|
C/qaadir sanka ayey dadka reer Muqdisho ku tilmaameen xilligan heesaaga
loogu jecel yahay xafladaha, aroosyada iyo bandhig faneedyada lagu qabto
Hotelada waaweyn ee Muqdisho, wuxuuna C/qaadir sanka uu sheegay in
qiimeyntaasi uu ka kasbaday shacabka ay tahay mid uu ku xajistay
mihnadiisa fanla oo uusan ku dheelin isaga oo xusay in uu mar kasta
qiimeeyo kooxdiisii fanka ee Iftin walina mgacaasi uu ku daadihiyo dhinaca
fanka wuxuuna sheegay fannaanka Muqtaar Ramadaan Iidi oo degan degmada
Waaberi soona maray kooxdii Durdur ee xilligaan ay iskala tirsan yihiin
kooxda fanka ee Iftin.
C/qaadir sanka oo ku luqeeya heeso dabacsan oo fara badan iyo kuwo
wadani ah ayaa ahaa mid ka mid ah heesaayaashii ugu cad cadaa kooxdii
Iftin waxaana garbihiisa buuxin jiray heesaayaashii ay ka midka ahaayeen
Bashiir Cali Xuseen, Khaliif Cismaan Cabdi (Sayid khaliifa), Maryan Cali
Muudeey, Max’ed Cabdi Sh. Carab, Farxiyo Cali Sheekh, Caddey Cali Axmed
iyo Luul Cabdi Sheekh oo hadda ka joogta heesaayaashaasi kooxdii Iftin ee
ay C/qaadir sanka isla soo qaateen waayihii Iftin xilligii bariisamaadkii.
C/qaadir sanka riwaayadaha uu ka qeybgalay waa kuwo aad u fara badan oo
aan lagu soo koobi karin waxaase laga xusi karaa Amakaag jaceyl, labo
dhaqan kala dheer iyo kuwo kale.
“Caddey Cali Axmed, Farxiyo Cali Sheekh iyo Luul Cabdi Sheekh ayaa ka
mid ahaa gabdhihii Iftin ee heesaha dabacsan aan wada darandoorin jirnay”
ayuu yiri C/qaadir Sheekh Cali Sanka oo ku tilmaamay gabdhahaasi kuwo cod
macaanaa oo soo maray kooxdii Iftin.
Fannaanku shirkii Carta ee la qabtay sanadkii 2000 wuxuu ka mid ahaa
heesaayaashii ugu caansanaa ee isugu tegay halkaasi isaga oo heestii caan
baxday ee magaceedu ahaa “Safar baa la tegayaa” ka qaaday shirweynihii
Carta ee ka dhacay dalka Jabuuti iyo heeso kale oo uu la qaadayey
fannaaniintii ka qeyb gashay shirkaasi.
Waxaa diyaariyay: Axmed Max’ed Cabdulle (Uur Doox).
Dayniile.com
23 - 01 - 2005 - Tacsi
C/qaadir
Sheekh Cali (Sanka ) oo Xalay ku geeriyooday
Magaalada Muqdisho
Allaha u Naxariistee Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku
geeriyooday Fannaanka caanka ah ee ka tirsanaan jiray kooxdii Iftiin ee
wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta xilligii hore C/qaadir Sheekh
Cali (Sanka) kadib markii sida la sheegay wadnaha Istaageen xilligii dambe
ee xalay.
Dhamaan bahda Midnimo meel kasta ay joogaan waxay tacsi
u dirayaa Eheladii, Qarabadii iyo Caruurtii uu ka tagay maraxuumka, waxay
kaloo tacsi u dirayaa dhamaan Ummada Soomaliyeed gaar ahaan inta fanka
xiiseyso waxaanu leenahay samir iyo IImaan Illaah ha naga siiyo
marxuumkana Janadii fardowsa Illaah ha ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin........
Marxuum C/qaadir Sanka ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadkii
ka qeyb qaatay shirkii dib u heshiisinta soomaaliyeed ee lagu qabtay 2000
Magaalada Carte ee dalka Jabuuti, isagoo uga qeyb qaatay dhanka Fanka sida
heestii :Safar baa la tagaya iyo socodka dheero soo noqod lahayno ina wada
sugaaye”
C/qaadir Sanka waxaa uu ka mid ahaa fanaaniinta 14 sano
marqaatida ka ahaa waxyaabaha ka dhacayay dalka, marka laga reebo socdaalo
uu ku tagay dalka Sacuudiga iyo Jabuuti, waxaa uu Ifka ugu tagay hal Xaas
iyo 2 Carruur.
Sanka waxaa uu ka mid ahaa dadka magic ku leh guud
ahaan soomaaliya gaar ahaan magaalada tan muqdisho, waxaa uu ka deganaa
Xaafadda Kaaraan, halkaas oo uu kula noolaa hooyadiisa iyo xaaskiisa.
Inta badan aroosyada laga dhigo magaalada muqdisho ayaa
heesaha laga qaadayo waxaa horumuud u ahaa Fanka, waxaa uu magaalada
muqdisho ku lahaa dad badan oo isaga taageersan.
Wararkii ugu dambeeyay dhanka geerada Fanaanka ayaa
sheegaya in maanta lagu aasi doona deegaanka Afgooye, iyadoo dad badan
maanta hor dhoobanaayeen gurigiisa ee muqdisho.
Nuuradin
Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com
Midnimo
Information Center
|