|
    
"The First Commander of Somali
Army"
General Daud Abdulle Hirsi
|
| |
Gen.Daud Abdulle Hirsi
| |
|
|
“The Father of Somalia's Army”
“A Somali National Hero”.
“Il Primo Commandante dell’Esercito Somalo”.
“Taliyihi ugu horeeyay ee Ciidamada Xooga Dalka
Soomaaliyeed”
What they say about
him:
…….He was
the right person in the right position. He was a Just and Honest…..
…….If there
is any award for Somaliness, He will be the first Candidate………
…….We can
say he was a Mudulood, but He was a real SOMALI
…….He was
the extra man in the Somali Military………
…….General
Daud was a “Somali National Hero”………
…….He was “The People’s
Choice”………
Upon
hearing the news about the death of General Daud, General Mohamed Siyad Barre
said:
“Midowga Sofiyeeti waxaa ka dhintay Saxiibkooda
Koowaad”
“Ummadda
Soomaaliyeed waxaa ka dhintay Wiil Baari ah”
“Xooga Dalka
Soomaaliyeed waxaa ka dhintay Aabohooda”
Saraakiishi
ugu horeysay ee dalka Soomaaliya
Waxaa sawirkaan ka muuqda (inta la gartay) : kor bidix ......Gen. Siyaad
Barre.....safka labaad ......Gen. Xuseen Kulmiye........fadhi bidix .....Gen.
Liiqliiqato, Sheegow, Gen. Daud........
General Daud : “Allah ha u Naxariisto, Janna Fardowsa Allaha ka
waraabiyo.
Aamiin.”
Jen. Daa'uud wuxuu ku dhashay
tuulada Mareeg ee ka tirsan degmada Ceel-dheer san-adkii 1924-kii wuxuuna ka
dhashay qoys ku xeel dheer diinta Islaamka, markii uu dhashayna re-erkiisu aad
ayay ugu far-xeen, xoolo badan oo lo-ogu waqlayay qaar bad-anna loogu
duceeynayay ayaa la qalay.
Jeneralku wuxuu ku soo dhex koray laba waalid oo aad u jecel oo si aad iyo aad
ah u kool koolin jiray isla markaasna ku dhex jira bey'ad aad u deggan.
Wuxuu u dhaxayn jiray intuu yaraa baadiyaha iyo tuu-ladaas uu degganaa, waxa-ana
ka soo muuq-day yaraantiisii inuu jecel yahay oradka, dabaasha, farad koridda
iyo baac-sashada ugaadha sida co-wsha iyo deerada, galbi-hiina wuxuu u soo noqon
jiray gurigiisa isagoo aad iyo aad u daa-lan.
Markii uu soo barbaaray Daa'uud C/dule Xirsi ab-bihii ayaa geeyay dugsi qur'aan
oo uu macallin ka ahaa Sheekh lagu ma-gaacabayay Macallin Ca-li, kaasoo ka
tirsanaa cu-lumaa'udiinka ugu cans-an nawaaxigaas.
Daa'uud C/dule Xirsi wu-xuu subax kasta raaci jiray carruur ay isku da'-yihiin
ilaa uu qur'aankii ugu xi-fdiyo hor u jeed ahaan kaddibna ilaa sad-dex jeer uu
qur'ankii dha-mmeeyo, dugsigiina uu kabiir ka noqdo, Maca-llinkiisiina ugu noqdo
gacantiisii midig, intaas waxaa u garab socday ba-rashada culuunta diiniga ah,
wuxuuna iska xaadirin jiray masaajid ku dhowaa degmadaasi, kaddibna wuxuu ugu
sii talaabay degmada B/Burde halkaa-soo uu ka helay shaqo fudud gaar ahaan
xafiiska guddoomiyihii degmada ee Talyaaniga ahaa hal-kaasna ka shaqeynay-ay
ilaa iyo muddo. Markii Talyaaniga ku
duulay Abissinia (Ethiopia) ayuu dhowr goor u kicitamay dhulkaas Soomaalida
Galbeed meeshaas ayuu Allaha qadiriyay in uu kula kulmo gabadhii eey isguursan
lahaayeen, meeshaas ayuu ku guursaday ka dibna reerkiisa ka soo kaxeeyay uu
keenay dalka Somalia magaalada Gaalkacyo, isla
magaaladaasna ugu dhasha wiilkii curradkiisa loona bixiyay Ismaaciil. Ilaa iyo
muddo ayuu u dhaxeeyay Buulo Burte iyo Gaalkacyo asagoo shaqadiisa wato. Markuu
gaaray darajadii Isbitoore ayaa loo badalay magaalada Muqdisho.
1954-kii ayuu ku soo laa-btay
Dalka, wuxuuna ku shaqeynayay sarkaalnimo dhinaca Booliiska kaddib-na wuxuu ka
qeyb galay diyarintii ciidammadii xo-ogga Dalka Soomaaliyeed ilaa uu ka qaato
darajada Jereralnimo.
Ilaa uu ka geeriyoodo wuxuu noloshiisii siiyay dhismaha iyo horumarinta xoogga
Dalka Soomaal-iyeed, heerka uu gaarsi-iyayna sida ay qabaan sarakiisha
Soomaaliyeed ma jirin shakhsi gaarsii-yay.
Jen. Daa'uud wuxuu ahaa nin ALLE ka cabsi bad-an, isagoon hal jalaad oo qur'aan
ah dhammeyn weligiis ma shaqo tagi jirin, ciidanka uu mad-axda u yahayna meel
ka-sta ha ku sugnaadee waa uu u caddaalad fali jiray, wuuna u nuglan jiray,
ta-asna ayay ahayd arrinta keentay in ciidanka Soo-maaliyeed meel kasta oo ay
jo-ogaan inay ka samri waayaan ay xusuusnaad-aan ilaa haatan.
Allaha u naxariistee Jen. Daa'uud wuxuu ku gee-riyooday sanadkii 1965-tii
magaalada Mooska ee dalka Ruushka iy-adoo Soomaalidoo dhan u barooratay.
NB: We apologize to all our
readers of not being able to represent to you the full heroic history of the
popular Somali general for the reasons of lack of reliable information. Saying
that, we are still excepting every information and help from the readers. We
really appreciate. Thank you.

|