|
Waa
mar kale oo si gaara iyo si toosaba Xooga dalka soomaliyed meel ka dhac loo
geystay ,sumcadoodina lagu tuntay iyada oo loo aaba yeelin howsha kaga aadan
wax u qabashada dadkooda iyo difaaca dalkooda,waa mar kale oo saraakiil Xooga
dalka soomaaliyeed ka tirsanaan jiray loo adeegsaday in ay u adeegaan qabiil
doonayo in uu gacanta ku dhigo ilaha awooda dalka Soomaaliya taasoo ah mid
muujinayso in qabiilkaas fikirkooda gaaban ku salaysanyahay gees cariira ah.
Keeddib marki
Soomaali weyn la tabaalowday fasaad maamulka dalka oo dhan saameysay ,doorashooyin
ku salaysan qabiil iyo shaqsiyaad danahooda ka hormariya danaha guud ayaa
xooga dalka Soomaaliyeed 1969 oct 21keedi wuxuu gacanta ku dhigay awooda ugu
sareyso ee dalkeena, xabsiyadana u taxaabay raggi maamulka sare u haayay
xukuumadihi dalka ka talinayay 1960 ilaa 1969,waxaana inqalaabkaas si raynrayn
iyo farxad ku jirto u soo dhaweeyay shacbi weynaha Soomaaliyeed .
Nasiib
darase waxaay ahayd Marki Maxamed Siyaad Bare oo hagaaminayay kooxdi
inqalaabki sameysay uu marin habaabiyay ujeedooyinkii wacnaa ee saraakiisha
hormoodka u ahaa inqalaabkaas ,Maxamed Siyaad qabsashadiisi xukunka laba sano
keddib wuxuu dil toogashaa ku xukumay saraakisha keliya oo uu ku tuhmayay in
ay ka hor imaankaraan hamigiisi ku salaysnaa qeybi ee xukun,qabiilkaadana ku
xooji ilaha laga maamulo awooda dadka iyo dalka ee Soomaliya.
Kow iyo labaatan sano marki ay Soomaaliweyn ku hoos jireen maamul diktatooriya
fasaadana hoygiisa tahay qabiilkana harkiisa yahay ayaa shacab weynaha
soomaaliyeed wuxuu ku gadooday in uu heeryada saaran iska tuuro taasoo ku
dhamaatay Maxmed Siyaad oo qaba joog dhara oo ku keliya in uu ku geeriyoodo
dalka Naygeeriya.
Waa gud ka
guur ee qanjo u guur ,gadoodki dadwenahana waxaa marin habeebiyay Genaral kale
oo kaaba qabiila Woqooyiga Muqdishana kala soo galay qeyla dhaan ah Darood ha
la eryo waa haraygii ina Siyaad ,waa su’aale goormaa ina Siyaad darood u
raxmaday, muxuusa u qabtay ,maxayse kaga duwan yihiin baab’a soo gaaray
ummadda soomaaliyeed inti ina Siyaad joogay iyo haddii uu tagayba? Jawaabta
waxaa iska leh dadwenaha Soomaaliyeed iyo samanka oo horay uga jawaabay.
Yaana
hadalka ila talax tegin Genaraal Caydiid wuxuu abuuray dagaal sokeeye ee lagu
hoobtay isagana uu ka mid ahaa kuwi ku naf waayay, waxaase cadaatay usbuuci na
dhaafay in loo tagay qanjihi loo guuray keddib Safiirka Maraykanka u fadhiyo
dalka Kenya markuu Dr Cabduqaasim amar ku siiyay in uu baab’iyo wax loogu
yeeray maxaakimka islaamiga ee ka jira koofurta dalka soomaliya ee gacan
saarka la leh madaxda tandiimka Al Qaacida, fulinta amarkaas awgiis Dr
Cabduqaasim Salad Xasan iyo General Maxmed.N.Galaal ayaa maanta waxaay
doonayaan in ay mar kale noo meeriyaan ama noo nakhtiimiyaan riwaayadi ahayd
garoonka kubadda cagta ee magaalada hargeyso waxaa ku dheelayo ciyaaryahanka
gobalka togdheer iyo woqooyi galbeed iyada oo magaalada hargeyso lagu
garaacayo diyaaradihi ay dadkaas canshuurtooda wax ka bixiyeen, tani waxaay la
mid tahay oo maanta taagan mooryaanta Cayr ee ku abtirsato maxkamad lagu
sheego inay Islaami tahay Islaana aan shaqo ku lahayn xoogna ku haysto
gobalada koofureed ee dalka Soomaaliya ayaa xooga dalka Soomaliyeed kala
wareegay howshi halkaa ay ka haayeen keddib marki ay teknikadoodi iyo
ciidamadoodi ku wareejiyeen DKM iyada oo aan dhiig ku daadan.
Beenta
iyo dhagarta,barlamaan scaba tumayo,barakicinta dadka,boobka iyo
dhaca,hangashta ilaalineysa,sicir barar ,lacag been abuuro iyo madaxda carabta
oo loo nacamleeyo waa kala mid maclinkiisi, wuxuusa dheer yahay mooryaan dadka
boobeyso,qabiil kaliyana ku abtirsato oo loo labisay dareeski xooga dalka
Soomaaliyeed taasoo meel ka dhac weyn ku ah magaca iyo heybadi ay
xambaarsanaayeen Xooga dalka Soomaaliyeed oo aan maanta gacan ku jirin iyo
dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan, waxaa kale oo uu kaga duwan yahay qaabki
loo ilaalinaayay barlamaanka maalinti loo cod qaadayay ridida Saaxibkiis Cali
.KH. Galayr oo ay kasoo wada baxeen dugsi keliya,maalintaas waxaa dusha
geedaha iskoola boliisiya la saaray mooryaan lagu tilmaamay in ay yihiin
ciidamada DKM, jawaanka qaadkaana kaga qiima badan yahay ruuxa uu leeyahay
xubin barlamaan si ay u cabsi geliyaan xubinti barlamaan ee ku qanci weyso
kisti xalay jeebka loo soo geliyay iyo jiifka la siiyo in ay ku cod bixiso.
Haddaba
waxaa is weydiin mudan somaali gormee ayey ka baxayaan gacanta qabqablayaal
dagaal iyo ardaydi ina siyaad oo iyaga fal xun iyo dhaqan rogba ka badiyeen
macilnkoodi? goor mayse dib u dhisayaan xooga dalka soomaaliyeed oo ay ku
mideysan yihiin soomaali oo dhan?.
Waxaa
keliya ee looga bixi karo dhibaatadan taagan waa iyada oo gobal walbo dadka
degan usoo jeesataan maamulida gobalkooda kana gadoodaan dad dul saara, xoogna
ku joogo gobalkooda taasoo abuureyso in la helo gogol xalaala ee la iskugu
yimaado laguna qeybsado ilaha awooda maamulka guud ee dalka Soomaaliya ,laguna
soo dhiso ciidan soomaaliyeed ee lagu mideysan yahay. xalkan aan kor ku xusay
ma’ahan macnihiisa in aan dadka caraadinayo kuna jihaynayo dagaal sukeeyo ee
waxaa weeya taariikhda oo na bartay wixi xoog lagu qaato in aynan wada xaajood
ku soo noqon inta uu daciif ama dhegweyn yahay dhinaca la boobay.08/11/2001
Abdalla
Moallim Mahamud
Moallem@lycos.com
Moallem10@hotmail.com
|