|
GUUXA
MUDULOOD QEYBTA 6AAD
Fiiro Gaar ah ; (wacbudhan+harti
abgaal+waceysle = ABGAAL )
waxaa iga caawiyay
qariiradan (qaab masawirkaan) maamulaha www.cadayga.com (mahamed hassan )
DACWADII
MUDULOOD
DAFIRAAD
BAY
KU DHAMAATAY
by: Jama
Hussein Hassan Jamamoobleen@aol.com
Dagaalada sokeeye ee ka dhacay dalka
soomaaliya, aad ayay udaba dheeraadeen, waxayna gaareen heer ay ujeedo iyo
micno beelaan. Dagaaladaas waxay dhaxal siiyeen dadka iyo dalka umada
soomaaliyeed dhibaatooyin aad iyo aad u fara badan, sidii looga kabsan lahaana
ay aad iyo aad u adag tahay, wadadii ama jidkii looga soo kabsan lahaa laguma
taagna.
Sida
caadada ah hadii ay musiibo ama dhibaato dhacdo, umad kasta waxaa kasoo
dhaxbaxo dad wanaaga u istaago, una run sheego kuwa tolkooda hogaaminaayo,
maxaase inoo diiday inay dad wanaagsan naga soo dhex baxaan? Mase jiraan dad
ku taagan wadadaas wanaaga ah?.
Hadaba
umada soomaaliyeed waxaa caado unoqotay meelkasta oo ay joogto in uu shaqsi
kastaba kuraaco qabiilkiisa ama jufadiisa kuwa utalinaayo rayi kasta oo ay
keenaan, hadii uu sax yahay iyo hadii uu qaldan yahay. Arinkaasna waxaa keenay
baa
oran
karaa qabiilkii oo noqday waxa ugu weyn ee umada soomaaliyeed ku dhaqanto.
Hadaba
mudadii aan ku dhex jiray qormooyinkii guuxa mudulood ayaa waxaa ii imaanaayay
emaillo badan, kuwaas oo inta badan aan orankaro waxay ka tarjumayeen, fikirka
dadka kala duwan oo dhamaan ku abtirsado beel weynta mudulood. Emailladaas
ayaa dhamaantood waxay qirayeen hab qeybsiga xubnaha beesha mudulood inuu
qalad ahaa, balse ay dafirayeen in xal looheli karo qaladkaas dhacay.
Hadaba
emailladaas ayaa badidooda waxay farta ku fiiqayeen dhowr shaqsi oo hogaanka
beesha abgaal hayo, waxayna kala yihiin imaamka, maxamed dheere, muuse
suudi, iyo cumar finish. Waxaan orankaraa arinkaasi waa run, hadana wax
maanicaayo ama diidaayo in loo run sheego ragaasi aan kor ku soo xusay iyo
wixii la mid ahna majiraan. Waxaana xusid mudan dhamaan emailladaas ii
imaanaayay in aysan soo ban dhigin sidii xal loogu heli lahaa arinkaas foosha
xun ee ka dhax dhacay mudulood dhexdiisa, waxayna dafiraayeen in xal loo heli
karo arinkaas, in yar oo ku andacooneysay in ay laheestayaal yihiim mooye.
Hadaba
dafiraada intaasi kuma ekaane, waxaa xiisada sii kor dhiyay
cali
maxamed geedi oo ah raiisul wasaaraha dowlada ku meelgaarka, oo aanan arinkaas
marnaba soo hadal qaadin, waxaana xusid mudan inuu
cali
tagay isaga iyo c/laahi yuusuf magaalo madaxda gobolka shabeelada dhexe jowhar,
halkaas oo ay dagan yihiin beelahii xubnahooda laga boobay, sida moobleen
iyo hiilibi.
Imaanshahaas
uu yimid
cali
jowhar ayay wax garadka beelahaas waxay filayeen inuu la kulmi doono, kuna soo
hadal qaadi doono dhibtaas loo geystay labadaasi beelood iyo waxa ay ka qaban
doonto dowladiisa, taasina maysan dhicin. Marka dacwadii mudulood dafiraad bay
ku dhamaatay sow mahahen.?
Hadaba
dafiraadan ama xaqiraadan ayaa waxay sii kordhinaysaa kala fogaanshaha beelaha
mudulood, waxayna micno tiraysaa
wada jirka iyo wada dhalashada beesha mudulood, magacaan oo ay beesha abgaal u
istinmaashay si ay ugu baabi,iso jiritaanka beelaha kale. maxaase
u xal ah dafiraadaasi lagu haayo labadaas beelood.
Hadaba
xaqiiqadu waxay tahay in ay aad u adag tahay xal u helida xaqiraadan, wadadii
looga bixi lahaana sheekadeeda lama haayo, waayo dadka ka masuulka ahaa wixii
ka dhacay nayroibi waxay isu heystaan in ay yihiin hogaamiyeyaal fiican, una
soo hooyay tolkooda guul, dhamaan taageero yaashooduna waa ay ku raacsan
yihiin sedbuursigaas
Qore;
Jama Hussein Hassan
jamamoobleen@aol.com
jamamob99@hotmail.com
|