![]() ![]() ![]() |
|||||||||||||||||||
![]()
|
|||||||||||||||||||
|
Magaca Eebe ayaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariisto Quraafaadka Faaliyuhu Ma’ahan Qowl Ilaah Email:
Moallem10@hotmail.com
__________________________________________________________________
Magacyada Shaqsiyaadka sheekadan ku jiro iyo
goobaha dhacdooyinka qaar ka mid ah iyaga waa la mala awaalay, mana’ahan
magacyadii runta ahaa ee dadki dowrka ku lahaa dhacdada sheekadan, waxaa kale oo
sheekadan si gaar ah looga shaqeeyay tartiibka sheekada guud ahaan iyo isku
dubaridida dhinaca soo qaadashada qeybaha Duruus wax lagu qaato u noqon karo
bulshada soomaaliyeed guud ahaan iyo cid walbo oo fursad u hesho in ay aqrisato
sheekadan. Sheekadan in aan soo bandhigno qorideedi waxaa ka mid ahaa shaqsiyaadki ugu horeeyay ee igu dhiirigeliyay Cabdi Jaamac Maxamed, wuxuuna ahaa ninki ugu horeeyay oo nasiib u helay in uu aqriyo, Cabdi waa Soomali haysto jinsiyada Yeman, kuna dhashay magaalada Mukulla ee dalka yeman, wuxuuna ku nool yahay dalka Sacuudiga. Waxaa kale oo igu dhirigeliyay in aan sheekadan soo bandhigno xaaskayga Xawa Xassan Caray oo iyada ahayd qofki labaad oo aqriyo sheekadan. Sheekadan waxay qorideeda dhamaatay 1984, laakin nasiib darro fursad umaanan helin in aan soo bandhigo tan iyo waqtigaas aan kor ku soo xusay ilaa haddeer duruufa badan oo aanan halkan ku soo xusayn awgood, laakin nasiib wanaag haddeer ayey suurta gashay in aan soo bandhigo gaar ahaan keddib marki aan idin ka helay sheekada runteeda cidda ay khusayso.
Waxaan halkan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Xawa
xassan Caray, Cabdi Jaamac Maxamed iyo dhamaan asxaabta igu dhiirigelisay in aan
soo bandhigo sheekadan iyo dhamaan asxaaabta suurta gelisay in loo soo bandhigo
aqrisatayaasheeda. Cabdallah
Mocallim Maxamud |
|
|||||||||
|
|
||||||||||