|
Hay’ada
qarmada midoobay,hay’daha madaxa banaan ee ilaalinta xaqa ruux kasto oo
insaana leeyahay,iyo dhamaan dadka jecel in lagu wada noolaado nabad waxaan ka
codsanaynaa in ay naga kaalmeeyaan sidi loo baari lahaa gacantana loogu soo
dhigi lahaa cidi fal denbiya meelna kaga dhacayo xaqa beni’aadamka ka
geystay dalka Soomaaliya sidi dalka ruwanda ka dhacdayba ,maxkamadna la hor
keeno ha ahaado hogaamiya,maleeshiyo,caskari iyo madani oo lagu eedanayo
in uu danbi ka galay xaqa dadweynaha Soomaaliyeed.
Waxaa usbuuci na dhaafay magaalada muqdisho garoomadeeda faraha
badan mid ka mid ah ka soo degay nin lagu tilmaamay in uu
yahay baare madax banaan ee xagga daryeelka beni’aadamka ku takhusasay isla
markaasna la shaqeeyo hay’ada qaramada midoobay lana yiraa Dr gaanim al
najra, arrintan waxaay dadka indha indheeyo arrimaha soomaalida ku tilmaameen
in ay hormood u noqon karto in gacanta lagu dhigo mustaqbalka dhow dhamaan
wixi ku kacay fal wax yeeleeyay basharka ku dhaqan waddanka soomaaliya
gudihiisa muddadi kala dambayn la’aanta ka jirtay dalka oo idil,
eedeysanayaasha oo maanta xor ah dalka Soomaaliyana meel walbo si nabada
ugu nool iyaga oo garaarsan qori welina gacanta kula jiro denbiyadi ay hore u
geysteen oo kale, DR al najra wuxuu la kulmay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha
soomaaliyeed ee dhibta maanta taagan wadddankeena geystay, raggaas uu la
kulmay waxaa ka mid ahaa Dr Cabduqaasim oo ah madaxa kooxda Carte,Cusmaan
caato oo ah Madaxa kooxda USC/SNA iyo Muuse suudi yalaxow oo ah
hogaamiyaha dadka ugu tirada badan magaalada muqdisho agagaarkeeda.
Dr
al najra wuxuu Cabduqaasim kala kulmay arrin aan ku habooneyn in uu yiraa
nin ku doodayo in uu yahay madaxa dalka Soomaaliya oo idil oo xaalada
waddankeena sida ay ku sugan tahay dadka Soomaaliyeed iyo adduun weynahaba ka
warqabaan ilayn ma jirto dalkan cid madax ka ah ama tala ku leh meel walbo oo
dalka ka tirsan, Dr Abduqaasim marki la weydiiyay maxaay kula tahay in la
baaro denbiyadi waddankan ka dhacay wuxuu ku jawaabay waa arrin u taalo
dadka soomaaliyeed oo iyada ah jawaab demoqaraadiya marka aad ka eegto dhinaca
demoqaraadiyada laakin dadka u guur galo arrimaha soomaalida jawaabtan waxaay
ku tilmaameen arrin ka fog dimoqaraadiyad iyo tix gelinta codka shacabka
waayo iyada oo dalka dadka denbiyada ka galay ay badan yihiin ayey haddana
xaqiiqa tahay in jufadda cabduqaasim ay iyaga ugu badan yihiin amaba gaarayaan
85% dadka galay falalka xun ee loo geystay dadweynaha soomaaliyeed gaar ahaan
dadka ku nool koofurta dalka Soomaaliya sidaa darteedna Dr Cabduqaasim oo
isaga naf’ahaatiisa la soo shaqeeyay xukuumad diktatooriya, shaqada inta uu
ku jirayna ay falal denbiyaa ka dhaceen hay’adahi uu mas’uulka ka ahaa
ayaa ka gaabsaday in uu ku dhiiri geliyo kooxdan ku dhaqaaqida arrintan ay u
yimaadeen taasoo muujineyso laba arrimood oo kala ah in Cabdiqaasim uu runta
ka baqay sababtana ay tahay in uu naftiisa u baqay maadaamo uu ka soo jeedo
dad ay ku yaraatay raxmada caadeystana in ay ku noolaadaan boob ,dhac iyo dil
waxshnimaa, tan kalana waxaay tahay in uunan raali ka ahayn baarida jufadiisa
maadaama ay iyaga maal geliyeen shirki carte magacaan uu xambaarsanyahayna
ay sabab u yihiin.
Dr Al najra waxaa kale oo uu la kulmay Muuse suudi yalaxow oo isaga sheegay in
uu yahay dhibane si buuxdana u ogalaaday in la baaro denbiyadi waddanka
ka dhacay oo idil. Al jabra waxaa kale oo uu la kulmay Cusman xasan (caato
) oo isaga si toosa ugu gacan sayray in arrintaas la soo hadal qaado waqtigan
isla markaasna arrintan ku tilmaamay in ay tahay mid dab kale ka sii shideyso
dalkeena..
Dadka
soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan halkan uga soo jeedinayaa in ay
aqbalaan in dib loo baaro ciddi mas’uuliyadadeeda iska lahayd dhibaatooyinki
iyo denbiyadi waddanka ka dhacay kow iyo soddonki sano ee u dambeysay.midda
kale waxaay tani ifineysaa haddii la helo cidda mas’uul ka ahayd falalki
argagixiska ahaa ee waddanka ka dhacay muddadaas in la helo yaa ku haboon
qaadida mas’uuliyada waddankeena waxaa kale oo ay naga kaalmeyneysaa in
hogaamiya kasto ku talo galo in lays xissabinaayo gooray ahaataba sidaa
darteed uu ka digtoonaado in ku shaqeeyo wixi waxyeelaynayo ilaalinta ama
daryeelka dadweynaha Soomaaliyeed ee hogaaanka u dhiibtay. 06/09/2001
Abdallah
Moallim Mahamud
Moallem@lycos.com
|