Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Daash dugaal maahan

Soomaali dowlad u wada bugto,Saada wacan dooneyso,samaan iyo xumaan, dhibaatadan dheeraatay in ay salka dhulka u dhigto suubineyso, sanad ka hor safar carta u tagtay, silac iyo saxariirti loo maray in ay socatadeeda saxansaxo roob ka dilaacdo saadaalineyso,sow bukaan hor leh maaha, in roobki la sugaayay lasoo baxo Saada sisiqeyso oo sina u xishoon,silic dileynta sabool iyo saqiir midna aan kala saarin,halki sareen iyo bariis laga sugaayay in ay suuqa ku daadiso Soomaalina dherag sibaaxdo ayey lacag been abuura sicirkina cirka ku sintay suuqa la yimaadeen si jeebkooda u buuxsamo, haddana maanta waxaay isku haystaan adigaa badsada iyo maya hebel hunguribaa  sara kiciyay ee aan salka u dhigno, sirteenana aan asturna inti uu zamanka nagu simaayo .

   Hordhac keddib daal iyo dandarro,gaajo,dhac iyo boob aan dhamaan,dil aan meel loo dayin ,dad dadka cunaayo deegaankoodina dayacay, doodooduna tahay xaq u dirir iyo mujaahid baan nahay, daalimki baan dirnay, dowrkan annagaa leh, diidnay oo dagaal baan ka nahay deegaankiina taga ,haddii loo doortay daadihinti maandeeq waxaay ka keeneen dood dhexdooda ah wadaadka waa irhaabi iyo wiilkan da’da yar danta guud ma garan,sow dirir doqoneed maahan oo wiilki ku tagay iyo midkii daqar ka gaaray aan addunyo iyo akhiro loo meel dayin.
  

    Dad aan ogayn intaa daran intaa dilan intaa daawa u baahan, deegaankoodina daalim iyo duul kale dashiishe iyo qoriga dhuunta dheer ku  daaqaayo,  aarkoodana dilaayo doqonkoodana daynaayo ,Waayeelkodina dabin baa loo qoolay ,dabar baa lala helay Duqi hiraab baa tahay ,deegaankan adigaa ka maayara, duqi Mudishaa  tahay ,daakhilayana waa laguugu daray, daryeelka xeer ilaalinta adigaa leh ,dirici SRRC baa tahay, daryeelka dadkaadana dusha how dhigan,qalinka ku duug dikireeta walba doolar baana la socda ,dibnahana ha furin dadkana dhinac ka raac, dadkaas oo haddana dalka in uu dego dowlad helana doonaayo sow doqonimo iyo dayacnaan maaha daashka dowladda carte & SSRC dukaal ka doon .
  
   Dad dayacan duur galna ah ,debadahana la meeraysanayo dal baan nahay, duunyadoodina duul kale xaq dare ku darsanaayo, doodooduna tahay koofur ma deganno, dalkeenana waa nabad, daalim dowrkiisi xumaa dalka laga yaqaan uu daadihinaayo, sow dandarro,dayacnaan iyo dadkiina isa seega maahan.
  
   Dad dareenkooda wacan yahay, damiirkoodana kacay, diidnay keli taliye doodoodu tahay, haddana dib jir iyo  doqon aan garan danta gaar iyo tan guud, dadka soomaaliyeed kala siman, in
gobalkooda daawo loo helana doonaayo, wiilki bukaan socodka ahaa oo labada dacal haayo anigaa iri deegaankaygana waa Mudug, duulaan baan ahay dabka u garaarsanyahay, iyo doqonti muqdisho u dabayshatay, doolarkana halkaas uga soo diraysay dadkooda in ay kala dilaan, iayagoo doonayo daar wacan iyo dulmi horay u dilaacay, sow dagaal ,dandaro iyo tala dabayshatay maaha.
  
 Daryeel allaa leh dadka Bay iyo Bakool dego, duulaankey galaan, dad badan ku waayeen, mirihiisi laba doqon baa daawgiisi dacal mariyeen, midkoodbaa durbadiiba diktator noqday, dushana ka fuulay gaarigi daadihinyay kuwii tobanka sano nagu daaliyay dagaal aan dhmaan, deegaankooda iyo dalkana ka degi waayeen, Deerow baa ka daray oo dimoqaraadi baan ahay yiri, daar iigama dhisno muqdisho doodiisi dadban noqotay, dadkiisina u dayacay muqdisho oo aan dagaalkeeda dhamaan, dib jir iyo doqqonna ku doodayaan, anigaa daadihanaayo iyo anigeey deegaangeyga tahay,sow daryeel xumo,tixgelin la’aan  iyo hogaan dabayshada maaha.

   Dadka dooxada jubba dega xaqoodi waa la duudsiiyay, Deegaanka yaa leh ayaa dood la geliyay, taariikda qoran ayaa la duugay doodna laga keenay, dagaal iyo dirir aan dhamaan baa dusha laga saaray, dad aan deegaanka lahayn baa isku dilaayo dooxada waa dalkeygi afartanki sano ee u dambeysay iyo anigaa duulaan ku degay  ,dulli alla nama badee daalimiin baa isku haysto, sow arrintu darxume,dayacnaan iyo  cadaala darro deegaangan iyo dadkiisa la baday maahan.

    Hogaan wada daalima dadki iyo dalkana dayacay,dadweyne dagan oo dulli u sacab tumaaya,tujaar dilan dareenkoodina dhintay dad iyo dalna aan danaynayn iyo wadaad xume ku doodaayo xaqa yaan la doonin ee xal ha la doono,aqoonyahan debadaha dawarsanaayo iyo duqow dan mooday doolar jeebka loogu shubaayo intaanba iyo in ka daran dalkeeneey dul joogaan.

      Somaaliyeey is daba qabta,tala daalim,dib jir,damiir laaba iyo dagaal ooge diidnay dhaha oo doona dariiqa Dowlad wacan ,hogaamiya damiir leh ,cadaalad dilaacdo,deegaan is maamulo,dowlad loo dhan yahay, cabsi iyo gaajo na dayso, colaado sukeeyo oo dhamaato,dayrta iyo gu’a oo da’o,aqoonta oo la dugsado, qabiil xume oo la duugo,calanka oo dusheena ka lalmado lana daryeelo,dadka oo is darjeeyo oo intaba iyo in kale oo wacan lagu helo xumaanta oo ilaah looga towba keeno, rasuulkana(CSWS) samaan looga daydo dariiqiisana la maro iyo diinta islaamka oo la daryeelo laguna dhaqmo.18/10/2001

                        Abdalla Moallim Mahamud
                        Moallem@lycos.com


Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul