|
Guuxa
Mudulood Qeybta 4aad
Fiiro Gaar ah ; (wacbudhan+harti
abgaal+waceysle = ABGAAL )
waxaa iga caawiyay
qariiradan (qaab masawirkaan) maamulaha www.cadayga.com (mahamed hassan )
GAF IYO GARDARO GO,AA
XIGIDOONTO
by: Jama
Hussein Hassan Jamamoobleen@aol.com
Magaca
ALLAAH ayaan ku bilaaabayaa, umad kasta rabigey wuxuu ku
maneystay taariikh, taas oo la doonaayo in ay dadka danbe ku cibra qaataan, oo
hadii uu wanaag ahaana kaga deydaan umadaasi ka horeysay, haddii uu hoog iyo
balo ahaana ay ka fogaadaan si aysan ugu dhicin waxa ku dhacay umadaasi ka
horeysay ayaga.
Hadaba
wadankeena soomaaliya waxaa ka dhacay 15kii sano ee ugu danbeysay dagaalo lagu
baa ba,ay iyo halgan natiijadiisu noqotay burburin qarankii soomaaliyeed. Taas
oo kaliftay in dad badan ay nafahooda ku waayaan, kuwa kalana kabaro kacaan
deegaan kooda, danyartana lagu dafiro, qaarkoodna dulmi dheeraad ah loo
geysto.Intaas iyo wax kasii xun markay dhaceen ayaa dhowr shir laqabtay kii
ugu denbeeyay ayaa wuxuu ahaa kan ka dhacay Kenya.
Hadaba hadaan usoo noqdo hor udhaca maqaalkan oo ah gef iyo
gardaro go,aa xigidoonto, kaas oo qeyb ka ah guuxa mudulood waana qeybta 4aad,
maqaalkan oo aan rabo in aan ooga hadlo sida qabiilo kamid ah bah weynta
mudulood ay usii go,ayaan, taasna waxaa sii dadajisay amaba sii sahashay in ay
go,aan hab qeybsigii xubnaha baarlamaanka bahda mudulood uga qeyb galaayay
baarlamaanka dowlada ku meelgaarka ee soomaaliya.
Hadaba su,aasha meesha taalo ayaa waxay tahay, maxaa sabab
u ah in ay go,aan qabaailadan soo jireenka ah?. Waxaa la dhihi karaa waxaa
sawab u ah dhowr siyabood oo isbiirsaday, balse intaan uguda gelin sababahaas
ayaan waxaan rabaa aqristayaasha in aan xasuusiyo in ay jiraan qabaailo ku
dhex go,ay amaba qarka usaaran in ay go,aan, sida beesha Wacweeyteen iyo
Ilaawaay, oo labadaba ka mid
ah beel weynta mudulood, balse maanta aan xisaabta lagu darin. Waxaase yaab
leh in taariikhda labadaasi beel ay ku sii go,ayaan ay maanta ku soo socoto
kuwa kale oo aad ayagana
moodo in aysan ku cibro qaadan taariikhda labadaasi qabiil. Waana
kuwan dhowrka sababood ee is biirsaday.
1- HOGGAAN
XUN:
Runtii hoggaankan xun ayaa waxaa lookala qaadi karaa labo,
mid guud oo ah hoggaanka guud ee beesha abgaal (mid dhaqan iyo mid hoggaamiye
kooxeedba), iyo hoggaanka ugaarka ah beelahaasi go,iraba oo aad moodo in ay
weli hurdo dheer ku jiraan. Labada hogaan ee xun ayaa waxay yihiin kuwo aan
fiirin amaba ka fekerin waxa soo socda ee waxay aragtidooda ku egtahay waxa
maalintaas taagan. Waxaana moodaa
in kuwa dhaqanka laga xoog badan yahay oo ay caado qaatayaal u yihiin
hoggaamiye kooxeedyada. Kuwaas oo ayagana ka amar qaata dowlado shisheeye.
Marka waxaan oran lahaa hoggaankaan xun qeyrkiis
kahare waa ninkii qalay wallaalkiis.
2- MAGACA MUDULOOD:
Magacan mudulood ayaa waayahan danbe waxaa loo isticmaalay
sida xisbi siyaasadeed oo ay leeyihiin beesha abgaal, waxaana taas daliil u ah
sedexda juffo ee uu abgaal waayahan danbe isu qeybiyo oo kala ah (waceysle,
harti abgaal iyo wacboodhan ) ayaa loo
yaqaanaa mudulood. Taasna waxay dhibaato u keentay inta kale ee ku abtirsato
magaca mudulood. Fekirki looga bixi lahaana cid heyso majirto waayo hoggaamiye
yaashaas xun ayaa reerka hurmuud u ah.
3- DHUL BALAARSIGA:
Aqristow qodobkan sedexaad ee dhul balaarsiga ayaa ah kan
ugu weyn ee maanta dhibta ku haayo qabaa,iladan la dulmaayo,
su,aasha meesha taalo ayaa waxay tahay yaasameynaayo dhul balaarsiga?
Runtii labadan
hoggaamiye kooxeed ee kala ah maxamed dheere iyo muuse suudi ayaa waxay ka
sameeyeen maamul ku sheeg gobolka shabeelada dhexe, waxayna u kala qeyb sadeen,
muuse oo heysta degmada BALCAD iyo agagaaradeeda, maxamed dheere oo isagana
heysto magaalo madaxda gobolka shabeelada dhaxe (JOWHAR) iyo agagaaradeeda.
Waana ayaga kuwa dhul balaarsiga sameenaayo.
Arinkan oo dhibaato weyn ku haayo beelahan la dulmaayo ayaa
hadana waxaa jiro iyadoo lagu xadgudbo soohdimaha ay lahaayeen dadka degan
gobalka shabeelada dhexe, iyo weliba dhibaatada ka timid heyadaha ka howl gala
gobolka sida NGOyada iyo kuwa
UNta oo dhamaantood u aqoonsan gobolkaas maxamed dheere iyo muuse suudi
kaliya,taas oo mustaqbalka keeni karto dhibaato aad u weyn xaga soohdimaha.
4- DHACDADII KENYA:
Dhacdadan oo aan hore maqaalo badan uga qoray ayaa kamid ah
sababaha sahlaayo in ay go,aan
beelahan, taas oo ah in aan waxba laga siin xubnihii baarlamaanka ku
meelgaarka soomaaliya uga qeyb gali lahaa
beesha moobleen iyo beesha hiilibi.
Afartan
sababood oo aan kor kusoo xusay ayaa ah kuwa sababi doono in ay go,aan labadan
beelood,mana muuqato in ay hor istaagi doonaan amaba wax ka qaban doonaan
arimahaas. Hadaba Malaga yaabaa in ay waxka qabtaan wax garadka hogaanka
beesha mudulood arinkan muhiimka ah, soomaalidu waxay tiraahdaa walaal
ribax (faa,iido) ujeedo
rixim (xigto) ma dhooro.
QORE JAMA HUSSEIN HASSAN
jamamob99@hotmail.com
jamamob@yahoo.com
jamamoobleen@aol.com
|