Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Dhuuni raac iyo dhagar qabe is eedeynaayo

Bal nala arka riwaayada cusub ee Muqdisho ka bilaabatay ,kooxda wax mateleyso waa kooxdi Carte ee isu qeybisay Hawiye iyo Soomali inteeda kale ,shir mudda u socday keddib Somaali inteeda kale waxaay dhabarka eedeyn kaga tureen Kooxda Hawiya ee kooxdan la soo abaabulay dhismihi DKM ee ka soo baxay shirki Soomaali weyn loogu qabtay Degmada Carta ee Dalka Jabuuti waa sida ay u dhigeen saxaafadda inteeda badan waxaayna weydiisteen in Hawiye ka soo jawaabo su’aalo badan oo ku gaadaaman sidi nabad loogu soo dabaali lahaa Caasumadda Soomaaliyeed(Muqdisho) haddii taa la waayana sidi ummadda Soomaaliyeed u doonan lahayd goob nabadeed ee ku haboon in laga taago Caasumadda Dalka Soomaaliya mar kale..

Waa su’aale isku soo wada duub wixi dowr ka qaatay Shirki Carta Hawiye ha ahaadeen ama Soomaalida inteeda kale tolow ma kadhab baa in ay doonayaan xal u helida Dhibaatada kala gaartay Soomaali weyn iyo dhibaaatooyinka ka dhacay dalka Soomaaliya guud ahaan mise waa dad uun u maqan buuxinta calooshooda mise marinka ayey ka habaabeen oo iyagaaba toosin u baahan ,waa su’aal kalee ,markaan dhinaca kale u dhignana tolow kooxda SRRC iyaga maxaay kaga duwan yihiin kooxdan.

Waxaan u dhigaynaa sidi ay isu qeybiyeen Soomaali inteeda kale iyo Hawiye oo isaga ku eedeysan in uu ka soo bixi waayay balamadi shirki Carta uu ku qaaday haba ugu darnaatee in ay beelaha haysto dhul aynan deegaan ahaan ka soo jeedin ka baxaan iyo in ay caasumadi Soomaaliyeed diyaar u yihiin in Soomaali weyn kuwada shaqeyso dadkana u sinaato nabadna ay ku soo dabaalaan..waxaan ku hormarayaa hawiyaha Carta ee shirki Carta la tegay in ay Soomali nabad u wadaan iyagga oo aan meel isla dhigin nabad la’aanti ka jirtay Magaalada Muqdisho, iyaga oo aan nabad dhax dhigin kooxaha isaga soo horjedo Magaalada Muqdisho una sameyn hogaan lagu mideysan yahay ,iyaga oo aan tilmaan cad ka bixin yaa xaq u leh maamulka magaalada Muqdisho iyo magacaabidiisa, iyaga oo aan ka saarin ama balan ka qabin iyo aaladi lagu fulin lahaa balankaas in ay ka baxayaan jufada madaxweynaha kooxda Carta koofurta dalka Soomaaliye iyo xarumaha dowlada ee magaalada Muqdisha, haddaba sidaay u garteen waa Hawiyaha Cartee in ay Soomaali weyn ugu yeeraan Magaalada Muqdisho oo ah goob dagaal hub waaweyna la isugu heysto,jawaabta waxaay u muuqataa xaqiiqadana tahay in aynan doonayn xal u helida ummadda Soomaaliyeed waa kooxdana waayo waxaay garoomada Muqdisho ka duuleen kooxdaas Hawiye ee shirki Carta ka qeyb gashay iyaga oo aan arrin keliye hashiis ku ahayn magaalada Muqdishana waxaay ka soo baxeen iyadda oo uu weli shidan yahay dabki General Caydiid ka shiday marki laga adkaaday rejiimki Siyaad 1990 ,waxaa kale oo hubaala marki laga reebo in yar oo la marin habaabiyay in kooxdan inteeda badan tahay dhuuni raac iyo qaran diid kol hadii aan lagu shaqeynayn wixi iyaga u muuqda , isla markaasna aan loo daynaynin dhulki,beerihi ,guryihi dadweynaha soomaaliyeed iyo guryihi dowladaba Oo ay ku qaateen dhac,dil iyo burcadnimo, welina ay ku haystaan..

Aan u noqono Soomaalida carte marki laga reebo Hawiyaha Carte oo aan meel isla dhignay weji xumada uu taagan yahay, Soomalida carte oo ku doodeyso in uunan Hawiyaha Carte ka soo bixin balamadi uu qaaday ma rabo in aan ku dheeraado faala ka bixintooda ilayn intooda badan ma dhaafsiisno danaystayaal calooshooda u maqan waayo iyaga maanta maba awoodaan in ay ku noqdaan goballada ay ku doodayaan in ay matalaan ama ay ka soo jeedaan ,markaan hoos dhignana qaarkood waxaay dowr weyn ka qaateen xasilooni darrada ku soo kaorortay dadka iyo goballada ay ka soo jeedaan riwayadi ay kala yimaadeen shirki Carte keddib . Kooxdan iyagana waxaay Hawiya kala mid yihiin in aynan ku dadaalin xal u helida arrimaha hoose ee goballada ay ka soo jeedaan inta aan loo gudbin doonida qaran Soomaaliyeed oo ka fog in lagu dhiso beer laxawsi iyo been ku qaraabasho amaba boob iyo burcadnimo.

SRRC iyada waa buda gaar u tuman, umana baahna ka faaleyn marki laga reebo in yar oo aan weli ka qeyb gelin shirarki horay loogu qabtay Soomaali weyn shirki Carte ka hor iyo shirki Cartaba oo geddigoodba ku dhamaaday aniga haddii aan lay maqlayn yey waxba hagaagin iyo fashilaad qaawan. Soomali weyn wey yaqaaniin SRRC ,waana ka dharagsan yihiin dhaqan xumidooda iyo maanta waxa mideeyo in ay tahay oo keliya la dagaalanka kooxda Carte oo iyaga ka xeel badiyay lana yimid DKM oo ay ku qraabtaan inta ay ummadda ka garaneyso in jidki toosna laga weeciyay loona noqday dib u dhisida in qabiil keliya gacanta ku dhigo iliha dhaqaalaha ee wadanka kuna amar ku taagleeyo Soomaali inteeda kale. SRRC ma qaba in ay ka duwan yihiin kooxda Carta kol haddii ay kala mid yihiin doonista qaran soomaaliyeed oo aan horta loo soo marin nabad u raadinta goballada iyo heshiisiinta dadka ay matalaan hoogaamiyayaasha ku bahoobay kooxdan.

Haddaba haddii aan Soomaali nahay waxaa naga go’an sidi dalkeena nabad loogu soo dabaali lahaa aniga oo ka baqayo in ay maanta aad u yar tahay fursada helitaanka hogaamiya u heelan howshan iyo u istaagida dib u soo dhisida Qaranki Soomaaliyeed iyo dib u heshiisiinta ummada Soomaliyeed.

Helitaanka qaran Soomaaliyeed waxaa ka horeeyo in ay Soomaali weyn meel iska dhigto doonida qaran guud iyada oo aan gobal walba xal iyo daawa u helin boogta dadkiisa iyo gobalkiisa hoos taal, Soomaali waa in ay run isu sheegtaa iskana qabataa kuwa rabo in ay ku beer laxawsadaan waxaan nahay Qaran doon reeraha ay ka soo jeedaana boob iyo xoog ku haystaan deegaano iyo beero dad Soomaaliyeed leeyahiin, taana ay u dheertahay in aynan u maqanayn dadka ay ku doodayaan in ay matalaan oo weli ku nool goballada ay ka soo jeedaan ama ay ka soo habaabeen iyaga iyo mooeryaantooda .10/07/2002

Abdalla Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
Moallem@lycos.com


Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul