Salaan
nabadgalyo iyo mid naxariis
dushiina ha ahaato
Ciid
wanagsan umada Somaliyeed meel kasta oo
ay joogto nabad iyo bar waaqo kuwii ku
wada nolaado Allaha naga wada dhigo
Aamiiiiiiin
Sida
aan la wada socono dhamaanteen 14 sano
ay somaaliya dawlad la’aan aheed iyo
maanta muqdisho xaalkeeda sida uu yahay
taas oo aan aad ulla soo yaabay
mudaddii aan jogay.
Nidaam
cusub, af cusub, dhaqan cusub,
istixgelin cusub,
Qoriga
iyo aqliga waxaa hor shaqeen og qoriga
Gurigii
qori haysto wuxuu gumaystaa gurigii aan
qori haysan
dhalinyaro
qori qabiil loogu magacdaray haysato
qofna aan ka amar qadan marka ay wax
dhacayaan
ciday donaana way dilaan
Hadaad
wax ka qabo aad is tiraahdid kii
qabiilka ugu magacdaray ee ku
ganacsanayay ayaa
difaac u ah
wixii xuna gabaad looga dhigtaa
Maslaxada
qabiilkana waxay tahay hadii dagaal
qabiil dhaco inay magaca qabiilka
difacaan awalba xalaal kuma nolayn kuwa
qoryaha haysta
jahanama toos ha u aadaan .
Ganacsatada
wax walbay ka ganacsadaan xalaal iyo
xaraan uma kala reebana dhiiga dadka waa
shaarka ay huwan yihiin
Dolar
waxaan aheen kama hadlaan kumana soo
hadal qadi kartid hadadan hayn iska tag
uun bay tahay jawaabtooda dolarka
isagaa na’ an facaayee adigu na
anfaci maysidee
Aqoon
yahanada intooda badan waxay madax ka
yihiin uraro laga maal galiyo dhulalka
yurub iyo maraykanka iyo carabta
qaarna
waxay wax baraan ardayda somaaliyeed iyo
qaar u shaqeeya shirkadaha waa weyn ee
ganacsatada ama waxay u shaqaystaan
iskood waa habka ay ku
ganacsadaan aqoon yahanada kuwo xaraan
ku shaqaysto iyo kuwo xalaal ku
shaqaysto labadaba way leyihiin.
Culimaa’udiinka
kuwa dhaqankii hore leh iyo kuwo
dhaqan cusub leh waa labadaas
qaybood kuwa dhaqanka cusub leh waa
ganacsatada qayb ka mid ah dhinac kasta
oo uu ganacsiga leeyahay ayay ku jiraan
waxayna u badan yihiin kuwo dibadaha
basobooro ku leh ama sharci ganacsi
dowladaha qaliijka .
Inta
sida xun u shaqaysata oo leh qaybaha
bulshada ugu muhiimsan qabiilna aan u ku
kala socnayn hadaf kooduna uu yahay sida
ay dhaqaalo u heli lahayeen
waxay ka baqaan in dowlad lahelo
ama umada ay ku nolaato si wanaagsan ama
waxii u dan ah
Si
aysan shaqada xun aysan u wayin
nolashooduna aysan ciriiri u gelin waxay
umada u dhibaataysantahay kama sameen
kartid
waxayna
jecelyihiin inay
umada ay dhibkaa ku jirto si ay
wax u helaan
Taasay
maslaxadoodu ayay arkaan inay ku jirto
waxayna umada wanaaga
jecel oo rabto inay
si xalalaala ku nolaato waxay
ku maweeliyaan dhibkaan dhib laga
baxaayo maaha wax kastoo kugu dhaco iska
adkayso illahaga ka baq waxaan waxaa u
sabab ah dowlad la’aanta
Waxii
xun in la toosiyo iyagaa car qaladeeyo
dowlad in la helo waa mida ay ka
baqaan ilaah sukudiis.
Magalada
waxay u qaybsantay qaybo badan
qayb ay eeyaha iyo xolaha dur jogta ah
ay ku hoydaan oo ah dhismayashii hore
Jer
dinoyinkii lagu nasan jiray waxaa laga
dhistay goob ganacsi jidadkii xafadaha
marayay waa laysku wada balariyay ilaa
ay jidadka qaarkood ay xirmaan
Xafadihii
qarkood waxay isu badeleen suuqyo
isku xirmay dhismayaashii dowlada waxay
isku badaleen deegaano la deganyahay
Qaybtii
duurka aheed oo laga dhisay guryo aad u
uquruxbadan midabkaad dontid leh.
Jidadku
waa boholo waa weyn qaarna waxaa
dhaxyaala biyo aad u uray
iyo qashin buux dhafay waxaad
modaa dhul lama degaana oo ay dadkii ku
nolaa oo uu beri hore dufaan iyo dabaylo
robablehi uu laayay bustana ay sanka iyo
indhaha ay kaa galayso dadkuna ay si
riyo ah ay ugu dhex nolyihiin.
Waxa
laysku haysto ma qabiilbaa mise waa
dhaqaale
Waxaa
kuu cadaynayso in waxa laysku haysto uu
yahay dhaqaale inuu nin walba uu rabo
inuu hello dhaqaale aan loo dhididin kii
ku donaayo magac dawlo iyo kii ku
donaayo magac ganacsi ama isbaaro
waxaan
marqaati ka wada nahay shirkii nayroobi
waxa wax lagu helay inaysan aheen magac
qabiil balse ay tahay dhaqaale
Magaladada
muqdisho waxaa wax looga gaban waayay
maaha
dagaalo qabiil oo kaliya waxaase
la kasi wayay habkii dhaqalaha layskugu
af garan lahaa
nin walbana siduu doonuu ku
dontay ama isbaaro dhigayaa dhul
canshuur ka qadayee ama amxaaro aadyee.
Hadaan
dhaqaale doon nahay maxaa qabiilka ugu
been aburanaynaa oo aan u lenahay isgaa
laysuku layay?
Su’aashaa
jawaabteeda waxaan u dayay aqristaha ,
lacagi
qabiil ka sharaf badan waxaana
layiri labadii isjecel wax isugu dar
dhaqaalo iyagaa is nici doonee, waxa ina
dhigay dowlad la’aan 14 iyo tobanka
sano inay tahay
umad dhaqaalo doon ah, koox haday
wax hesho ay ka daba dhalato koox cusub
balse aan aqoon u laheen habkii ay
dhaqaale ku heli lahayeen kuna wada
nolaan lahayeen si nabad ah Meel kastana
madaxaa lagu tagay illaa aan indhahii
beelnay
oo aan is laynay
qayraadka uu illahay dhulkeena
dhigay bad iyo beri aan ka fa’iidaysan
waynay anagoo nabad ku wada nool.
Wabilaahi
tawfiiq
Cabdullahi
maxamed nuur
Abdullahi05@swissonline.ch
Wariye
www. mudulood.com