March
13, 2005
Waa
la heshiiyay waa hadal weyn oo leh xaqa ah in lagu taamo kol haddii ummad
iskhilaafsan ku dhawaaqday waa la heshiiyay.
Waa la heshiiyay ma'ahan marki u horeysay oo ummadda
Soomaliyeed loo meeriyo ,lagana dhawaajiyo iyada oo loo taagan yahay heshiis
horay u dhaxmaray kooxaha isku haayo maareynta arrimaha ummadda Soomaliyeed,
sida in weli lagu taagan yahay taabagelinta heshiis laga gaaray dhismo
dowladeed oo dimoqaraadi ah, waa sida ay u dhigeen kooxaha labada sana u
fadhiyay magaalada Nayroobi iyo dowladaha ku bahoobay Igad in Soomaali weyn
heshiisay kuna dhaqaaqday fulinta heshiisyadi ka soo baxay shirkoodaas.
Waa Su'aal ku aadan kooxaha isku sheegay in ay maanta
magaalada Nayroobi ku qabteen xaflad balaaran oo lagu maamusayo heshiis laga
gaaray in Caasumada Waddanka Soomaliya Muqdisho loo sameeyo maamul. Su'aasha
waxay tahay idinka ma ka baxdeen heshiiski Nayroobi ,haddii aadan ka bixinana,
maxaa diiday dowladi aad ku heshiiseen madaxdeedi in aynan goobjoog ku ahayn
goobta aad heshiiska ku gaarteen iyo xaflada aad ku sheegteen in aad ku
maamusaysaan heshiikaas.
Waa su'aal kale ,hashiiska aad gaarteen idinka oo
Nayroobi joogo ma ku soo qaadateen daawaynti nabrihi aad u gaysateen
Soomaliweyn guud ahaan iyo gaar ahaan Caasumadda Soomaaliya dadweynihi ku soo
haray kolki aad soomali kala raacdeen ,haba ugu darnaadee dagaalki afarta
bilood ku dhexmaray kooxihi isku qabtay hogaaminta waddanka Soomaaliyeed guud
ahaan iyo gaar ahaan maareynta howlaha maamul ee gobalka Banaadir.
Waa
su'aal kale, ma isweydiiseen oo ma isku soo qaadeen inta aadan ka tashanina
maamul u sameynta gobalka Banaadir in
ay xamar cadde ka jiraan kooxo aan idinka hub yareyn oo isugu jiro kooxo wax
haleyn iyo dhibaataynta shacbiweynaha Soomaliyeed guud ahaan iyo dadweynaha
gobalka banaadir gaar ahaan aan idinka yareysan,islamarkaasna aan idinka
yareysan dhihitaanka caadadiini ahayd diidnay wax walba oo ku salaysan nidaam
iyo kala danbayn loo helo waddankan ama gobal ka mid ah, iyo kooxo kale oo
hubkooda u haysto sidi ay u ilaashan lahaayeen danahooda tujaaro ,naftooda iyo
jiritaankooda iyaga oo aanan ku tiirsanaan u baahnaashada damiirlaawayaal la
haray waddanki oo dhan.
Waa su'aal kale ma isweydiiseen in ay raali ka yihiin
iyo in kale hashiiskan aad sheegteen in aad isla meel dhigteen madaxda
mushaarka idinku siiso goobaha aad ka talisaan dadweynaha ku nool in aad u soo
jaajustaan qaabka ay u fikiraan ama guud ahaan fikirka ay ka qabaan waxa loogu
yeero la dagaalanka irhaabka caalamiga ah.
Su'aaladahan
oo dhan iyo kuwa kale marki aad doonto in aad ka jawaabta waxaa kuu soo baxayo
kooxaha hubaysan ee xooga ku haysto magaalada Muqdisho iyo waddanka intiisa
kale in aynan weli diyaar u ahayn xal loo helo sida waddanka Soomaliya ugu
tilaabsan lahaa xaalad nabadgelyo iyo
kal danbayn lagu wada noolaado.
Ma ogtihiin waa la heshiiyay marki laga maqlo raggiina
Nayroobi ku wada saxiixay hashiiska 30ka qodob ka kooban in ay ummadda
Soomaaliyeed intooda xalaal quudata ah markiiba qoddobadaas u aqrisanayaan,
dibandaabyo hor leh oo lala doonayo waddanka Soomaliya.
Meel
nama geyso waa la heshiiyay looga cararayo saaxib aad ka siman tihiin daadinta
dhiiga ummadda Soomaliyeed.
Heshiiskiinaan iyo guusha
Cabdullahi Yusuf ka soo hooyay doorashadi tartanka loogu galay madaxnimada
Soomaliyeed wuxuu na baray marki laga hadlayo arrimaha siyaasada Soomaliya in
aad weli ku jirtaan xaalad garguurad barasho, halka uu Cabdullahi Yusuf oo
hogaaminayo dowlad fadhiid ah, xubnana ka yihiin idinka oo kale muujiyay karti
iyo firfircooni dheeraad ah oo abuurtay in aad xabadka isku qaadaan mar kasta
oo uu muujiyaba ficil nidaam xambaarsan oo uu ku doonayo in uu ku galo
magaalada Muqdisho, sidaana gacantiina uga baxsho ,xabashiba ha u kaashtaa,
ilayn waa sidiina marka laga fiirsho daadinta dhiiga Soomaliyeed ,wallow oo
idinkaga duwan yahay in uu iskala weyn yahay la gorgortanka asxaab la hartay
dadka ay ku doodayaan in ay ku maqan yihiin danahooda..
Waxaa xaqiiqa ah in uunan
Cabdullahi Yusuf habeen kaliye ku hoyan Karin magaalada Muqdisho isaga oo
doonayo in uu ku jooga mooryaanimadiina oo kale kolki arrimaha Soomalida laga
fiirsho halka qabiil ku tiirsanaashada naga gaarsiisan-tahay.
Hashiiskiina waa waxaan doonaynaa in aan lisno
hashi Muqdisho iyada oo uunan gacantiina ku jirin ganuunki lagu lisi lahaa
caanaha hashaa aad doonaysaan in aad listaan.
War wiilal yahow isla haray
,ummadana la haray aan idiin sheegno qaabka kaliye ee maamul loogu sameyn karo
magaalada Muqdisho gaar ahaan iyo waddanka Soomaaliya guud ahaan in ay tahay
iyada oo la wada hadlo,lana wada
gorfeeyo arrimaha Soomaalida,meelna wax la isla dhigo,iyada oo la wada joogo
gogol kaliye ,ruux Soomaliyana aanan laga maarmin ,lana yasin,qabiilna aan
lagu riixin ,xoog maleeshiyana aanan lagu tixgelin.
War hooy ummadda waa idin
baratay ,waana ognahay in uu cadowgiina yahay nidaam iyo kala danbayn,war aan
idinku wargelina ma jirto taariikh madow oo iska socoto Sida ay taariikhda na
bartay,ma jirto xoola dad kale leeyahay ayaan heshiis ku gaarnay sii
haysashooda, dadki lahaana waa noo sacaba tumeen, ma jirto dowlad la'aan iska
soconayso,dowladna dowlad ma noqoto nidaam la'aan iyo kala danbayn la'aan.
War
ka kaalaya jahliga siyaasadeed oo aad ku jirtaan ,arrimahana u daaya dad
idinkaga xog roon inta aan cadowga na wada qabsan.
Waa la heshiiyay qaawan waa
ceeb iyo lama arag ,dibadi waa la idinkaga badiyay, gudihina siyaasad iyo
xoogba in aad ku maquunisaan waa ku fashilantaan ,war hoy ka kaalaya bohosha
aad ku jirtaan ee iftiinka u soo baxa, Soomalidana dhinac ka raaca inti wada
hadalka furan yahay ,jabkiinana uunan noqon domino la daadashay oo kale.
Ganuun
La'aan Aan Hasha lisno Waa hal bacaad lagu lisay
Abdallah
Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
_