|
Tiyaatarka
Daah-laawe
Qormadaan waa samataliso dhaqanka nabad doonka oo ka
hadlaysa dhibaatada Tiyaatarka Daah-laawe, rafaadkii laga soo maray iyo sidii
loo xaliyay.
Biis..biis..biis, Biiska
badan ee riwaayada ka hadleysa beesha isu ma talisada aheyd ee aan fariin waxtar
leh u gudbineyn Daawatada ayaa ka
dhigtay mid aan dhamaad laheyn. Tiyaatarka Daah-laawe oo ka mid ahaa goobaha
bulsho ee ugu faca weyn magaalada War-deeq, wuxuu noqday xabsi lagu rafaadsan
yahay oo kala dambeyn la’aanta iyo isu awood sheegashada maatada u daran ee
caruurta habaabineeysa waayeelkana gaarsiisay heer uu dhaho “Garashooy ku
nacay”, gudashaduna waxay noqotay Alif macalin tiray.
Inkastoo Soomaalidu ku
maahmaahdo “Biyo intey ku soo gaarin ayaa la iska moosaa”,Tiyaatarka
Daah-laawe wuxuu noqday mool aan maciin laheyn.
Nasiib wanaag, Deeqa-dejiso iyo dhalinyarada
saaxibadeed ah ayaa keenay hab biyo lagu dhax jiro la isaga moosi karo,
qorshahii ay dejiyeen ee loogu magac daray “Nus saac ku nooleynta
Tiyaatarka Daah-laawe”, wuxuu noqday mid guuleysta oo la mahadshay, kuna simay
bulshada ilaa geediga seddexaad oo labo mid noqon doona; in ay doortaan madax ku
hogaamisa nabad iyo jaceyl, ama sidii kal hore noqdaan Laxdii indhoolaha aheyd
ee Waraabaha magen gashay.
Tafatire
:Yaasiin Maaxi
Car Garo……
“Tiirka
aqalka celiya kii kor ugu taakeeya, kii taluumada u qoda godadka teelteelka ah,
Udubka kii tooxayee tab isu weydaarsha iyo xariga leyskula xirxiro kii tirjiyay
fiidkii, ninba meeshii uga toosan buu turuqa saaraa, isagoon culeyskana tebin
ayuu tiisi oofsaday”.
Howl
wadaaga dhismaha aqalka ayaa lagu matilaa iskaashiga qoyska iyo bulshada,
waxaana dhaqan ah qof kasta in lagu qiimeeyo heerka uu muteysto.
Dhaliyarada
ku guuleysatay barbaarintii qoyska bulsho-wiil iyo gabar- marki la qiimeynaayo
seddax ayuu mid noqdaa: Jid-haye
oo ah mid ku socda sidii reerka lagu yaqiin. Jid-gooye oo ah mid ka hoos maray heerkii qiimeynta caamka ah
iyo jid-fashe oo ah barbaarka
ka sara maray heerki laga filaayay. Ma gudbaha waxaa loo yaqaan Doqon,
waxaana lagu qiimeeyaa “Doqon dad kuma jiro” haddii uu jiro.
Bulshada Soomaaliyeed, waxaa dhaqan u ahaa in ay ku dadaalaan sideey ku soo
bixi lahaayeen dhalinyaro ku tilmaaman qiimeynta ugu sareysa Jid fashe – kali
iyo koox - oo lafdhabar u noqda horumarka bulshada.
Dhaqankaas wanaagsan guulihii laga kasbay waxaa ka mid ah curashadii
naadigii dhalinyarada ee gobanimo doonka ahaa (SYL) iyo halgankoodii qiimaha
badnaa ee lagu gaaray madaxbanaanida.
Dhaqanka bulshada casriga ah waa dhaliilo badan yahay, waxaa ka soo baxay
dhalinyaro lagu qiimeyn karo Jid gooye, waana tan keentay in dhalinyarada maanta
ay noqdaan xaabada lagu shido dagaalada sokeeye iyo in bulshadu ka soo kabsan
weyso dib u dhaca ku yimid.
Meel aadan mudneyn ka muuqashadeeda, waxaa kaa raaca magac aadan
mudneyn.Horaa loo yiri “Haddii ay ku moosaan karti ayaa la isku muujiyaa”.
Sanadyadaan dambe, waxaa soo shaac baxay dhalinyaro dooneysa in ay si
madaxbanaan u muujiyaan doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska dalkooda ee raba in
ay gacantooda ku dhistaan aayatiinka mustaqbalkooda.
Ujeeddadaas qiimaha weyn dhiiri gelinteeda ayey ka dhalatay qormadaan la
magic baxday “Car Garo”, waana
samataliso dhaqanka nabad-doonka ah oo ka hadlaysa dhibaatada Tiyaatarka
Daad-laawe, rafaadkii laga soo maray iyo sidii loo xaliyay.
Tiyaatarka Daah-laawe oo ka mid ahaa goobaha bulsho ee ugu faca weyn
magaalada War-deeq, wuxuu noqday xabsi lagu rafaadsan yahay oo ay ka jirto kala
dambeyn la’aan iyo isu awood sheegasho maatada u daran, xasilooni darada sii
kordheysa, wuxuu gaarayey heerkii ugu xumaa taariikhda jiritaankiisa.
Biis..biis..biis, Biiska badan ee riwaayada ka hadleysa beesha isu ma
talisada ah ee aan fariin waxtar leh u
gudbineyn daawatada ayaa dhibka ka dhigtay mid aan dhamaad laheyn.
Kala dambeyn la’aanta, waxey keentay inuu lumo xiriirkii dabiiciga ahaa. Qofku, wuxuu leeyahay hal carab
iyo labo dhegood oo dhageysigoodu wanaagsan yahay markii la aamuso. Is maqalkii
guud ayaa dhumay.
Markii ay qaldameen mowjadihiisii hawada, waxey noqotay in la dhegeysto
samaacado fara badan oo fiilo xariirisa laheyn ee maqalkoodu yahay “Siduu rabo
u qaado”.
Dareenkii taabashada waxaa hogaaminaaya ciriiriga, qof tugunbo iyo feer u
tafa xeytay taabasho ka dhowr ma aha. Waxaa meesha ka baxay garsoorkii kala
saari lahaa San-daarka urka iyo udgoonka, fayo dhowr la’aanta waa cudur ooda
laga qaaday. Aragtida soo gaabatay, waxey ku tuseysaa xumaan ku hor taala iyo
wanaag iska niyeyso ah.
Dhamaan xaalada murugada leh iyo xiriirka kala go’ay ee carruurta
habaabinaaya, waayeelka waxuu gaarsiiyay in uu dhaho “Garasheey ku nacay”,
gudashana waxey noqotay Alif macalin tiray.
“Wadar
iyo waaxid yaa waalan”,waxaa
lagu jawaabi jiray “waaxidka ayaa waalan”, laakin Reer Daah-laawe
gadaal gadaal ayey u aqriyeen. Meel wadarti miir-doorsatay, la yaab ma leh
waaxidku in uu dhaho “Meel sidey u taal ayaa loola yaalaa”. Hayeeshee,
markii la milicsado hab lagu heli karo wadar quman, la yaab malaha in la
taageero talada toosan ee waxtarka leh.
Inkastoo Soomaalidu ku maahmaahdo “Biyo intey ku
soo gaarin ayaa la iska moosaa”, Tiyaatarka Daah-laawe, wuxuu noqday mool
aan maciin laheyn.
Nasiib wanaag, Deeqa-dejiso iyo dhalinyarada saaxibadeed ah ayaa keenay hab
biyo lagu dhax jiro la isaga moosi karo, qorshahii ay dejiyeen ee loogu magic
daray “Nus saac ku nooleynta Tiyaatarka Daah-laawe”, wuxuu noqday mid
guuleysta oo la mahadshay, kuna simay bulshada ilaa geediga seddexaad oo labo
mid noqon doona; in ay doortaan madax ku hogaamisa nabad iyo jaceyl ama sidii
kal hore in ay noqdaan Laxdii indhoolaha aheyd ee Waraabaha megen gashay.
Qormada ku saabsan nolosha ka jirta Tiyaatarka
Daah-laawe waa tilmaan, turxaan bixin, tusaale, toosin iyo talo ku beegan
toobiyaha isbedelka nolosha cusub, waxeyna tusmo hordhac u tahay bandhig qaab
masraxeed cusub oo ka tarjumaaya dhaqanka wanaagsan ee barbaarinta nabada.
Sadar muuqda su’aal ka dhan, wxaan u mahad celinayaa Muxudiin Macalin
iyo warbixintiisii Naadiga
Dhalinyarada Soomaaliyeed (SOYDEN) ee aan u kaashaday nuxurka qormadaan. Sidoo
kale waxaan u mahad celinayaa tafatiraha Yaasiin Maaxi agaasimaha guud ee
naadiga ka shaqeeya horumarinta dhaqanka (BANDAR dhaqan) ee damaanad
qaaday baahinta qormadaan.
Ugu dambeyntii, waxaan rajeynayaa qormadaan in ay noqoto Buundo isku
xirta inta samaha jecel, gaar ahaan dhalinyarada ku dadaaleysa in ay doorkooda
ka qaataan dib u dhiska dalkooda.
MCC
Jaani dheere
Buugaan waxaa la soo
saaray
Kowdi
Luuliyo 2004
Xuquuqdiisana
waxay u dhowrsan tahay qoraaga.
Bandhigiisa
Waxaa iska kaashaday BANDAR dhaqan (Xarunta
dhaqanka fanka iyo suugaanta) iyo Somali Youth Developmant Network.
Waxaad
kala xiriiri kartaa Xarunta: Bandar Dhaqan
Boken beställs fran: maaxi@hotmail.com
Tel: (0046) 150-54254,
(0)70-2907652
Katrineholm,
Swedan
Ama Tre piane building
Tel: 00252-1-250708. soyden@globalsom.com
Mugadisho - Somalia
Qoraaga waxaad kala xiriiri kartaa:
alassow@ticalinet.it
Tel: 0039 347 1807946
Firenze- Italia
Tilmaanta Qoraaga
Mohamud
Ali Alassow, wuxuu ku magac dheer yahay Jaani dheere, wuxuu dhashay kuna
barbaaray magaalada Muqdishow, Maxamud, Kuliyada waxbarashada Lafoole ayuu ka
qalin jebiyay 3/1983, wuxuuna ku taqasusay oo (B. A. deg.) ku qaatay maadooyinka
Suugaanta afka Carabiga iyo Taariikhda.
dabayaaqadii
sanadka 1997dii wuxuu soo saaray Buugiisii ugu horeeyay (XUMEEY MA ARAGTAY), oo
ka hadlaayay dhibaatada qoyska xiliga dagaalada sokeeye.
Bilaawgii
sanadkii 2002, wuxuu soo saaray buug kale oo la magac baxay (GABAR TIMO TIDCAN)
oo tafa tiraayay haweenka iyo
dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan caadada haraadiga ah ee jahliga dugaashada,
dabadeedna wuxuu soo saaray CAR GARO oo ah mikaad gacanta ku haysid, dhawaana
wuxuu soo saari doonaa buug uu qoraayay mudo dhowr iyo toban sano ah oo la magac
baxay “Muqdishow kun iyo kow sano”.
MAXAMUD
ALI ALASSOW (jaani Dheere)
Via
Bolognese 51, 50019 Sesto F.no (Fi), Italia
Tel:
0039 55 401648.
alassow@tiscali.it
_________________________________________________________________________________
_________________________________________________________________________________
Tilmaanta
Qoraaga
Mohamud Ali Alassow, wuxuu ku magac dheer yahay Jaani dheere, wuxuu dhashay
kuna barbaaray magaalada Muqdishow, markuu dhameystay waxbarashadii dusiga sare
ee tababarka macalimiinta 3/1976, wuxuu howsha waxbarashada ka bilaabay
magaalada Beled weyne. 1978 dii wuxuu ku biiray ciyaartooyda heerka koowaad ee
kubada kolayga, wuxuu u soo wareegey Magaalada Muqdishow, naadiya kala duwan
ayuu u ciyaaray-Batroolka, Somalita iyo Mogadisho- markuu ka fadhiistay, waxuu
noqday tababare K. kolayga.
Maxamud, Kuliyada waxbarashada Lafoole
ayuu ka qalin jebiyay 3/1983, wuxuuna ku taqasusay oo (B. A. deg.) ku qaatay
maadooyinka Suugaanta afka Carabiga iyo Taariikhda.
Mudadii 14 ka sano aheyd ee uu
ka shaqeynaayay wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta, wuxuu ka howl galay
waaxyo kala duwan, sida waxbarashada Asaasiga ah, Tababarada Macalimiinta,
waxbarashada Dadban iyo Mashaariic gaar ah ee hoos yimaada isla hey’adaas.
1983-84 wuxuu macalin Maadada Taariikhda dhiga ayuu ka
ahaa Machadka Tababarka Macalimiinta Xalane (Muqdishow), isla xiligaas wuxuu
qaatay tababar ku saabsan Tiknoolijiyada Waxbarashada ee uu soo diyaariyay
machad amuurtaas u qaabilsan Jaamacada Carabta hey’adeeda ka shaqeysa
Barbaarinta, Seyniska, Dhaqanka iyo Fanka. Sidoo kale, wuxuu qaatay tababar ku
wajahan Waxbarashada Dadweynaha.
Maxamud Cali, 1984-1990kii Machadka IITT (Institute of in-service Teacher
Training) ee qaabilsan waxbarashada Qaxootiga ayuu ugu shaqeeyay Graphic
Designer. Isla Machadkaas ayuu ku qaatay tababaro gaar ah oo la xiriira xifadaas,
wuxuuna ka gaaray Madaxa Waaxda Wax soo saarka (Graphic Design &
Production).
1986, isaga iyo saaxibkiisa
shaqo Cabdi Maxamud, waxey si wada jir ah u qoreen buug yare ay soo saartay IITT
oo ku saabsan
( Kaaliyayaasha waxbarashada) . Tababar
mowduucaas la xiriira wuxuu siiyay ama ku tababaray Kormeerayaasha iyo
Maamulayaasha dugsiyada xeryaha qaxootiga IITT. Sidoo kale tababar midkaa la mid
ah wuxuu siiyay macalimiin laga soo xulay waxbarashada haweenka.
Wuxuu ka qayb galay siminaaro
dhowr ah oo ku saabsan Waxbarashada Caafimaadka isagoo ku aadan xaga
jaangooyada Graphic
Design-ka, waxaa intaa u dheeraa wargeyska xiddigta ee afka dowlada ku hadli
jiray ayuu ka caawini jiray xagga jaangooyada Design-ka. Sidoo kale wuxuu
sameeyn jiray Boostarada iyo warqadaha Baafinta oo lagu gubinaayo fariimaha
wacyi gelinta Bulshada ee W. Waxbarashada, W Caafimaadka, Ururka daryeelka
caafimaadka qoyska iyo wixii la mid ah.
Mudadii uu dalka dibadiisa ku noolaa, wuxuu qaatay 150 saacadoodka oo
tababar howlaha kumbiyuutarka ( Corso di introduzione alla Tecniche CAD 9/93)
wuxuuna ka qayb galay Bandhig farshaxaneed heer gobol iyo kuwo heer caalami ah
sida bandhigii ku saabsanaa ARTE ED ARTIGIANATO INTERNAZIONALE “Arte, anima
dei popoli”ee magaalada Firenze –Italia- lagu qabtay 2/9 marso 2000,
wuxuuna ku soo bandhigay dhaqanka Soomaalida.
Maxamud, Barnaamijkii Kedis ee bulshadu maalinta jimcaha kala socon jirtay
Raadiyaha Tvga, wuxuu ka ahaa gudoomiyaha guddiga farsamada.
1991, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka shaqaynesay dib
u dhiska waxbarashada iyo aqoonyahaanada asaasay Ururka Samafalka (Garas
Voluntary Orga.) oo arrimaha Waxbarashada ku howlanaa ee sameeyay dugsiyo ay
dhigtaan ilaa 500 arday, 1992 markuu
u soo wareegay dalka Talyaaniga, is la ururkaas isagoo wakiil ka ah oo
kaashanaaya ururka EST-Educazione Soliiiidarieta Terzo mondo Firenze- ayuu
mashruuc waxbarasho gaarsiiyay Somalia Gobalka sh. Dhaxe 1994tii
Maxamud, wuxuu ahaa Gudoomiye ku xegeen Gudiga sare ee Mucaskaraadka ( Youth
Sammar Camps), wuxuuna xubin ka ahaa gudigii diyaariyay barnaamijka mucaskar
barbaarineedka ee lagu hormarinaayay qaabkii hore. Sidoo kale isagoo matalaaya
dhanka Somaliya, wuxuu wax ka dejiyay barnaamijkii mucaskarka shaqo ee
Soomaaliya iyo Khaliijka Carabta 1986dii.
Mudadii uu xilkaas haayay , wuxuu soo bandhigay
masraxiyado ku wajahan wacyi gelinta bulshada sida: Socdaal baan ka nahay, Waa
nagu samaan laheyd, Lilaahi iyo laqdabo, Mucaskarkii tayeynta waxabarashada iwm.
31/3/2001, Hotel Sharaton ayuu ku soo bandhigay qaab
masraxiyeed casri ah oo la magac baxay (Ghenie il prezzo della tradizione).
Guud ahaan suugaanta Maxamud Cali, mowduuceedu arimahaas ayuu ku saabsan
yahay, hal abuurkiisa caan baxayna aad ayuu u badan yahay.
1988-1989, wuxuu sameeyay
Video filim CALI AGOON, sidoo kale wuxuu soosaare ka ahaa filim dukumeentigii
lagu aruurinaayay TAARIIKHDA XEEBAHA BANAADIR ee ahaa mashruuc ay wada
hergeliyeen D. hoose ee Muqdishow iyo EECda, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii ku
aflaxday Siminaarka xeeladaha filim sameynta (Seminar on Production Techniques
12-29 may 1990 Mog. Somalia) ay soo qaban qaabiyeen wakaalada filimada iyo EECda.
Maxamud Cali,
qoraaladiisa sida qaalibka ah, waxey ku aadan yihiin Taariikhda, Dhaqanka iyo
Bulshada, wuxuu ka qeyb qaadan jiray qoraalka Wargeeska Xiliyeed ( codka
Macalinka ) iyo midka Caruurta u gaarka ahaa (HADAAQ) ay soo saari jireen W.
Waxbarashada iyo Hey’ada Unicef ee uu tafatiraha ka noqday.
Sanadkii 1991kii markii dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen wuxuu ka mid ahaa
koox asaastay wargeyska maalinle ah ee (Gor Gor), sanad ka dibna wuxuu ku biiray
qorayaashii wargeysyo dhaqameedka jaaliyada Somaalida ee Talyaaniga degan,
wuxuuna isku dayay in uu asaaso wargeys xiliyeed iyo
dib u uruurinta suugaanta dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida, dabayaaqadii
sanadka 1997dii wuxuu soo saaray Buugiisii ugu horeeyay (XUMEEY MA ARAGTAY), oo
ka hadlaayay dhibaatada qoyska xiliga dagaalada sokeeye.
Bilaawgii sanadkii 2002, wuxuu soo saaray buug kale oo la magac baxay (GABAR
TIMO TIDCAN) oo tafa tiraayay haweenka iyo dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan
caadada haraadiga ah ee jahliga dugaashada, dabadeedna wuxuu soo saaray CAR GARO.
Dhawaana wuxuu soo saari doonaa buug uu qoraayay mudo dhowr iyo toban sano
ah oo la magac baxay “Muqdishow kun iyo kow sano”.
MAXAMUD ALI
ALASSOW (jaani Dheere)
Via
Bolognese 51, 50019 Sesto F.no (Fi), Italia
Tel: 0039 55 401648. alassow@ tiscali.it

|