Waxaa
dhegeheeyga
ku soo dhacay in waxa lugu calaajiyay nayroobi ka soo
bexeen heshiis hoosaad oo waqti dheer ka socday doowladaha
deriska eh iyo kooxa soomaali eh oo danohooda ka dhax
arkay barnaamijka mugdiga lugu aburay.
Maanta
soomaalida lagama hoos bixinkaro wax aan u qalmi iyo
qayaanadii 30ka sano lugu maamulaayay oo dalka dhigtay
meeshoow beriga yaalo.
Heshiis
hoosaad lala galo cadawga kasoo horjeedo daneheeyna iyo madax banaanida
qarankeena, u soocon meeyso oo waa riyo iyo calawsaad wax
magarad yaasha la wareegaayaan.
Waxaa
yaable in dameer kasto qaaq yiraa in oow is mudo siyaasy weeyn oo taladiisa
tahay, tii looga bixi lahaay balaayada iyo burburka oow
sababta u yahay.
mid
walbo,
midka kalo leeyahay gaw iyo gash
male; siiba haddoow
miraayada ka arki waayo masawirkiisa iyo danihiisa gaarka
u eh oow ogyaha in eeysan u meel mareeynin.
Lamada is duubay
waxeey goob walba la taagan yihiin in la keenaayo askar
ka ilaaliso shacbiga eey rabaan in magacooda dalka
ku maamulaan aduunkane uga qarabtaan.
Majirto cid siineeyso lacag
eey ku ijaartaan calooshood u
shaqeeystayaal oo lugu cuburiyo dadka iska xureeyay
dhiig miiratada 30ka sano nugu kor noolaay.
Dadka soomaali badidooda waa
ka soo hor jeedaan in la keeno askar lugu gumeeysto oo u
jebiso 4ta tuug oo weli ku
riyooneeyso in dib loo soo nooleeyo naas nuujintii qabiilka
ku saleeysneed iyo boobkii xoolihii
dad weeynaha tacbaday.
Waxaan la iloobi Karin mucaawinadii
dalka soo gashay 30kii sano oo maamulka gacanta ku haayeen
cabdiyaashii iyo afweeyne oona
ku caan baxday waqtigii
naas nuujinta qabiil iyo xaq
darraada loo geeystay shacbiga intiisa kale.
Ilaahaan
idinku dhaariyee,
Ma
la aamini karaa duulkaan aad taqaanaan taariiqdooda iyo
kuwa daba joogo oo leh xoogaan ku
marsiineeynaa doowlada Iyo brograamkeeda oow cadawga u soo
dhiibay.
Go’aan
siyaasadeed oo ka dhexeeyo qabiil iyo gunta mudulood aa
nin iyo jilibkiisa ku qasbaayaan inta badan, ayakoon tih
gelin dadka dalka leh.
Shalayaa gaal-galaa
lugu qalday nuux suleeymaan iyo
garowe, maantane ma warsangeli
abgaalaa kursi liiq liiqanaayo lugu
gadanaa oo boosaso goof
looga xaar xaaraa.
Ninka
fududoow, maxaad
ka faaideeysaa bur-burka
walaalahaa
Iyo
naceeybka aad u qabto inta ka muuqato dadkeeyna oo
garab kuu noqon karto manta iyo berri.
Intaadan
guurin, ka fiirso waxaad ka tageeysid iyo waxaad u tageesi.
Waano horteed abuuraa ka horreeyo.
Prof. Omar Galagul