Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Guuxa Mudulood Qeybta 4aad

Fiiro Gaar ah ; (wacbudhan+harti abgaal+waceysle = ABGAAL )

waxaa iga caawiyay qariiradan (qaab masawirkaan) maamulaha  www.cadayga.com  (mahamed hassan )

GAF IYO GARDARO GO,AA XIGIDOONTO

by:  Jama Hussein Hassan Jamamoobleen@aol.com

  Magaca ALLAAH ayaan ku bilaaabayaa, umad kasta rabigey wuxuu ku maneystay taariikh, taas oo la doonaayo in ay dadka danbe ku cibra qaataan, oo hadii uu wanaag ahaana kaga deydaan umadaasi ka horeysay, haddii uu hoog iyo balo ahaana ay ka fogaadaan si aysan ugu dhicin waxa ku dhacay umadaasi ka horeysay ayaga.

Hadaba wadankeena soomaaliya waxaa ka dhacay 15kii sano ee ugu danbeysay dagaalo lagu baa ba,ay iyo halgan natiijadiisu noqotay burburin qarankii soomaaliyeed. Taas oo kaliftay in dad badan ay nafahooda ku waayaan, kuwa kalana kabaro kacaan deegaan kooda, danyartana lagu dafiro, qaarkoodna dulmi dheeraad ah loo geysto.Intaas iyo wax kasii xun markay dhaceen ayaa dhowr shir laqabtay kii ugu denbeeyay ayaa wuxuu ahaa kan ka dhacay Kenya.

Hadaba hadaan usoo noqdo hor udhaca maqaalkan oo ah gef iyo gardaro go,aa xigidoonto, kaas oo qeyb ka ah guuxa mudulood waana qeybta 4aad, maqaalkan oo aan rabo in aan ooga hadlo sida qabiilo kamid ah bah weynta mudulood ay usii go,ayaan, taasna waxaa sii dadajisay amaba sii sahashay in ay go,aan hab qeybsigii xubnaha baarlamaanka bahda mudulood uga qeyb galaayay baarlamaanka dowlada ku meelgaarka ee soomaaliya.

Hadaba su,aasha meesha taalo ayaa waxay tahay, maxaa sabab u ah in ay go,aan qabaailadan soo jireenka ah?. Waxaa la dhihi karaa waxaa sawab u ah dhowr siyabood oo isbiirsaday, balse intaan uguda gelin sababahaas ayaan waxaan rabaa aqristayaasha in aan xasuusiyo in ay jiraan qabaailo ku dhex go,ay amaba qarka usaaran in ay go,aan, sida beesha Wacweeyteen iyo Ilaawaay,  oo labadaba ka mid ah beel weynta mudulood, balse maanta aan xisaabta lagu darin. Waxaase yaab leh in taariikhda labadaasi beel ay ku sii go,ayaan ay maanta ku soo socoto kuwa kale oo  aad ayagana  moodo in aysan ku cibro qaadan taariikhda labadaasi qabiil. Waana  kuwan dhowrka sababood ee is biirsaday.

1-  HOGGAAN XUN:

Runtii hoggaankan xun ayaa waxaa lookala qaadi karaa labo, mid guud oo ah hoggaanka guud ee beesha abgaal (mid dhaqan iyo mid hoggaamiye kooxeedba), iyo hoggaanka ugaarka ah beelahaasi go,iraba oo aad moodo in ay weli hurdo dheer ku jiraan. Labada hogaan ee xun ayaa waxay yihiin kuwo aan fiirin amaba ka fekerin waxa soo socda ee waxay aragtidooda ku egtahay waxa maalintaas taagan.  Waxaana moodaa in kuwa dhaqanka laga xoog badan yahay oo ay caado qaatayaal u yihiin hoggaamiye kooxeedyada. Kuwaas oo ayagana ka amar qaata dowlado shisheeye. Marka waxaan oran lahaa hoggaankaan xun qeyrkiis kahare waa ninkii qalay wallaalkiis.

2- MAGACA MUDULOOD:

Magacan mudulood ayaa waayahan danbe waxaa loo isticmaalay sida xisbi siyaasadeed oo ay leeyihiin beesha abgaal, waxaana taas daliil u ah sedexda juffo ee uu abgaal waayahan danbe isu qeybiyo oo kala ah (waceysle, harti abgaal iyo wacboodhan ) ayaa  loo yaqaanaa mudulood. Taasna waxay dhibaato u keentay inta kale ee ku abtirsato magaca mudulood. Fekirki looga bixi lahaana cid heyso majirto waayo hoggaamiye yaashaas xun ayaa reerka hurmuud u ah.

3- DHUL BALAARSIGA:

Aqristow qodobkan sedexaad ee dhul balaarsiga ayaa ah kan ugu weyn ee maanta dhibta ku haayo qabaa,iladan la dulmaayo,  su,aasha meesha taalo ayaa waxay tahay yaasameynaayo dhul balaarsiga?

Runtii  labadan hoggaamiye kooxeed ee kala ah maxamed dheere iyo muuse suudi ayaa waxay ka sameeyeen maamul ku sheeg gobolka shabeelada dhexe, waxayna u kala qeyb sadeen, muuse oo heysta degmada BALCAD iyo agagaaradeeda, maxamed dheere oo isagana heysto magaalo madaxda gobolka shabeelada dhaxe (JOWHAR) iyo agagaaradeeda. Waana ayaga kuwa dhul balaarsiga sameenaayo.    

Arinkan oo dhibaato weyn ku haayo beelahan la dulmaayo ayaa hadana waxaa jiro iyadoo lagu xadgudbo soohdimaha ay lahaayeen dadka degan gobalka shabeelada dhexe, iyo weliba dhibaatada ka timid heyadaha ka howl gala gobolka  sida NGOyada iyo kuwa UNta oo dhamaantood u aqoonsan gobolkaas maxamed dheere iyo muuse suudi kaliya,taas oo mustaqbalka keeni karto dhibaato aad u weyn xaga soohdimaha.

4- DHACDADII KENYA:

Dhacdadan oo aan hore maqaalo badan uga qoray ayaa kamid ah sababaha  sahlaayo in ay go,aan beelahan, taas oo ah in aan waxba laga siin xubnihii baarlamaanka ku meelgaarka soomaaliya uga qeyb gali lahaa  beesha moobleen iyo beesha hiilibi.

Afartan sababood oo aan kor kusoo xusay ayaa ah kuwa sababi doono in ay go,aan labadan beelood,mana muuqato in ay hor istaagi doonaan amaba wax ka qaban doonaan arimahaas. Hadaba Malaga yaabaa in ay waxka qabtaan wax garadka hogaanka beesha mudulood arinkan muhiimka ah, soomaalidu waxay tiraahdaa walaal ribax (faa,iido) ujeedo rixim (xigto) ma dhooro.

QORE JAMA HUSSEIN HASSAN
         
jamamob99@hotmail.com
          jamamob@yahoo.com
          jamamoobleen@aol.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul