Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

 

Somaaliyeey Is Dhaqa, Sidaad Xabasho Uga Badbaadiin

 By: Abdallah Moallim

 Mahamud  Moallem10@hotmail.com  

March 01, 2005

 Ma jirto guul horay uga soo baxday ama ka soo baxayso shir walbo oo sal looga dhigo magaca dib-u-heshiisiin haddii dhinacyada la doonayo in la heshiisiiyo mid walbo ku dhegan yahay waxa uu goconayo iyo in howsha gogashaas lagu soo gabagabeeyo sida uu wax u doonayo, taana waxay ka sii daraysaa haddii ay jirto fara galin shisheeye oo maslaxadeeda ka hor marinayso danaha dadka la doonayo in meel dhexe la isugu keeno, gacantana ku hayso jihaynta fikirka qeyb ka mid ah dhinacyada is haayo.

Sidaan horayba u tilmaanay, Dowladi Mbagathi ka soo baxdo in ay dalka iyo dadka Soomaliyeed ku soo kordhinayso murugo hor leh, kala qaybsanaan dhinac walba leh iyo colaad ahliya oo faraha looga gubto, annaga oo intaaba sabab uga dhigayno qaabka fooshaxun ee shirkaas isaga ah loo agaasimay.

  Maanta waxaan u joognaa oo ku noolnahay natiijadi Mbagathi oo dadka iyo dalka Soomaliyeed ku soo kordhisay welwel,murugo iyo kala daadsanaan hor leh haddii aynan wax garadka Soomaliyeed mar kale u duubaan sidi looga sare kori lahaa, ku sii jirida is jiid-jiid aan dhamaan sanadaha fooda nagu soo haayo haddii aynan dhicinba gacan ka hadal,gaajo iyo amni xumo dalka oo dhan ku baahdo,taa ilaahey ha naga koriyo,aamiin.

Haddaba su'aasha waxay tahay sidaa looga baxaa dhibkan ummaddeena u yaal ,jawaabtana waa sahlantahay waayo xal u helida arrimaha Soomalida waxay ku xiran tahay ogaanshada cudurka haayo hogaamiyayaasha ku herdamayo maareynta maamul dhexe ee loo helo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ma'ahan mid Soomalida ka maqan hogaamiye walba iyo taageerayaasha ku hareeraysan waxa ay ku taamayaan in ay helaan, sidaa darteed annaga oo isku dayayno soo koobida far ku fiiaqda tallooyin taaba gelin karo shirki Mbagathi oo xal waaro isu beddelo.

Intaanan u guda gelin biya degga qoraalkan, waxaan si gaar ah farta ugu fiiqaynaa su'aal ay jawaabteeda taabanayso mid ka mid ah murugooyinka ay nagu soo kordhisay xukkumadi ka soo baxday shirweynihi Mbagathi loo fadhiyay laba sano oo kaamil ah.Su'asha waxay tahay ,maxaa mudane Geedi oo ah wasiirka koowaad u diiday in uu ka soo dego magaalada Muqdisho tan iyo inti loo doortay jagadaas, ilayn Cabdullahi yusuf waa la yaqaan sababta u diiday in uu Muqdisha ka soo dego isaga oo aan wadan ciidan ay xabashi horkacayso oo xamar kaga hormaro .

Annaga oo jawaabta su'asha kore u daynayno Mudane Geedi naf ahaatiisa iyo aqristayaasha qoraalkan ,waxaan halkan si gaar ugu baaqaynaa Geedi ,una soo jeedinaynaa in uu ogaado, howshiisa in ay tahay fulinta howlaha dowlada iyo in uu maanka ku haayo sida madaxweynaha iyo isaga wada shaqayn uga dhexayso, in ay wada shaqayn uga dhexayso isaga iyo golihiisa wasaarada iyo barlamaanka, iyo sidoo kale in uu maanka ku haayo, in go'aamada dowlada ahaadaan kuwa ku yimid afgarad ka tarjumayo danta guud ee dalka iyo dadka .

Mudane Geedi waa in aad u dhaqantaa sidi hogaamiya Soomaliyeed oo aadan u dhaqmin sidi nin ku maqan dana qabiil iyo dana kooxeed oo ku jiro gees cariiri ah. Haddii aadan sidaa yeelin waxaad ku dhamaanaysaa oo xaqiiqa ah mid aan taariikh wacan ku soo kordhin ummadda Soomaliyeed.

Aan u gudubna gun-dhigga qoraalkan

A) Waxaan ku hormaraynaa talo aan u soo jeedino hogamiyayaasha reer Baydhabo,waxaan reer Baydhabo ugu baaqaynaa.

1) In uunan dhulkooda noqon dhibicda ugu horeyso ee xabashi ka soo gasho dhulka soomaliyeed laguna fuliya danaha guracan oo ay dalkeena ka leedahay .

2) In aynan abuurin cadowtooyo qabiil kale si gaar ah ugu haayo, lana mid ah tan u dhexayso Daarood iyo Hawiye oo ay horboodayaan hogaamiyayaal calwasaadkooda run mooday.

3) In ay u dhaqaaqaan mideynta cududa dadka ku nool gobalka Bay iyo Bakool,keddibna sameeyaan maamul dhexe oo maareeyo arrimaha gobaladaas ,tan waxay asaas u tahay mideynta cududu guud ee ummadda soomaliyeed iyo maamul dhexe oo dalka guud ahaan loo helo.

B) Talada labaad waxaan u soo jeedinaynaa hogaamiyayaasha Hawiye gaar ahaan kuwoodo lagu tuhunsan yahay iyagga in ay caqaba ku yihiin xal u helida arrimaha Soomalida guud ahaan iyo gaar ahaan kuwooda gacanta ku haayo deegaan aynan asal ahaan ka soo jeedin xoogna ku haystaan.

1) Hogaamiyaasha gacanta ku haayo deegaanada koofureed waxaan u soo jeedinaynaa in ay arrimaha deegaanadaas si nabadgalya ah ugu wareejiyeen dadka loo yaqaan in ay iyaga deeganadaas ka soo jeedaan , iyo in ay magaalada Muqdisho maamulkeeda u daayaan hogaamiya ka soo jeedo dadyowga lagu tiriyo in ay ayaga magaalada ugu badan yihiin si loo helo maamul heshiis lagu weada yahay oo ka amba-qaado caasimada Dalkeena, Muqdisho .

2) Hogaamiyayaasha deegaan ahaan ka soo jeedo gobalka Banaadir iyagana waa in ay balan qaadaan in ay caasumada noqon meel dad gaar ah iska leeyahay ,in ay ku tilaabsadaan sameynta maamul wacan oo loo siman yahay,kana madax banaan caga juglayn iyo isku dayid in maamulkaas loo maro gaarista hogaanka soomaliyeed oo ah mid ay ummadda soomaliyeed oo dhan u siman yihiin, qabashadiisa iyo in si dhab ah oo leh qaab la isu xisaabo u balan qaadaan ammaanka hogaamiyayaasha iyo taageerayashooda lagu tiriyo in ay ayagga yihiin caqabada ugu weyn ee hortaagan nabad ka islaaxdo deeganka Banaadir.

3) Hogaamiyaha Jowhar, isagana waxaan kula talinaynaa in uu u hogaansanaado danaha deegaanka Hawiye gaar ahaan iyo guud ahaan danaha Soomaaliyeed ,kana digtoonaado isaga oo moodo in uu u adeegayo danaha tageerayaashiisa in uu u adeego danaha guracan ee xabashi dalkeena ka leedahay iyo damaca dhalanteedka ah ee Cabdulaahi Yusuf ,Ashari iyo Bari-bari ku doonayaan in dalka ay ka taliso suldo uu qabiil hor kacayo.

saddexdan arrimood waxay aasaas u yihiin xamar oo helo maamul loo dhan yahay ,faragalinta xabashada oo aan suurta galin iyo soo baxyada terebuunka ee looga soo horjeedo xabashida oo laga maarmo ,riyada Cabdullahi yusuf oo qabiil hor kacayo oo sidaa ku bas beesho.

C) Talada saddexaad waxaan u soo jeedinaynaa Daarood ,gaar ahaan Dadka dego Puntland , laakin Cabdullahi Yusuf ma filayo in ay jirto talo aan u soo jeedino oo ka hor joogsan karto in uu ka waantooba falalka xun ee lagu yaqaan iyo keli talisnimo, waayo shaqsi ahaan hadlakiisa ayuu sal uga dhigay habeenki shirweynihi Mbagathi loogu caleema saaray madaxweyne "aniga saddex shay ayaa I hor yaalo ,in aan gaaro maamul soomaliyeed ee I hoos yimaado,in aan ku dhinto raadinta taa iyo in aan idinku wargeliyo waa fashilmay ee nin kale doorto.

1) Reer Puntland waa dad intooda badan diyaar u ah ka shaqaynta helitaanka Dowlad dhexe ee Soomaliyeed laakin ayagana waxaan kaga digeynaa u hogaan-sanaanta dad doonayo soo noolaynta colaad qabiil oo dhex marto beelaha Soomaliyeed ,dib u dhicida helitaanka sidi looga bixi lahaa murugada ay ummadda soomaaliyeed ku dhex jirtay afar toban sano oo aan gadaal u fiirinay.

2) Waxaan kula talinaynaa ka fogaashada in ay rumaystaan riyada dhalanteedka ah ee Cabdulaahi yusuf oo ah in ay Xabshi soo celin karto amniga iyo dowlidnimadi Soomaaliyeed, iyaga oo mathal ka dhiganayo xoogag ka weyn xabashi, kana maal badan oo horay ugu fashilmay taa oo kale . in ay dhinaca kale ogaadaan Soomali oo xal waaro gaarto in ay ku xiran tahay ilaaaahey oo loo noqdo iyo isfaham dhab ah oo dhexmaro ummadda Soomaaliyeed, kana fog istaag-taag iyo anigaa iri.

Xamar Oo Maamul Loo Helo ,Waa Soomaali Oo Dowlad Hesho ,Waa Xabshi Oo Ku Fashilanto Hunguriga Somaliya Kaga Jiro.

Somaaliyeey isaga imaada rumaynta riyo dhalanteed ah oo ay horboodayaan hogaamiyayaal ku fashilmay xitaa gaarista danahooda gaarka ah ,iska daa danaha taageerayaashooda oo ay guul ka soo hooyaan.Somaaliyeey is dhaqa ,qabiilkana u bedala hal qabiil oo la Yiraa Soomaaliweyn.

Soomaali oo isfaham dhexmaro ,xabshina ka badbaado waxay ku imaanaysaa iyada oo laga tanaasulo ,xaasidnimo,kelitalisnimo,qabiil lagu habarkacsado ,hogaamiyanimo xaafad xoog lagu haysto ku eg ,mudaharaadyo aan loo dhamayn kuna hadlayo magaca ummadda Soomaliyeed,maxaakim islaamiya oo xididka ay ku nool yihiin yahay qabiil guracan ee lagu mansab tegayo, afhayeen ku hadlayo magaca dowlada, kuna yimid qabiilka ninka uu afhayeenka u yahay,barlamaan laaluush lagu xakameeyo,wasiir aan ku imaan karti uu isaga shaqsi ahaan leeyahay,u adeegida cadawgo oo laga hoos doona dana liito oo ku kooban shaqsiga cadawga u adeegayo ,iyo iwm. 

by: Abdallah Moallim Mahamud  

email: Moallem10@hotmail.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul