Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Xal iyo Xaq waa isma huraan

Dhab ahaanti arrini waa is dhex qaaday,waxaana su’aal ka taagan tahay kumaa argagixisaa, kumaase u taagan danaha guud ee dadka iyo dalka Soomaaliya? Yaysa ka go’antahay xal u helida arrimaha isku miliqsan ee hortaagan Soomalida in ay ka baxdo dowlada tira dhaafay iyo rag la jiran wax xukun ee  u wada buko hogaaminta dalkan?

  Argagixisa waxaa ah ruux ama koox u taagan waxyeeleynta beni’adaamka guud ahaan ha ahaato dil xaq daraa, kufsi,boob iyo dhac aan loo aaba yeelin , qabsasho dhul dad kale leeyahay iyo ku tumashada xuquuqda dadki dhulka lahaa iyo boobida awood gobal ama dal leeyahay iyada oo aan loo soo marin wada tashi dhex maray dadka awoodaas ka dhexeeyso iyo arrima badan ee aan halkaan lagu soo koobi Karin.

  Waa arrin aad u adag in ruux ama koox keliya tiraa maanta ma jirto cid u taagan danaha guud ee dadka iyo dalka Soomaaliya haddana waa xaqiiqo jirto oo aan indhaha laga qarsan Karin in aan soomaali faraha ku hayn koox ama ruux banaanka la taagan ama ay dhab ka tahay xal u helida dhibaatada kala gaartay Soomaali weyn afartanki sano ee u dambeeysay. 

  Soomaali weyn waxaa ka go’an maanta in ay u istaagto xal u helida dhibaatada kala gaartay Soomaali meel walbo oo ay joogto, sida keliya ee xal lagu gaari karaana waa in la maraa wadada saxaa ,wadadaas oo ah mid ka duwan shirarki kol hore la isagu keenay qabqablayaasha dagaalka oo  keliya iyo shirki carta oo ay soo maleegeen koox dana gaara wadatay oo hal ku dhegooda ahaa “xaq looma baahno ee xal baa loo baahan yahay”.kol hadii xaq laga tagaana waa baadil iyo dulmi ha la qaato sidaana dad kuma heshiiyaan waayo asaas baadila ma cimriyo, hadaba waa in la helaa wadadi ruux walbo oo Soomaaliya xaqa uu tabanayo ku gaari lahaa wadadaas oo ah mid meel ku kulmi karto Soomali oo idil una fududeyn karto helitaanka dowlad loo dhanyahay .Waxaa lagama maarmaana si loo helo xal waaro in ay Soomaali ku dhaqaaqdo arrimahan soo socdo.

1)   kow oo ah Soomaalida nabada jecel oo baaq u soo jeedinayso Dr Cabduqaasim Salad madaxa kooxda Carte, laba alifle Xuseyn Caydiid, Cusmaan Caaato  iyo General M.Morgan iwm in ay ka tanaasulaan ku dheganaaashada iyo dagaalka macna daradaa oo ay ugu jiraan maamulka gobalo aynan xaq u lahayn maamulkooda iyaga oo adeegsanayo mooryaan hubeysan oo aan garan danaha guracan ee ragan ku haminayaan waayo hadii ay dalka Soomaaliyeed musiibo taalo inta ay la ekaataba culayskeeda waxaa u hormooda raggan aan kor ku soo xusay ee aan la ganban dhibaatada joogtadaa oo ay ku haayaan ummada Soomaaliyeed guud ahaan ,gaar ahaana dadweynaha ku nool koofurta dalka.

2)   haddii la waayo in ay aqbalaan baaqa aan u soo jeedinay     raggan aan ku soo xusay qeybta  hore ee hadalkan waa in Soomaali meel uga soo wada jeesato hogaamiyihi ama qabiilki ku taamayo ama hinganaayo maamulida gobal uunaan deegaan ahaan wax shaqaa ku lahayn ,haddii taa la waayana qabaa’ilki gobalkaas boobka lagu haysto deegaangooda yahay  waa in ay u dhqaaqaan sidi ay xoog ugu xoreyn lahaayeen gobalkooda sidi baydhababa looga soo xaaqay kooxda Caydiid ,Cusmaan caato iyo Cabduqaasim

3)    
Waxaa hubaala shacbiweynahaha gobalada la dul saaran yahay  in ay ka adkaan karaan shar wadayaaasha haddii ay u soo jeestaan xoraynta gobalkooda ,haddii gobaladaa la xoreeyana waa in gobal walba oo Soomaaliyeed dadka degan ay dhiisha guntigi isaga dhigaan sidi ay maamul ugu sameyn lahaayeen gobalka ay ka soo jeedaan,goballada maamul hore u sameystana waa in ay adkaayaan maamulkooda ,maamulka gobal kastaana asaaskiisa waa in uu yahay mid ku salaysan dastuur lagu tilmaamayo doonista dowlad Soomaaliyeed ee loo dhan yahay iyo xaqa dadka gobalka degan ay u leeyihiin in ay doortaan si toosa hogaamiyaha gobalka ,hogaamiyaha la dooranayana waa in uu ahaado mid ku dhashay gobalka kuna barbaaray.

4)   keddib hadii lagu guuleysto umuuraha aan kor ku soo           sheegay waxaa aad u sahlanaanayo in ummadda Soomaaliyeed gogol keliya wada fadhiisato una dhaqaaqdo sidi ay u sameysan lahaayeen  ciidan Soomaliyeed , is maamul goboleed ee hshiis lagu yahay iyo dowlad loo dhan yahay awoodeedana wada tashi iyo wanaag lagu qeybsado iyada oo aan laga tegeyn koox walbo oo Soomaaliyeed ee dooneyso in ay qayb ka qaadato qeybsashada maamulka awooda dalka .02/12/2001


          Abdallah Moallim Mahamud
moallem@lycos.com
moallem10@hotmail.com


Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul