ay run tahay!!) 

by:  Mohamed Ahmed Wallays inawallays@yahoo.com

Iyadoo ay tahay markii ugu horreeysay ee aan isku dayo inaan qoraal ahaan fikirkeyga uga dhiibto web-sites-ka ay beeluhu leeyihiin  sida midkan magaceenna la siiyay, waxaan jeclaan lahaa inaan jawaab ka bixiyo qoraallo aad isugu macna dhawaa oo uu qoray qoraaga la baxay "jaamac moobleen".
Iyadoo qoraallada Jaamac ay aad u fara badnaayeen arrimaha aad rabo inaan fikirkeyga ka dhiibto waa kuwa hoos ku qoran:
(1) In magaca Mudullood uu yahay waxay ay ku qaraabto beesha Abgaal.
(2) In beesha Abgaal ay si cadawtinimo leh ula dhaqantay beela kale ee Mudulood gaar ahaan moobleen, hillibi, iyo illaawaay.
(3) In beesha Abgaal ay sadbursatay kuraastii baarlammaanka iyo dowladda.
(4) In loobaahanyahay in beesha moobleen ay hubka qaaddo si ay isag xoreyso Abgaal.
 
Walaal Jaamac Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa 'Gaal dil gartiisana sii', waxaan si aad ah kuugu raacsanahay in Beelaha Moobleen, hillibi iyo illaawaay laga qalay khalad  fool-xun oo lama illaawaan ah, taariikhdana u geli doona dadkii ka dambeeyey.
 
Waxaan aad uga xummahay in beelaha qaarkood ay wax u oggolaadeen dad aan ka dhalan oo  dulsaar ku ah, meesha kuwa qeybta mudullood sameeyey ay garan waayeen inaay wax siiyaan beelo  lafdhabar u ah jiritaanka magaca iyo soohdimaha beesha!!
 
Waan aaminsanahay inaad dhihi doonto (kama xumid ee riwaayaddaas ha noo dhigin!), anigoo ka tusaale  qaadanaya qoraalladaadii hore, kolley anigu ma arag hal qof oo Abgaal ah oo ku faraxsan in meel looga dhaco beelahaas sharafta leh ee walaaleheenna ah, sida aad adigu wax u arkeysase waa mid adiga kuu taal.
 
Haddii aan u soo noqdo arrimihii aan kor ku sheegay arrinta waxaa laf-dhabar u  inaan jawaab u helno su'aal  asaas u ah sida ay wax u dhaceen: Sidey u dhacday qeybtu.. yaase wax qeybiyey???
Waa run waxaa qeybiyey shaksiyaad Abgaal ah, oo ay ugu horreeyaan: Imaamka, Muuse suudi, Maxamed dheere, waaba meesha ay sartu ka quruntay!!!!
 
Walaal Jaamac aqoon ma u leedahay dadkaas?? Haddii aad aqoon rasmi ah u lahaan laheyd dadka horseedka u ah beesha Abgaal (inta aan magacyadooda soo sheegay), waxaad dhigi leheyd gogol tacsiyeed oo lagaaga tacsiyeynayo masiibada ku habsatay walaalkaa Cali Cusmaan (Abgaal).
 
Waxay ila tahay qofkii  ka aamusay raallina ka noqday inay horseed u noqdaan raggaasi beesha mudulood, inuusan xaq u laheyn  inuu hadlo markii ay wax qeybiyaan (illeyn biseylkooduba ma gaarsiisna) , raggaas waxay ahayd ee gacanta la qabto oo la yiraa naga fadhiista "boogu heydin gashee"  mustaqbal ummadeen laydinkuma aamini karee!!
 
Walaal Jaamac qoraalladaada kuma arag adoo wax dhaliil ah u jeedinaaya dadka horseedka looga dhigay beesha, waxaan ku leeyahay dhibaatadu waa ka qota dheertahay qeybin xumaatay iyo beelo gef laga galay, hadii ay qeyba dib ugu noqdaan ma tahay in lugu qanaco?? Waa uur ku taallo, waa murugo, waayaab waa amankaag !! waxaan mudannahay in naloo tacsiyeeyo iyadoo aan ka mid nahay soomalida dadka ugu aqoonyahaynka badan, kuwa ugu xigmadda badan, kuwa ugu xoolaha badan. in ay na metelaan kuwo marka ay ka hadlayaan arrimaha xasaasiga ah aad u malayso inay majaajillo dhigaayaan!!!
Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso, oo sow imaamkii Abgaalba ka mid maaha?? waxaan ku weydiinaya aqoon intee la 'eg ayaan imaamka laftiisa u leedahay? miisaanse ma kuu saaranyahay, qaabkee ayuu immaam ku noqday?? intaas hadii aad wax ka ogaato adaaba ka qanci doona arrintiisa.
 
Walaal jaamac, aniga waxay ila tahay in aysan jirin xumaato leysku ogyahay oo uu abgaal u qabo beelaha la dhashay, arrintu waxay ku koobantahay dad aan ehel u aheyn oo qarsinka loo dhiibay!!
 
Sidoo kale Mudullood maaha wax Abgaal ku qaraabto ee waa dhalasho ka fac weyn Abgaal iyo moobleen intaba, magaca mudullood wax dambi ah malaha mana ah wax la been abuuray, dambigu wuxuu ku koobanyahay shakhsigii ama kooxdii fag sameysa!
 
Dhinaca sadbursiga Abgaal, taasi meel looga leexdu malaha, madax geeda ku garaac waxba ma taro, ku qabatey iyo qaddar Allaba waa la qaataa. Runtuse waxay tahay siday ay idiin dhibeyso ayay noo dhibaysaa, laakiin adiguba waad fahmi kartaa inaanan waxba ka qaban karin!
 
Midda ku saabsan in beesha Moobleen ay hubka qaaddo, anigu ma lihi Beesha moobleen, hub ha qaaddo ama yaysan qaadin, waxaanase kuu sheegayaa hadii ay moobleen ka badbaadeen dhibaatada na heysata, oo ah hoggaan xumida, waxaa saaray xil ka weyn inay iyadu is xoreyso oo ah inay gacan ka geysato, sidii loo sixi lahaa jaha wareerka heysta beesha mudulood (oo dhan) oo ku sii mirqeysa god mugdi ah iyo mustaqbal aan la saadaalin karin.
 
 
Midda kale oo u baahan in la ogaado waxay tahay, qeybsiga kuraasta, waxaa saameyn ku leh dhinacyo badan oo aan dan ka leheyn in si cadaalad ah wax loo qeybsado iyo in kale!! ma laga yaabaa in laydinka waayay wax daba-dhilif, damiir laawe, diin-laawe, ama jaahil ah?? bal si fiican u fiiri liiska xildhibaannnada iyo golaha wasiirrada, waxaa dhci karta inay wax kuu iftiimaan!!
 
Waxaan si xushamadi ay ku dheehantahay ugu sheegayaa beelaha walaaleheen ah ee qeybtaas lugu jowr falay, inay ogaadaan inaan nahay dad afduub lugu heysto oo aanan raalli ka aheyn xumaantaas!!
 
Sidoo kale waxaan si kkhaas ah ugu sheegayaa walaalkey "jaamac" inuu runta sheego, hadii ay run tahay, laakiin carada iyo caadifaddu aysan ku qasbin inuu xad-gudbo oo si aan habooneyn uu wax u tacbiiriyo sabana uu u noqdo kala fogaansho aan loo baahneyn!!
 
Wixii aan wanaagiyo Allah ayaa i waafajiyey, wixii aan khaldana waa nafteyda iyo sheydaan!!.
 
nabad geliyo iyo ciid wanaagsan
 
waxaa si hal-haleel ah usoo qoray
Ali ahmed "Wallays"

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul