|
Guuxa
Mudulood Qeybta 3aad
Fiiro Gaar ah ; (wacbudhan+harti
abgaal+waceysle = ABGAAL )
waxaa iga caawiyay
qariiradan (qaab masawirkaan) maamulaha www.cadayga.com (mahamed hassan )
GEEDIYOW GACAL GAF IYO GARDARO AYAA KALA
GEEYAY
by: Jama
Hussein Hassan Jamamoobleen@aol.com
Mahad oo dhan
ALLAAH bey u sugnaatay, waxaana ALLAAH uga mahad celinayaa waa fajinta uu
iwaafajiyay in aan bilaabo maqaalada aan ugu magac daray guuxa mudulood,
oo aan qeybta koowad iyo tan labaad horay uqoray. Halkan waxaan rabaa in
aan kusoo ban dhigo qeybta sedexaad, oo aan ugu magacdaray geediyow gacal
gef iyo gardaro ayaa kala geeyay.
Waxaana aad ugu
faraxsanahay gooxa ka soo geeray qeybaha kale ee Mudulood sida (DR HIRABE IYO
MOHAMED AHMED WALLEYS), iyo dad
badan oo aan emaillo ka helay, waxaana rabaa in aan wax kataabto qeybaha ey
labaduba farta ku fiiqeen, oo ah hogaanka Mudulood kuwa dhaqan iyo kuwa
hogaamiye kooxeedba iyo sida xal loogu heli karo xaalka
mudulood.
Soomaalida
waxay tiraahda fartaada oo xun filqin kaaga ma godo, taas oo aan ula jeedo
moobleen sina oogama bixi karo Mudulood ileen wuu udhashay, sidoo kale duub
xun iyo dagaal ooge xunba tolkooda ayay ku tolan yihiin, ileen horey ayaa loo
yiri (faqi tolkiis kama jano tago) ana waxaan dhahayaa (tolna faqigooda
xun kama tashadaan). Taas oo aan ulajeedo in beesha abgaal oo ah
hormuudka mudulood, ay weli maran habaabinayaan hogaamiye kooxeedyo iyo mid
dhaqan oo xun.
Waxaase
isweydiin mudan hogaamiye kooxeedyada iyo kan dhaqanka ee xun maxay wax ku
qaateen magacooda mise magaca beesha Mudulood !!! ?
Anagoo weli og in ay matalayaal hal beel oo mudulood kamid ah, maxaase
udiiday in ay qeybtooda ka dhigaan mid cadaalada udhow?
qeybtaas xun maku qanacnaa mise waan ka qeylinaa? mise xigto isku dhaga
nugul ayaa sidaa u dhaqmo? maxaase u xal ah xaalka Mudulood? mise gafka iyo
gardarada lasameeyay ina geedi oo gadaal kayimid ayaan ugeynaa garqaadisteeda?.
Waxaase
xaqiiqo ah inay magaca Mudulood qeybta ku soo qaateen, cadaalad darona ku
qeybiyeen, laguna qanci karin, qeybtoodana xigto isu soo dhaweynaynin, ayna
xal u heynin xaalka mudulood. Marka hadii ay nimankaas ahaayeen xabadley (dad
qoriga ku xoogsanaayay) xal mawaxaan ka sugeynaa xirfadlaha ina geedi sida
uu ugarqaadi lahaa gafka iyo gardarada loo geestay gobal ka mid ah
guriga Mudulood.
Soomaalida
waxay tiraahdaa haanta dusha sare calaw ka ah hoosteeda ayaa ka daran, waxaa
kale oo ay dhahaan geela hore saan qaadkiisa ayuu kan danbena leeyahay. Taasi
waxaan ula jeedaa in aan wax weyn laga sugeynin oo wanaag Mudulood nimo ah ina
geedi, waayo waxaan ognahay sida uu ku yimid markiisa hore meesha, waayo
owrtaas meesha ku dur durisay ayaa daaqada kasoo gelisay, durbana ra,iisul
wasaare ka dhigtay. Waxaana daadaheynaayay dablayaal Itoobiyaan ah oo aan
danka laheeyn dareenka guud ee dadyoowga soomaaliyeed.
Marka
hadii hormuudka hogaanka mudulood uu aad uxumaaday maxaa inala gudboon oo aan
ku xalili karnaa xaalka Mudulood!!!, soomaalidu waxay tiraahdaa walaalkaa
hortaada ayaa laga dayaa ee hoostaada lagama dayo, taas oo aan ula jeedo
haddii talo kaa xumaato walaalkaa ayaa laweydiyaa, waxaa kaloo layiri caqliga
kaa maqan walaalkaa ayuu ku jiraa, mase
laga yaabaa hogaankaan xun inuu caqligooda xalkeeno?. Maxaase loo waayay aqoon
yahano iyo culumo udiin arinkan xalkeeda raadisa? mise sidii uu sheegay
walaalkey inawalleys reerku waa la heystayaal!!. waxaanse garan waayay gafka
iyo gardarada gacal kala geeyay gar qaadisteeda yaan u geynaa???.
Marka
cidkasta oo wax garad ah waxaa halkan ooga cad in aan xal loo heynin xaalka
Mudulood, hogaan xunna inuu xal keeno waa xarafka (ALIF)( waa kan ugu horeeyo
alifbeetada afcarabiga) oo xarago loo yeelay, xishood daro, isxaqirid, xurmad
la,aan, ayaa maanta dhex
haahaabaayo xaalka Mudulood!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
QORE JAMA HUSSEIN HASSAN
jamamob99@hotmail.com
jamamob@yahoo.com
jamamoobleen@aol.com
|