Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Difaaca Dalka Iyo Daryeelkiisa Waa Wajib Inawada Saran

Cabdullahi M. Nuur      Abdullahi05@swissonline.ch 

Feb. 20,2005

  Waxaan jecelnahay inaan mar walba sheegno jihaad kasoo aan u fahannay  jihaadka inuu yahay oo kaliya gaalo dalkaaga ku soo dusho oo aad ka difacdid balse aynaan ogeen inuuu jihaadku kamid yahay in lala jihaado kuwa  xumaha  ku haayo dhulkaaga jinsigay donaanba ha ahadeen  ama  kugu jinsi   midka aan waxba garan inaan iska qabano hadii uu qaldan yahay aan u sheegno qaladkiisa hadii uu didana aan si wada jir ah aan ulla jihaadno .

Umad haday ka tagto inay is farto wanaaga iskana reebto xumaanta

Waxaa lugu salidaa midaan u naxariisan kooda weyn ee tabarta daran  iyo midkooda yarba.

Hadaynaan rabin inaan runta isu sheegno oo aynaan rabin inaan iska qabano kuwa mafiyada la shaqaysta balse aan rabno inaan fulino waxay rabaan oo howshooda u sahlaysa inay mafiyadanimadooda siwataan  amxaarana waa qayb ka mida mafiyada  oo la cola illaah iyo rasuulkiisa  naxariistii illaahna ay ka gurtay.

Qabiilada ay u taalo isbaroyinka jid walba oo konfur somaaliya ka mid ah inay qadaan illaha ku duwo waxna ay gartaan intuusan waqtiga dhamaan wax garadka muqdisho iyo culuma’udiinka mar horay ka daleen waano iyo war afkiibaaba juuqda gabay hada oo loobahan yahay in laga  wada hadlo oo runta laysku shego xaqana laystusiyo hasoo noleyeen muxadaroyinkoda wax tarka leh halaga hormariyo tan gudaha mida dibada haka canbareyeen meelkasta isbaroyinka aan meel walba aan dhiganay dan inooguma jirto ee wixii dani ay ku jirto iyo kala danbeen hallaga wada hadlo hana las fahamsiiyo . 

Kuwa isbaroyinka meel walba utaal waxaa u roon inay towbad kenaan ay illaah ka baqaan danbi dhaaf waydiistaan inta aan kuwa amxaaro wataan kaare aysan dul marin halkaasna ay ku gefto towbada ay maanta fursada ay u haystaan.  

Inta mafiyada ku shaqaysata iyagoo iska dhigaayo kuwa dalka u danayhaayo  waxay xal u arkaan in lajihaado in la bananbaxo  xal kale afkooda ma karo ileen waa u cudure dawladnimo in lahelo in sibaroyinka laqaado am hubka la xareeyo xarumha dawlada laga baxo  lana subiyo cidan nabadgalyo  oo madani ah iyagoo hal malin u banaanbaxaayo lama arag shacabka lagu danaysto hadii ilaah subxaana watacalaa uu mali’ig samada nooga soo diro in la dhaho ku jihaada  ma hursano .

Dantanada waa inaan ahaano sida aan hada nahay  guri aan laheen inaan degenaano xafiis dawlana degaan oo inoo ahaado  waxaan rabna aan dhofino waxaan rabnana aan sogalino magalada muqdisho iyo degmoyinkeeda ay noo ahaato magaalo bililiqo Lacagtanada aan dabacano dalka uu ahaado miday albabadiisu ay balaqan yihiin cidkastana ay waxay donto ay ka yeesho  dunida dafaheedana aan u damaashaad tagno anagoo adeegsanayno basaboor qaxooti caruurtanadana uu qaxooti noo biilo daaro dhadheer iyo hoteelo aan ka jexano magalada dafaheeda willal badiye laga keenay aan siino qaad iyo muqadaraad caloshooda aan ubuxino si ay no ilaaliyaan waxay donaana dilla ama kufsada dan iyo muraad aynan ka laheen

Mudane calimahadi iyo cabdiqasim waan diidnay dowladnimadoodii anagoo dan u arkayno inta aan kor kusoo sheegay  itobiyana aan u kala dhumanay hub iyo lacag waxay na siisay aan soo dal dalanay  ugu danbeentiina aan doranay  inay na xukunto

Jihaad inaan ku boodna waxba noo tari mayso jihaadaan xaqa ku tagneen jihaad noqon maayo waayo nin meesha uu degan yahay aan cadalad ka jirin xaraan iyo xalaal aan ukala socnayn siduu uu dono uu wax ku donto  rabi ka cabsigu uu ku koban yahay masjidka gudahiisa jidadkuna ay yihiin kuwaan rabiba laga aqoon inuu xisabin doono xaraanta ay cunayaan 

amxaaro jihaad uguma adkaan karaan labaduba waa laba dalin kii xog bataana adkanaayo maskiin badan uu ku dhex guban dono.

Muwadin walba oo somaali ah wuxuu jecelyahay inuu dalkiisa hagaago mana jeclo inuu dalkiisa gumaysi qabsado kan jecelna waa midaan damiir iyo diin laheen, Kan jecel inuu dalkiisa gumaysi wax kadhigo ama lagu danaysanaayo isagoo ismoodo inuu wax garto waxaa kasii daran kan donaayo inuu dalkiisa uu ku jiro nidaam daro rabana inuu ku nolaado waxaanba ilaahii abuuray xalaalkadhigin xaraantu ay u tahay xalaal xalaashana ay u tahay xaraan.

Xukun jaceel waa waxa jahanama dadban gaynayso ogowna amaxaaro haday dalka qabsato inay xukunka kaa turi karto ninkay dontana ay kugu badali karto beri markay danteeda kugu gaarto  dhibaatada gumaysiga ay noqon doonto mid dhamanteen nawada samayso waligeena aan gumaysi ku jiri dono sida falistiin oo kale Taasna waxaa tusaale kaaga filan labada dal oo walaha ah lubnaan iyo suriya oo isku badashay inay suriya ninkay donta ay madaxweyne ay ka dhigto ama wasiir ciday rabina uu san dalka waxba ka noqon walaaltanimadii inay maanta isu badasho wadan wadan haysta iyagoo horay aysan codowtinimo ugu dhaxeen cadowgooduna uu mid qura yahay cadowtanimada ay isu qabaan maanta ay ka weyntahay mida ay cowgooda runta ah ay u qabaan .

Waxa maanta somaali la gudboon waxa ay rabto inay  samayso inay ka fiirsato ayaa haboon caano aan fiiqsi loo dhamin iyo hadal aan fiirsi loo oran labadaba ferehay wax yeeleyaan

Walow uu aqliganaga uu shaqeen wayay 14sano balse aan weli laga quusan si  dhibatoyinka jira loga gudbo si cilmiyaysan oo aysan waxba nooga halabin in aqli xumo lagu qatimo iyo xukun jaceel  waxba noo tarimayso siyaasada dhan la aqariya ayay ledahay ee malaha dhan la qabto hadba dhinacay iyadu doontay isku rogtaa haday dhan xun isu rogto aqriskeeda waa ku dhibtoon waa mida maanta mudada dheer dowlad la’aanta nagadhigtay

Gumaysi ku badalo ayaa kasii xun somaali galbeed markii ugu horaysay uu gumaysiga u qaybiyay laaluush odayasha dhaqanka isagoo ka dalbanaayo inay dhigaan mudaharaad  iyaqoo dalbanayo inay amxaaro la jogaan shacabkiina been loo sheegay

wafdigii muqdisho  yimid ee kulanka xurnimada kula lahaa  gumaysgiii cadaa loogu  jawaabay waataa shacabkiinii ay u mudaharadayaan inay amxaaro lajogaan ee waxaan idin tari karno majiraan raali naga ahaada

Siyasadii boqortoyadii amxarada waa uu ku gulaystay senaawi  aqrinteeda yaan maanta calamka nala dhihin waataa ay dalabanayso dowladiina amxaaro maxaan idin tari karnaa  inta dhiman yaan naloo dhemestirin tariikhdana yeynaan baalmadow ka gelin .

waano adaa ku noolee iyada kuguma noola

wabilaahi taowfiiq

Abdullahi Mohamed Nuur

Abdullahi05@swissonline.ch

Weriye mudulood.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul