|
August
24, 2004 Geneve
Koobka
hiddaha iyo Dhaqanka ee swisska oo lagu qabtay magaalada
Geneve
Koobka Hiddaha iyo Dhaqanka ee Swisska oo lagu qabtay
magaalada Geneve 22/08/2004 kasoo ay kasoo qabgaleen dhamaan jinsiyadaha kunool
dalka Swisska meelkasta ay jogaan,
Kasoo ahaa
koob aad iyo aad u qiimo badan ,kuna dheehnaa isbarasho iyo
saxiibtinimo dhexmaraysa jinsiyadaha kala duwan ee kunool
wadanka gudihiisa.
Somaaliya
waxaa u ciyaarayay koxda kubada cagta
Somaali Swiss
Sports waxayna kamid noqdeen
(GROUP)
B SOMAALIYA + POLAND + SENEGAL
Waxaana
ciyaarta bilaabay
SOMAALIYA & POLAND
Waxaana
gushii helay Somaaliya
oo kaga badisay
Poland
( 4-0 )
Ciyaartii labaad waxay Somaaliya laciyaartay Senegal
waxayna
ciyaartii kudhamaatay (0-0)
(GROUP) B waxaa kalinka kowaad usoo baxay Somaaliya oo
u gudubtay semifaynalka.
Semifaynalka
Somaaliya waxay la
ciyaartay koxdii ka socotay Colombia
Ciyaartiina
waxay ku dhamaatay labadeedii qaybood (0-0) ciyaartasoo aheed
ciyaar aad u adag waxaana loo dhigay rigoore waxayna gusha ku
raacday koxdii Somaali Swiss Sport
(1-0) Waxayna koxdii Somaalida u soo baxeen faynalka.
Ciyaartii
faynalka waxay dhaxmartay Somaaliya
iyo Bolivia
Ciyaartaas
oo aad u xamasad badneed aadna u wanagsaneed qabtiii hore
waxaa goolkii ugu horeyay helay Bolivia
waxyar
kadib waxay noqdeen bar bar dhac (1-1) Somaaliya waxay ku
xijisay gol labaad waxayna ciyaarta qaybteedii kowaad ku
dhamaatay (2-1) oo ay koxdii somaaliya ay ku hogaminayso ,
Qabtii
labaad ee ciyaarta waxay ku dhamaatay (3-2) koxdii somalida ay
ku gulaysatay inay qaado kobkii.
Ciyaartowdii
somaliyeed waxay noqdeen kuwa u soo hooyo dhulkoodii hooyo
magac iyo sharaf weyn,
dadweynihii u soo dawasho tagay ay amaaneen koxdii ku
ciyaarasay magaca
somaaliya.
Waxaa
mahad leh dhamaan dadweynihii somaliyeed ee kasoo qayb galay
Rag
iyo haween meelkasta ay jogaan
hawshana gacan weyn ka geystay.
Guul
wanaagsan waad gulaysateen.
wabillahi
towfiiq
Cabdullahi
Maxamed Nuur
Abdullahi05@swissonline.ch
_______________________________________________
|