|

Waa cusub
ayaa ku baryay xukuumadi lagu soo aloosay degmada Carta ee dalka jabuuti
laguna marin haaabiyay Somali weyn iyo adduun weynaha oo dhan iyada oo
dhismaheeda ay ka soo shaqeeyeen beesha Abduqaasim kuwooda aan ka xishoon
xaaraan quudashada,dilka,dhaca iyo boobka ummadda Soomaaliyeed iyo
tageerayaashooda kala dhaqana fal xumada iyo si xun u socodka,waxaana howshan
loo kaashtay madaxweynaha Dowladda jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyada oo
aqoolida dabinkan loo soo maray jileeca shacbiweynaha Soomaaliyeed oo ay ku
dheeraatay dowlad la’aan,nabad la’aan iyo xabad ay ku seexdaan kuna
soo toosaan.
DKM
howsheedi u horeysay waxaay ka bilowday sidi ay ugu baryi tagi lahayd adduun
weynaha inta aanan Soomaali iyo addunwenahaba kashifin ujeedooyinka guracan ee
kooxda hormoodka u ah DKM oo aan marnaba ku dhaqaaqin howshi Soomaaliweyn ka
sugaysay oo ay ugu horaysay dowladda oo saldhigeeda noqdo magaalada Baydhabo
inta xal looga helaayo nabad la’aanta ka taagan magaalada Muqdisho.iyo
dastruurki lagu heshiiyay oo lagu dhaqo dalka iyo dadka Soomaaliyeed .
Ma
rabo in aan ku dheeraado faala ka bixinta dibindaabyadi ay ku kaceen
Cabduqaasim iyo kooxdiisa mudadi ay jirtay DKM ilaa haddeer oo uu
gabaabsi yahay iftiinkeeda, ggaaska faynuustana kaga dhamaaday jidka xun
afkiisa hore, waxaana dad badan oo soomaaliyeed isweydiinayaan wararka ka soo
yeeerayo kooxdan oo u badan daliil hor leh in aynan marnaba mudnayn ku
aaminidi hogaanga Soomaaliyeed mar danbe mustaqbalka dhow iyo mid
dheerba,wararkaas oo uu ka mid yahay midki ka soo yeeray Maxamuud Afgooye oo
wasiir ka ah DKM oo sheeganayo si caddaana oo qaawan in ay beeshiisa ka tirsan
tahay dadka degan koofurta dalka isaga oo sabab uga dhigayo in Cabduqaasim uu
ku dhashay Degmada Marka sidaa darteedna ay la macna tahay in beesha
Habargidir oo idil ay ku dhalatay koofurta dalka taasoo naf ahaanteeda
meel ka dhac ku ah beeshaas oo leh deegaan balaaran oo loo yaqaan in ay degan
yhiin, waxaase taas ka daran Cabduqaasim oo xaaraan quudashada
oday ugu ah beeshiisa kuwa ay isaga darsantay samaanta iyo xumaanta oo eed
dusha kaga tuuray G.G.Banaadir,Duqa magaalada Mudisho iyo wasiirkiisi Arrimaha
gudaha oo iyaga sabab u ahaayeen soo bixidi dadweynihi faraha badnaa ee DKM ku
soo dhoweeyay Stadiya muqdishow isaga oo ku eedaynayo in ay dowladda kala
baxsadeen lacag fara badan sidaa darteedna uu ku beddalay rag kale oo isla
beelahooda ka soo jeedo isaga oo raggan cusub ka damacsan in ay fuliyaan
howshi ay ku fshilmeen raggan uu ku eedeeyay in ay la baxsadeen lacag
xukuunmada leedahay, haddaba waa su’aale lacagtan uu sheegay in la dhacay
yaa idmay in ay ka baxdo khasnada DKM ama bangiga oo uu madax ka yahay Dr
culusow oo ay xigta yihiin Cabduqaasim.jawaabta waa mid aad u sahlan oo waxaa
idmay Cabduqaasim isaga oo aan cidna kala tashan waayo lacagta raggan lagu
eedeeyay waxaa loo baxshay dadweynihi ay isugu keeneen istaadiyo muqdisho in
xaqooda lagu duudsiiyo iyo in Soomaaliweyn lagu marin habaabiyo ee marnana
looma bixin dan Soomaliyeed iyo in caasumada lagu qurxiyo toona.
Somaliweyn dhibka ku hab saday waxaa u aasaasa laba arrimood waxaana looga
bixi laba gala oo mid saddexaad wehliso.
1)Waxaa u
asaasa damac xumo qabiil oo ku salaysan xukun doon iyo dhul balaarsi.
2 )Waxaa
kale oo u asaasa shaqsiyeed u soo taagan marin habaabinta ummadda si ay uga
badbaadeen helitaanka xukuumad sinaan iyo caddaalad ku dhisan oo sabab u
noqoto in maxkamad lagu soo taago dembiyadi ay waddanka horay uga galeen.
1)Tan hore
waxaa looga bixi karaa odayaasha dhaqanka,aqoonyahaanka iyowaxgaradka beelaha
Soomaaliyeed oo qola waliba dadkeeda ku baraarujiso in ay gobalada ay ka soo
jeedaan maamul u samaystaan,kuwooda damaca xun ku jirana ugu yeeraan in ay ku
soo noqdaan gobalka dowrna ka qaataan dhisida maamul loo dhiso gobalka ay ka
soo jeedaan iyo iyaga oo intaa keddib ka shaqeeyo sidi loo heli lahaa gogol
xalaala oo Soomaali isugu timaado waddanka gudihiisa, faragelin shisheeyana ka
marantahay.
2)Tan
labaadna waxaa looga bixi karaa Soomaali weyn oo talada ilaaheey ula noqoto
iyo iyaga oo meel iska dhigo u kala qaybsanaanta danaha guracan ee
shaqsiyaadka hortaagan in Soomaali hesho dowlad quman ee xalaala.
Haddii ay xal la,aanta umuuraha soomaalida ku sii jirto is jiid jiid iyo Aniga
ayaa iri , SRRC ayaa wadada quman ku taagan iyo DKM ayaa ka saxsan ee ha la
taageero, talo faraha ayey ka bixi doontaa waxaana ay ku biya
shubanaysaa in isticmaar loo gacan galo(isticmaar alla ha naga
badbaadiyo, wadada toosana alla ha na waafajiyo,Amen).
Waxaa
saddexeeyo xal u helida ummadda Soomaaliyeed in la helo saraakiil horay uga
tirsanaan jiray ciidanka xooga dalka soomaaliyeed(kana madaxbanaan isku dhici
danaha damiirlaabayaashi waddankeena fadhiisiyay gogoshan xun) oo isu xilqaamo
in ay dhisaan xaraka cusub oo ay ku mideysan yihiin Soomaali weyn isla
markaasna ku dhaqaaqdo xoraynta dalka iyo in ay gacanta ku dhigaan awooda
dalka u sareyso si ay usoo celiyaan haybaddi ummadda Soomaaliyeed ee
lagu tuntay.08/01/2002
Abdalla
Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com.
|