Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Hadii Barlamaankii Somaaliyed Uu Wadani Noqday Hagamiyayaasha Hubaysan Damiir Ma Yeelan Donaan

              

Cabdullahi M. Nuur      Abdullahi05@swissonline.ch 

March 22,2005

  Salaan nabadgelyo iyo mid naxariis dushiina ha ahaato

  Haddii uu  barlamaankii u  codeeyay inuu dalkiisa difaaco isagoo aan cidna ka haybaysan hanjabaadaha dhegehiisa ku soo dhacaayo aan ka baqin isagoo aan dalkiisa jogin inta dhiman ma ku gulaysan donaa?

Hogaamiye koxeedyada culama’udiinka ganacsatada iyo inta hubka ku adeegato ma noqondonaan kuwa damiir leh oo magalada ay ku noolyihiin hagaagsankara  hubkana meel isugu gen kara isna difaaci kara?  

Madaxaan maseerin mowto wax ma dhaamo .

  Wixii barlamaanka ka dhacay  haddii labo fikradood laysku qabto oo ay qolo aragto inaysan gulaysaneen oo laga  badanyahay kadibna ay wax qaribto runtii wax wanaagsan maaha waxaase illaahay mahadii ah inaan laysku tuurin madaafiic maato badana aysan dhiman waxa wax is gaarsiiyay ay yihiin kuwii siyaasada isku haysan jiray madafiicna isku tuuri jiray  .

Shacabka iyo wax garadka intiisa badan  hadiii uu  danqaday dagaal ooge uu labo ukala qaybsamay kuwo sheegtay inay gumaysiga diidan yihiin iyo kuwo weli raba

Hadii ay garan wayaan labada is haysato wadadii lagu wada bad baadi lahaa shacabka maxaa  u dana ileen dhawac iyo dhimasho waa uu ka dalay midkalana uma noqon karo gumaystana hari maayo illaa uu gaaro danta uu leyhay dhumashana la dhaafi maayo?

  Saf hore waa uu gaabsaday waxuuse  usu dhigay gadaal oo fursad danbuu sugaa  amar uusan laheen laguma shaqeen karo waxayna soo hormariyeen  saf danbe hogaamiye koxeed waxaa lagu yaqiinay inay gumaystaha u kala dhuntaan dhaqaale iyo hub kasoo dal dashaan   tasoo sababtay inuu maanta hungurigiisa waynaado oo uu niyaysto inuuu dalka qabsado welina aan rajadiisa dhamaan kuna dodayaan somaaliya inaytahay labagobal oo ka tirsan kenya iyo itobiya dowladaha aduunka ay faragelinta jojiyaan iyaga kaligood in loo daayo inay xaliyaan walalhood waa sida ay hadalka u dhigaan .

Kuwa didan  ma dhab bay katahay inay dalka ugu baqeen gumaysi kuwiii aan shalay waxba garan  mise waxay ka tahay inaysan iyaga wadan qolo siyasiyiin ah oo ay iska so horjedaan inay wataan oo ay  u baqeen  naftooda ?

  Shacabkana uu yahay miday iyaga ku adeegtaan oo markay rabaan oo ay naftooda ciriiri gasho difaaca markay rabaana shacabka madafiic la dhaca hantidoodana isbaaro uga qaato  iyagoo maanta leh dalka ayaan difacaynaa hadana aan wax naxariisa aan shacabka u samayneen haba yaratee wataa ay weli isbarooyinkooda ay yaliin wax ay qadeen lama shegin wax soo siyaada mahine xarumahii shacabka weli waa haystaan .

Waxaa dhacday nin sheeq calim ah inuu yahay loo haysan jiray balse   wax yar aqoon ah u lahaa diinka  dadkana u iftoon jiray  ayaa waxaa looga yeeray inuu ka qayb galo subcis qur’aan markuu gobtii uu garay ayuu arkay subciskii inuu marayoo meluusan aqoon u laheen waa uu fakiray si uu subciskaas uga baxsado oo aan la ogaan una ceeboobin wuxuu fadhiistay goobtii, intaysan soo garin ayadihii  ayuu qoorta ka qabsaday  weel ay biyo ku jiraan oo wuxuu iska dhigay nin illaaq aaday wuxuuna hawdka ku jiray ilaa uu subciskii soo gaaro intuu yaqinay  wuxuu ku soo labtay gobtii wuxuuna ka qayb qaatay intii uu yaqiinay waxaa ogaaday nin gabyaa ahaa waxuuna ka tiriyay gabay wuxuuna yri

Wadaad kitaab gaablow ah , markii lagaaro ayaadka dhaadheer albaqra iyo anisaa ubaduu qoorta ka qabsadaa illaaqna mahaysee waa ayadaan haku dhaafto

Markii tixdii gabayga la maqlay ayaa la ogaaday wadaadka aqoontiisa.

Maanta shacabka somaaliyeed waxa uu soo gaaray waqtigii uu ogaanlahaa hogamiyayaasha dagaalka inay noqdaan ku amaal leh ama kuwa tariiq modow geliya  

Aqoonyahankana waxay ka tagantahay amxaaro hana dhaafto taladiisa wanaagsan in dalka lagu soo celiyo nidaam iyo kal danbeen cid ka dhagaysato mahaysto.

Amxaarana waxay ogaatay wadaniyada heerka aan ka taganahay oo waa na ka shiftay waxayna rabtaa inay u sheegto aduunka inay iyada sax santahay somaalida inay isdilaan is dhacaan wax nidamana aysan samaysan karin  isuna talinkarin in loo taliya mahine

Itobiya waxay rabtaa inay noogu soodhumato nidaamrada ay iyada nagu hogaamisay nidaamdarada  ay noogu soo dhumanaysana inaan wax ka badalno ma rabno  waxaan u sahlaynaa waxa ay rabto

Qaylo iyo  basuukayaal aan waxba tareen in lacag lagu bixiyo waa sahlan tahay inaan nidaam u samayno muqdisho waa nagu culustahay   cadawgana inuu geed gaban iyo geed dheer inuu  ufuulo danahiisa guracan waan u jeednaa .

Yaan ka sugaynaa inuu noo garnaqo hadaynaan isu garnaqeen .  

Hadaynaan is aamineen yaan aminaynaa

Hadaynaan wax wada qabsan karin yaan wax wada qabsankaraynaa

Hadaynaan wax isu ogoleen yaa wax noo ogolaankaro

Hadaan is quursanay yaa gobonimo noo ogolaankaro

Hadaan is cunay yaa nacafin kara  

Wabillahi tawfiiq

Cabdullahi Maxamed Nur

Wariye mudulood.com

email: abdullahi05@swissonline.ch

email: abdullahi05@hotmail.com 

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul