Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

GUUXA MUDULOOD QEYBTA 6AAD

 

Fiiro Gaar ah ; (wacbudhan+harti abgaal+waceysle = ABGAAL )

waxaa iga caawiyay qariiradan (qaab masawirkaan) maamulaha  www.cadayga.com  (mahamed hassan )

DACWADII MUDULOOD DAFIRAAD BAY KU DHAMAATAY

by:  Jama Hussein Hassan Jamamoobleen@aol.com

Dagaalada sokeeye ee ka dhacay dalka soomaaliya, aad ayay udaba dheeraadeen, waxayna gaareen heer ay ujeedo iyo micno beelaan. Dagaaladaas waxay dhaxal siiyeen dadka iyo dalka umada soomaaliyeed dhibaatooyin aad iyo aad u fara badan, sidii looga kabsan lahaana ay aad iyo aad u adag tahay, wadadii ama jidkii looga soo kabsan lahaa laguma taagna.

Sida caadada ah hadii ay musiibo ama dhibaato dhacdo, umad kasta waxaa kasoo dhaxbaxo dad wanaaga u istaago, una run sheego kuwa tolkooda hogaaminaayo, maxaase inoo diiday inay dad wanaagsan naga soo dhex baxaan? Mase jiraan dad ku taagan wadadaas wanaaga ah?.

 

Hadaba umada soomaaliyeed waxaa caado unoqotay meelkasta oo ay joogto in uu shaqsi kastaba kuraaco qabiilkiisa ama jufadiisa kuwa utalinaayo rayi kasta oo ay keenaan, hadii uu sax yahay iyo hadii uu qaldan yahay. Arinkaasna waxaa keenay baa oran karaa qabiilkii oo noqday waxa ugu weyn ee umada soomaaliyeed ku dhaqanto.

 

Hadaba mudadii aan ku dhex jiray qormooyinkii guuxa mudulood ayaa waxaa ii imaanaayay emaillo badan, kuwaas oo inta badan aan orankaro waxay ka tarjumayeen, fikirka dadka kala duwan oo dhamaan ku abtirsado beel weynta mudulood. Emailladaas ayaa dhamaantood waxay qirayeen hab qeybsiga xubnaha beesha mudulood inuu qalad ahaa, balse ay dafirayeen in xal looheli karo qaladkaas dhacay.

 

Hadaba emailladaas ayaa badidooda waxay farta ku fiiqayeen dhowr shaqsi oo hogaanka beesha abgaal hayo, waxayna kala yihiin imaamka, maxamed dheere, muuse suudi, iyo cumar finish. Waxaan orankaraa arinkaasi waa run, hadana wax maanicaayo ama diidaayo in loo run sheego ragaasi aan kor ku soo xusay iyo wixii la mid ahna majiraan. Waxaana xusid mudan dhamaan emailladaas ii imaanaayay in aysan soo ban dhigin sidii xal loogu heli lahaa arinkaas foosha xun ee ka dhax dhacay mudulood dhexdiisa, waxayna dafiraayeen in xal loo heli karo arinkaas, in yar oo ku andacooneysay in ay laheestayaal yihiim mooye.

 

Hadaba dafiraada intaasi kuma ekaane, waxaa xiisada sii kor dhiyay cali maxamed geedi oo ah raiisul wasaaraha dowlada ku meelgaarka, oo aanan arinkaas marnaba soo hadal qaadin, waxaana xusid mudan inuu cali tagay isaga iyo c/laahi yuusuf magaalo madaxda gobolka shabeelada dhexe jowhar, halkaas oo ay dagan yihiin beelahii xubnahooda laga boobay, sida moobleen iyo hiilibi.

Imaanshahaas uu yimid cali jowhar ayay wax garadka beelahaas waxay filayeen inuu la kulmi doono, kuna soo hadal qaadi doono dhibtaas loo geystay labadaasi beelood iyo waxa ay ka qaban doonto dowladiisa, taasina maysan dhicin. Marka dacwadii mudulood dafiraad bay ku dhamaatay sow mahahen.?

 

Hadaba dafiraadan ama xaqiraadan ayaa waxay sii kordhinaysaa kala fogaanshaha beelaha mudulood,  waxayna micno tiraysaa wada jirka iyo wada dhalashada beesha mudulood, magacaan oo ay beesha abgaal u istinmaashay si ay ugu baabi,iso jiritaanka beelaha kale.  maxaase u xal ah dafiraadaasi lagu haayo labadaas beelood.

 

Hadaba xaqiiqadu waxay tahay in ay aad u adag tahay xal u helida xaqiraadan, wadadii looga bixi lahaana sheekadeeda lama haayo, waayo dadka ka masuulka ahaa wixii ka dhacay nayroibi waxay isu heystaan in ay yihiin hogaamiyeyaal fiican, una soo hooyay tolkooda guul, dhamaan taageero yaashooduna waa ay ku raacsan yihiin sedbuursigaas 

 

Qore; Jama Hussein Hassan

           jamamoobleen@aol.com

           jamamob99@hotmail.com

     

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul