Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

 

GODEY IYO GOTENBERG      GEESIYAAL  GOOF-MAA NOOGU-YAAL

 By: Abdallah Moallim

 Mahamud  Moallem10@hotmail.com  

March 07, 2005

 Kiimika, Hiraabe iyo Jeeri ma ismaandhaafeen, ma meel ay wax isula wadaan, misa arrinta waa ha la qaato midwalba halka ay uga muuqato danta guud ee ummadda Soomaliyeed meesha ay ku jirto, misa howsha waa caadifo shaqsi loo qabo ,ka daalid xumaan wade xamar iyo dalka intiisa kalaba qaribay,neceyb u qabid xabasho iyo shaqsi(Cabdukllahi Yusuf) dowr weyn ka qaatay burburinta qarankeena loo geystay ee lagula dhaco mid kale ee howlihiisa dalka kaga aadan aanan horay loo arag oo uun lagu tuhmayo in uu yahay gacanti danaha xabashida looga fulin lahaa caasumada Soomaaliya Muqdisho iyo dalka intiisa kalaba oo iyaga la dan-daran gacan ku haynta cadowga gudaha ee dalkeena, misa waa gaabis iyo yaan horay loo soo socon ku kooban, tii aan ku baranay bahda ma tashato ee na dhigtay gudcur madow dhaxdiisa ee aan lahayn albaab muuqdo oo looga baxo, taladoodi ahayd ra'yigayga oo kaliya ha la maqlo haddii kalana waa inoo qoraga caaradiisa amaba maanta oo ay joogto qalinka caaradiisa.

   Waa jab ay adagtahay kabidiisa haddii Qalinka caaradiisa loo adeegsado waxyeelaynta shaqsi aad kala ra'ayi tihiin ,waase guul haddii qalinka loo adeegsado sidi meel la isugu keeni lahaa laba ra'ayi ee mid walba doodiisa tahay qarankeeni dib ha loo dhiso, hana laga baxo gacanta cadowga gudaha iyo dibadda.

   Ma doonayo in aan ku dheeraado soo kala dhaxgelida raggan aan ka mideysan nahay in xal loo helo, sidi ummadda Soomaaliyeed (Ilaahey iinkiis) looga dul qaadi lahaa murugada ku dul raagtay ee sanadkan qaangaartay. balse waxaan rabaa in aan ka tala bixiyo sida ay ugula wacan tahay in khilaafkooda loo soo afjari karo.

Is xusuusin ,soomalida waxay tiraahdaa "hadalka waxaa loo yiraa ,ha lagu maqlo ee looma yiraa ha lagaa yeelo".

  Sideedaba ummad guul ma gaarto haddii ummaddaas caadaysato ku tiirsanaashada hal ra'ayi oo kaliya ,laakin haddii uu yimaado ra'ayi khilaafa ra'ayigaas ,arrinta kala duwanaashada ra'ayina laga wada hadlo waa iftiin iyo iyada oo lagu dhaqaaqo horumarinta ummaddaaas howlaheeda la isku khilaafay.

 Saaxibadeen waxay isku haayaan howla intooda badan ku jiro gacan dowr weyn ku yeelatay burburinta qarankeena, markaan afka si toos ah ugu dhuftana waaxay howsha gacanta ugu jirtaa ,Madaxweynaha Soomalida oo aanan halkan isku barayn taariikhdiisa ,wax ka dhihideedana ay maanta nooga filan tahay sida uu isaga wax isaga sheegay goobihi uu ka hadlay tan iyo intii loo doortay madaxweynaha Soomaliyeed.waxaa Madxweynaha xilkaas la wadaago dowlad ay xubna ka yihiin rag badan oo ay weli isbaaro lagu baadayo dadka Soomaliyeed u taalo waddooyinka caasumada Soomaliyeed iyo goballada kale ee dalka,waxaa iyagana xilkaas la wadaago Barlamaan aad taqaaniin qaabka loo soo xulay xubnihiisa ,isla markaasna ummada Soomalida ka dheragsanatahay intooda badan xubnahaas in ay leeyihiin taariikh madow oo aan halkaan lagu soo koobi Karin tilmaanteeda, waxaa iyagana dowlada in ay lugaheeda ku istaagto ,madaxweynahana in uu xilkiisa ka soo dhalaalo gacan weyn ku leh dowladaha deriska nala ah oo aan iyagana taariikhdooda is barayn.

  Haddaba su'aasha waxay tahay sideen u heli karnaa annaga o waddankeena nabad ku oo dabaalno ,kana baxno gacanta mooryaanti naga reebtay ummaddaha adduunka, isla markaasna ka badbaadno damaca xabshida  iyo wixi la mid ah kaga jiro dalkeena in ay gacan weyn ku yeelato maareyntiisa.

Jawaabta su'aashan waxaan u daynayaa Kiimiki,Hiraabe, Jeeri iyo cid walbo oo doonayso in ay ka tala bixiso xal waaro oo ummada soomaliyeed u shalayo dib u soo noolaynta dowlad loo dhan yahay ee maarayso arrimaha dalkeena ,dibna u soo celiso kala danbaynta iyo sharciga oo lagu dhaqmo.

   Kiimiga iyo Jeeri waxaan ka baranay qalinkooda oo tilmaamo waddada toosan ee ummaddeena u sahli karto in lagu gaaro dalkeeni oo nabad ah ,waxaana ka codsnaynaa in ay  arrinta hadii ay naqdi gasho taladooda ka saaran shaqsiga la naqdinayo oo hoos looga hadlo ,sidoo kale Hiraabe waxaan qalinkiisa ka baranay tilmaamida wixi ku xun mujtamaca soomaliyeed dhaxdiisa ,waxaan isagana ka codsanaynaa in uu yareeyo caadifada qoraaladiisa danbe badanaa ka muuqanayay iyo in uu joojiyo shaqsiga uu  naqdinayo oo lagu tilmaamo waxaan daliil loo hayn.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa

 Geesiyaal goof nooguma yaal godey iyo goternberg.

 

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

_

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul