March
12,2005
Salaan
nabadgelyo iyo mid naxariis dushiina ha
ahaato
Waxgarad
culima’udiin hogaamiye Ganacsade
marwalba waxay soo jediyaan dhaliil wax
wanaagsana waa shegaan wax qabadse
malaha waxayna wax ku cabiraan rabitaan
shaqsi
ama koox
dhibatoyinka jira inay
wax ka qabtaan way ku adagtahay
kii ka hadlana fakirkiisa saliima waa
ladilaa cid loo radsadana ma jirto oo
danbiile lagu magacaabo niman madaxa soo
xirtay ayaa dilay lama dhaafo
.
Gumaysi
ma na haystaa mise inta dhiman ayuu
rabaa inuu dhamaystirto ?
Gumaysi
marhoruu na qabsaday lakiin nama wada
qabsan si totaal ah oo inta dhimanuu
rabaa inuu dhamaystirto .
Qoriyuu
nusa kaaya dhiibay nidaam uusan raali ka
aheen inaan yelanuu noo diiday gobalada
qarkood siduu rabuu ka yeelay illaa
amarkiisa lagu xukumo .
Sidee
inta hartay ku bad badin karnaa waxa
haray waa casimada ?
Shacabka
15sano ayuu ku jiray dhibaato waxaana u
gaystay hogamiye koxeed oo ay
maskaxdiisu gumaysi ka amar qadato
maanta shacabka nabad galyuuu u
omanyahay
weli kama soo kaban dhibaatadii
gaartay waxaa usii dheer in weli lagu
haayo,
qaranimadii ay qatar ku jirto.
Maanta
shacabka ma is difaaci karaa isagoo
dhexdiisa aysan kajirin
nabadgalyo iyo
kala danbeen
haba yaraatee
.
Idaacad
laga gubaabiyo talefishin lagu cabsiiyo
internet lagu wel wel galiyo ma lagu
samatabixi karaa hadaynaan rabin
runta inaan isu sheegno kuwa
dhibkaan horseedka ka ahaa welina
dhaqaale ku radinaayo shacabka
masaakinta ah
dushooda.
Shacbiga
inuu dhiig u dadiyo kaligiis inta
gumaysiga u hartay
xalka kaliya oo
haray miyaa?
Xalka
si wada jiraa loo garaa oo shacabiga
kaliis lagama dalbo hadii guul in la
wada lagaaro la rabo .
Hogamiyaasha
muqdisho iyo inata hubka haysato inay
ogadaan inay dhamaatay gawda maqashii
waxna u haqaban loona bahanyahay wax
qabad run ah iyo in dhibaatada laga
joojiyo shacabka maskiinta ah
si inta hartay loo bad badiyo .
In
laysku tanasulaa laysna aminaa xarumaha
shacabka ee loo haysto rahanta laga
sabraa ee dhaqalaha lagu radinaayo .
Ina
wax kasta lagu radiyaa xalka shacabka si
uusan dalka mar danbe diktatoor
gacantiisa u galin .
Dhamaan
malishiyaadka magaalada muqdisho sida ay
u dhan yihiin laysugu geyaa xeroyinka
milatariga laguna siyaa tababar iyo
dhaqan celin laguna magacabaa cidanka
gobalka banaadir.
Cidan
yar oo koban oo qaada hubka ay
shaqsiyaadka ay gacanta ku haystaan
ilaaliyana xarumaha ku meel
gaarka raalina laga wada yahay inta laga
helaayo nidaam federaali ah oo loo wada
dhan yahay waa in la hellaa .
Gumaysi
iyo tiktoor
inay qabsadaan inta u hartay mid
sahalan noqon mayso hadii aan firino
dhinacyo badan waxna laga badalo
dhaqamadii hore ee la idinku yaqiinay
aynaan firin dhinackaliya oo ah
qawda maqashii waxna ha u qaban iyo
waqtigoo la dheresto si duleelo kale loo
hello .
Go’aan
fican oo lagaaro waxaa ka wanaagsan wax
yar oo wanaagsan oo laqabto
Hogaamiyaasha
muqdisho maanta fursadii ugu danbaysay
haystaan waxayse sharaftu ku
jirtaa inay noqdaan kuwa shacbiga
ku aamaal sheegto ileen horay amaal uma
iiline.
Wabillahi
towfiiq.
Cabdullahi
Maxamed Nuur
Wariye
mudulood.com
Abdullahi05@swissonline.ch
Abdullahi05@htmail.com