|
  
Dhaqanku
waa sumada jiritaanka ummaddeena, inkastuu heerkii loo baahnaa uu san
gaarsiisneyn, shaki kuma jiro in dadaal loo galay horumarintiisa, mid qora, mid
sawira, mid dhaha iyo mid ku heesa.
Qoraaga
buugaan la magac baxay Sheekeeye, wuxuu doortay in uu abaaro unuga jiritaanka
dhaqanka oo ah sheekooyinka jiilba jiil ka dhaxlo, xil kasnimadaas waxaa u dheer,
wuxuu soo bandhigay sheekooyin nuxur leh oo tilmaan wanaagsan.
Tan
hore, sheekooyinku waa kuwa daboolka ka qaadaya ama sawiraaya muuqaal deegaan
qurux badan, dad iyo xoolo dab-joog iyo duur-joog isugu jira.
Tan
xigta, Sheekeeye wuxuu ku amaanan yahay dhiiri gelinta dhaqanka wanaagsan sida
iskaashiga, daacadnimada, dabci samaanta, dhawrista deegaanka iyo garashada
wanaagsan.wuxuuna takoorayaa beenta, xasadka, qayaanada, balan-xumida,
hunguri-xumida, shir-qoolka, garashada xun iyowixii la hal maala.
Hadaan
sii tilmaamo Sheekooyinka ku qoran buugaan Sheekeeye, waa xurmo dhaqameed
Waayeelka u ah xusuus iyo xarago, Carruurtana u ah xiiso iyo xikmad xoojisa
garashadooda.
Horaa
loo yiri: Sadar muuqda, su’aal ka
dhan.
Waxaan hubaa in buugaan waxtar u leeyahay dadka u hamuun qaba barashada dhaqanka
Soomaaliyeed, gaar ahaan carruurta yar yar ee dantu keentay iney ku barbaaraan
dalka dibadiisa.
 Qormadaan
Sheekeeye, waa Diraalki kowaad ee Xirmo sheekooyin ah ee
noo qorsheysan.
Qoraaga
buuga
Yaasiin
Maaxi Macalin
December
2002
  
Waxaad
ka dalban kartaa boogaan sheekeeye
(0046)
0150 54254 ama (0)702907652 E-mail:
maaxi@hotmail.com

|