![]() ![]() ![]() |
|||||||||||||||||||
![]()
|
|||||||||||||||||||
|
Quraafaadka Faaliyuhu Ma’ahan Qowl Ilaah Qeybtii koowaad Email:
Moallem10@hotmail.com
__________________________________________________________________ Ma fara yara dhibaatooyinki ay
geysatay Abaartii dabadheer 1973/1974 ka dhacday Goballa
badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya. Waxaa dhacday roob la’aan waxaa aad u
yaraaday biyihii, dhulkii waa xaalufay, qoraxdana aad bay u kululaatay, sidaa
darteed waxaa dilaacay abaar ay ku dhamaadeen dad iyo xoolo aad u fara badan,
caruur badan ayaa abaartaa ku Hooyo, Aabe iyo Ehel waayay. Gabar yar oo
da'adeedu ahayd saddex iyo toban jir lana yiraahdo Maryan ayaa ka mid ahayd
caruurti abaartaa ku tabaalowday. Maryan Ilaah baa ka badbaadiyay
abaartaas aad ayeyna u itaal darneyd, waxayna ka soo hartay qoys dhan, iyadana
ma sugayn in ay ka samata baxdo maxaa yeelay dadki ay cawinaad ka heli lahayd
waxa ugu nolol danbeeyay walaalkeed oo ahaa curadki reerkooda aadna u jeclaa
Maryan, dhabarka ayuu ku qaaday, nafaqadi ay helaana iyada ayuu siinayay ilaa uu
isagii baahi u dhintay, waxayna markaas marayeen iyagoo naf la carar ah dhul
baadiyeedka kofur ka xiga Magaalada Galkacyo. Maryan aad bay uga sii nixisay
geeridi ku timid walaalkeed, iyada oo niyada iskala hadleyso ayeyna tiri "waxa
isugayo waa uun dhimasho". Maryan waxaay u dhaqaaqday iyada oo garguuraneyso jihadi uu u socday walaalkeed marki ay saakay fadhiisanayeen geedki uu ku nafwaayay iyada iyo walaalkeed intuuna naf weyn ka hor, ma aynan garaneyn in ay wadada laamigaa u jirto masaafa gaaban geedki ay fadhiisteen saakay, dantana uma ogalaan walaalkeed in uu soo gaaro laamiga tabaryaro awgeed, nasiib wanaagse Maryan waxaay soo gaartay meel laamiga u jirto boqol iyo khonton meter, dhulka wadada laamiga ka xigana wuxuu ahaa banaan ay yaaliin dhagax yaruuraca, waxaa kale oo bankaa ku tiil dudun aan saa u sii weyneyn, waqtiga wuxuu ahaa shanti iyo afartan daqiiqo, qoraxdana waxaay ku sii socotay godkeedi caadiga ahaa oo ay u hoya jirtay. Maryan markaay nasatay toban daqiiqo waxaay dib u
bilowday in ay dhaqaaqdo keli ahaanteed, sii gargaguuratana inti nafta
gaarsiineyso laakin ma'aynan noqon suurtagal in ay garguurato in ka badan shan
iyo soddon meter, wayna tabar dhigtay oo dhaqaaqii wey gebtay. Waxaana dhanka koofureed ee
laamiga ku yimid gaari marsheedis ah oo siday biyo lagana soo diray Magaalada
Muqdisho wuxuuna u socday in uu u gurmado dadka abaarta ku heshay baadiyaha
magaalada Gaalkacyo iyo agagaarkeeda, waxaana gaariga waday darawal u shaqeeyo
dowladda, waxaana la socday wiil iyo gabar iyagana ku socday gurmadka u
gargaarida dadka iyo xoolaha abaarta halkaa ku haleeshay. Wiilka waxaa la yiraa
Axmed, gabadhana Sahro waxaayna ka socdeen laanqeerta cas waxayna qabeen tababar
gaaban oo caafimaadka degdega ah waxaana loogu tala galay in ay ka howl galaan
meelaha abaarta ku habsatay sida ugu dhaqsiyaha badan. Meel ka xigto galbeedka halki
maryan ku tabar beeshay marki ay marayeen ayaa Sahro weydiisatay shufeerki in uu
gaariga joojiyo, shufeerkiina isaga oo Sahro la kaftamayo ayuu yiri."Sahro
maa inoo sheegtid waxa aad u dalbatay in aan gaariga joojiyo” Sahro way degatay, Axmedna wuu ka soo daba degay wuxuuna aaday jihadi sahra aaday maahine jihada kale. Sahro iyada oo gaabineyso ayey socdokeedi sii heysay inta ay isheeda ka qabaneyso meel ay kula ganbato darab sagiirki ku qasbay in ay weydiisato joojinta gaariga, waxayna gacanteeda bidix ku sidatay caag godan oo ay gaariga kala soo degtay uguna jireen biyo, horteeda ayey markiiba uga muuqatay buur yar oo cas dulduleelana leh iyada oo cabsaneyso ayeyna niyada ka tiri "maxaad ka cabsaneysaa laba ninbaaba kula socdee haddii aad qeylisana codkaaga waa la maqlayaa" waxaayna abaartay buurtii, kalana wareegtay dhanka bidix. Keddib marki ay darab qaadatay Sahro way istaagtay waxaayna u dhaqaaqday xagga dudunta oo horteeda ku beegneyd iyada oo dooneysay in ay ku dul istaagto, indhahana la raacdo dhulkan banaan ee dhan walbo oo ay u jaleecdo ka qabanayo, Sahra waxaay dul istaagtay buurta dusheeda waxaana u muuqday Axmed oo ka soo laabtay darabqaadkii iyo shufeerki oo inta soo degay gaariga hoos taagan waxayna u lalinayeen gacmahooda iyaga oo siinayo tilmaan ah war naga kaalay, Sahrana iyada oo aan ka jawaabin baaqaa ayey u jeesatay dhanka qorax ka soo baxa waxaana markiiba isheeda ku dhacay wax madow oo muuqaal beini'aadam u eg waxaana gashay cabsi oo cod dheer ayey ku wacday Axmed iyo shufeerki, iyagana marki ay maqleen codki ay sameysay Sahro waxaay u soo caraareen dhankeeda, markeey soo gaareen dudunti ay sahro ku taagneyd ayey mar qura isla yiraahdeen maxaa ku helay misa nabad qabtaa haddeer.. Sahra ayaa
tiri walaalayaal waan nabad
qabaa waxbana ima helin ee waxaan rabay in aad ila hubisaan shaygaas muuqaalka
beni'aadam leh oo keliya ee kaalaya aan hubinee, waxayna u dhaqaaqeen mar keliya
hubinta tuhmadi ku jirtay waxaana indhohooda ku dhacay Maryan oo indhaha kala
heyso himana u yeelatay nolol danbe marki ay u jeeday dadkaa dul taagan
laakin wax hadal ah afkeeda kama soo bixin itaaldarro awgeed, shufeerki
ayaa markiiba fadhiistay meel madaxa kaga aadan wuxuuna kor u qaaday madaxeeda
isaga oo leh "waa tii u danbeysay ee Axmadow dhexda iyo lugaha qabo oo aan
la gaarno gaariga si aan dhaqsi u geyno dhaqtarka", Axmedna wuxuu gabadha
ka fadhiistay dhanka bidix wuxuuna Sahra u dirsaday biyo isaga oo darawalki ku
leh bal u gaadi aan isku dayno in aan biyo iyo baad siino haddii ay qaadan karto
inti uu hadalka hayayna waxaay Sahro la soo gaartay biyihi, Axmad isagana wuxuu
madaxa ka soo qabtay Maryan isla markiina biya aan sidaa u badnayn ayuu afka ugu
qabtay keddibna Marki ay biyiha in yar ka kabootay waxaay u qaadeen Xagga
gaariga si dhaqsiya iyago oo doonayo in ay la gaaraan magalada Gaalkacyo oo
ahayd jihadi ay ku socdeen . Kolki gaariga dhaqaaqay wax hadalla ma jirin darawalki, Axmed iyo sahro waxayna ka bixi waayeen oo niyadooda mashquulisay howsha sugeyso in aynan ahayn mid fudud oo uu ka bixi karo ruux naftiisa jecel oo kaliya oo aanan ogalayn in naf kale wanaag iyo nolol wacan haysato, balsa darawalka taa waa kaga duwanaa iyaga oo isaga ma saarnayn culays aan ahayn in uu si dhaqsiya u socdo si ay u gaaraan Magaalada Gaalkacyo ilayn isaga kuma cusbeyn abaar lala tabaaloobo oo dad iyo xoolaba baab'iso, waxaasa isaga ku taagnaa dhaqsi u soco, welwel, fikir iyo goormaad magaaladi gelysiin. Wadahi isaga oo aan wax ka
beddlin sidi degdega ahayd oo uu gaariga u waday ayuu dhanka koofureed ka soo
galay magaalada Gaalkacyo halka laga raaco gawaarida u kala gooshto
masgaalooyinka ka fog iyo kuwa u dhowba magaalada, waxaa kale oo boosteejada ku
yaal maqaayado laga shaaho lagana cunteeyo isla markaasna ay ku nastaan dadka
safarka ah, waqtiga wuxuu ahaa fiid hore waxaana maqaayadaha fadhiyay dad aad u
badan sidaa darteed wadihi wuxuu
gaabiyay gaariga socodkiisa si uu uga fogaado dhibaato kaga timaado dadka oo ku
soo xayraamo gaariga magaalada ku soo galay socod aad u dheer
awgeed, darawalki ma joojin socodkiisi in uu gaabiya wadida gaariga maaine
wuxuuna marki u horeysay joogsaday bartamaha magaalada, rugta Saraakiisha
Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed horteeda.waxayna habeenkaa darawalka. Axmed
iyo sahara u ahayd marki ugu horeysay oo ay yimaadaan magaalada Gaalkacyo,
joogsi keddib Darawalki oo doonayo in uu u yeero mid ka mid ah dad hortaagnaa derbi gaaban oo ku dherersan xarunta
Ciidadmada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee magaalad Galkacyo horteeda ayaa Axmed (oo
isaga ahaa jooga maqan tan iyo inti ay soo qaadeen Maryan kuna maqnaa ka
ducaysiga ilaaheey in uu ummadda Soomaaliyeed ka qaado muragada dhibaatooyinka
ay dabada ku wadatay abaartii dabadheer loogu magacdaray) ku yiri "war u
yeer sarkaalkaa labisan dareeska milateriga". Shufeerki marki uu arkay
sarkaalka Axmed u tilmaamay ayuu gaariga u qabtay shakaalka gacanta una soo
degay dhulka wuxuuna u yeeray sarkaalki oo ku sii socdo gaari uu'aasa ah, kuna
baarkin garaysnaa meel ku aadan gaarigi ay wateen hortiisa dhanka bidix ee
wadada, sarkaalkiina waa maqlay codkaas u yeeray kuna leh "dhame,
dhame"wuxuuna u soo jeestay halki laga wacay isaga oo leh "kuma ayaa
ii yeeray" darawalki ayaa ku yiri "walaal
waxaad noo sheegtaa dhaqtarka magaalada xaggee ku yaalaa " dhamihi oo aan ku daahin
jawaabta ayaa ku yiri "dhaqtarka wuxuu ku yaalaa xoogaa yar marki aad horay
ugu socotaan waddadan, waxaana dhanka bidix kaa qabanayo jardiino ay ku yaaliin
geedo waaweeyn, dhinaceeda bidixna waxaa ku yaalo dhaqtarka ugu weyn magaalada
Gaalkacyo, iridkiisana wuxuu ku jeedaa dhanka qorax ka soo baxa haddii aad ku
wareertaana waxaa idin shaki bixinayo oo woqooyi ka xigo dhaqtar weyn oo khaasa
u ah daaweynta cudurka qaaxada" darawalki ayaa ku yiri waa mahadsantahay
walaal una dhaqaaqay dhanka albaabka gaarikiisa laakin sarkaalki ayaa ku soo
celiyay sua'aal inta uunan dhaqaaqin wuxuuna kui yiri
"maxaa idin helay oo aad dhaqtarka ii weydiiseen". Darawalki ayaa si deganaan ku
jirto u yiri "waxaan meel wadada Gaalkacyo soo gasho dhineceeda ah ka soo
qaadnay gabar yar oo aad u tabaaleysan meel ay ka timidna aanan garanayn, waana
taa Ahmed iyo Sdahro la saaran gaariga shirkiisa" Isla markiiba sarkaalki ayaa
yiri I soo daba kaca aniga ayaa idin geynayo dhaqtarka wuxuuna aaday gaarigiisa
oo uu durbadiiba u dhaqaajiyay hortooda oo dhaqtarka magaalada ku aadanaa si aan
waqtiga kale uga dhumin dadkan gacanta weyn ka geystay daryeelka ummadda
Soomaaliyeed,darawalkiina waa daba galay isaga oo Sahro iyo Axmed ku leh
"bal ka warama dadka oo dhan haddii ay sidaa u wanaagsanaan lahaayeen". Axmed ayaa darawalki ku yiri
lagama yaabo dadka in ay sidaa u wada wanaagsanaadaan, meel walbana waxaad ugu
tageysaa dad kala dabeecad duwan oo leh mid san iyo mid xun, waana ilaaheey
mahadiisa in uu annaga nagu soo
hormaro ruux wanaagsan sidi sarkaalkan noo wado
dhaqtarka, Sahro oo iyada la dhacday hadalka Axmad ayaa tiri "tolow
maxaan kala kulmi doonaa dadka magaaladan samaan iyo xummaan" waxaana si
diiran oo ixtiraam ku jiro ugu jawaabay Axmed oo ku yiri "Sahro dadka ma
wada sina ee ilaaheey dadka ha nooga dhigo kuwi aan wanaag badan kala kulano ,annagana
ilaaheey ha naga yeelo kuwi howshooda si fiican u guto" Darawalki oo ilaashanayay
uu'aasti uu daba joogay ayaa yiri "Axmad ducadaada alla ha noo aqbalo"
wuxuuna joojiyay gaariga keddib marki uu joogsaday sarkaalki horkacayay oo isaga
markiiba ka soo degay gaarigiisa una dhaqaaqay xagga albaabka Isbitaalka, saacadda waxaay
ahayd sideedi iyo barki fiidnimo, in yar keddibna sarkaalki wuxuu si degdeg ah
garaacid kula dhaqaaqay albaabka weyn ee isbitaalka laga soo galo oo xirnaa
waana waayay cid u jawaabto ee ka furto albaabka,darawalki iyo axmed iyagana
waxaay dhulka u soo dejiyeen gabadhi tabaalaysnayd,waxayna iyaga oo gabadhi
xanbaarsan albaabka ugu geeyeen sarkaalki oo aan weli hayn ruux u jawaaba,
wejigiisana ay ka muuqato caro uu ka carooday shaqaalaha ka hurday howshooda,
sarkaalki wuxuu mar kale si xoog badan oo cod dheer wehliyo u garaacay albaabka,
weli lama haayo cid u jawaabto, laakin nasiib wanaag inti ay garaacayeen ayaa
waxaa soo gaaray gabar kalkaaliyad ka ahayd dhaqtarka oo furihi gurigeeda ku
hilmaantay dhaqtarka caawa marki uu u dhamaaday waqtiga shaqadeeda,
bixitaankeedina ku degdegsanayd in ay u soo tacsiyeyso hooyo dalsan oo
biitoonioyad ka ahayd dhaqtarka, dadka bukaankaa iyo shaqaalahana aad u
jeclaayeen oo shalay galabnimadi uu walaalkeed ka mid ahaa dad ku dhintay gaari
ku qalibmay wadada u dhexeyso buuloburte iyto Beledweyne. Sahro iyadana waa soo degtay
waxaayna la kulantay kalkaaliyadi oo jamaacadeedi ku leh "walaalayaal sow
nabad maaha"? waxaana u jawaabay Sahro oo ku tiri "waa nabad ee abaay
war ma u haysaa xageey jiraan shaqaalihi dhaqtarka", kalkaaliyadi ayaa tiri
"maxaa idin helay oo waqtigan idin fadhiisiyay albaabka isbitaalka" Darawalki oo aad ula yaaban qaab
xumada albaabka ku haleeshay ayaa yiri "Walaal waxaa wadnaa gabartan yar oo
aan ka so qaadnay wadada magaalada ka xigta koofur iyada oo la taag-daran
macluul ilaa haddana ma aragno cid aan la hadalno ee adiga maxaad ahayd oo
dhaqtarka ku keenay waqtigan" Kalkaaliyadi: "adeer aniga
waxaan ka mid ahay shaqaalaha isbitaalka waxaana ahay kalkaaliyad ee gabarta mee" Axmed : "abaay gabarti waa
taa derbiga ku santeecsan" Kaalkaaliyadi wxaay gacanteeda
saartay Maryam wadnaheeda oo ay ka soo horeeyeen feeraheeda oo gacanta lagu
tirinkaro, taasoo aad uga nixisay iyada oo leh maxaa helay caawa shaqaalihi
maxaadse si wacan ugu garaaciweyseen albaabka, axmed ayaana ku yiri maxaan
garaacna waaba ku daalnay garaacid iyo qaylo dheer, kaalkaaliyadi ayaa si edeb
ku jirto ugu jawaabtay iyada oo haddana astureyso khaladka habeenkaa ka dhacay
shaqaalaha isbitaalka kuwoodi shaqada lahaa waxaayna ku tiri walaalayaal wixi
dhacayba aniga ayaa hadda idin la joogo. Sahro: “waa khayr haddii la
helay ruux waajibkiisa iyo dheeraad gudanayo ee aan waqtiga ka faa'iideysano
“. Sahro waa soo gabisay hadalki
waxaayna doontay sarkaalki oo ku maqnaa garaacida dariishadaha danbe ee
dhaqtarka,kalkaaliyadina waxaay ku dhaqaaqday garaacida albaabka isbitaalka oo
ay hore ugu daaleen jameecadi Maryan keentay, Axmed iyo shufeerkina yaab bay la
aamusnaayeen, waxaana in yar keddib ku soo noqday Sahro iyo sarkaalki oo isaga
aad ugu xun fadiixada ay caawa kala kulmeen isbitaalka. Saarkiilki ayaa waxaa aqoonsaday
kalkaaliyadi kuna yiri "war Caasha ma adiga ayaa caawa shaqada lahaa " Kalkaaliyadi : “Maya, anniga
shaqada ma lahayn dhame Cusmaan”. Sarkaalki: “shan iyo toban
daqiiqo ayaan taagneyn halkan ee adiga ma haysaa furihi albaabkan hore ee
isbitaalka”. Caasho: “maya oo haddii aan
haayo yaaba intaan isla soo gaari lahaa laakin anniga ayaa keenayo oo waxaana ku
laabanayaa gurrigi aan haddeer ka imid oo ah gurriga biitooniyada, iyadaana
hayso furo labaad “. Sarkaalki: “waayahay ee soo
dhaqso abaay”. caasho way dhaqaajisay, dhame
Cusmaan isagana wuxuu doonay Dr Cali wxuuna
qoladi gabadha keentay ku yiri, “idinkana halkan innagu suga”. In yar marki ay sii maqnaayeen
caasha oo doontay furihi labaad ee isbitaalka iyo dhame Cusmaan oo Dr Cali ka
raadiyay gurigiisa ayaa meel ku aadan jiirada isbitaalka waxaa ka soo baxay wiil
dhalinyar ee iska laafyoonaya wuxuuna soo abbaaray albaabka hore ee isbitaalka,
marki uu soo gaarayna jeebka ayuu kala soo baxay furo ay dabadiisa ka laadlaado
silsila dheer oo ah macdan keddibna
furid ayuu ugu dhaqaaqay albaabka isaga oo aan weydiin qoladan iridka fadhida
maxaay doonayaan iskaba daa salaam uu salaama’e.
Sahro,Axmed iyo Shufeerki oo aad u yaaban, hadalna uunan
afkooda ka soo bixin ayaa waxaay soo istaagtay Caasho oo furihi labaad ka
soo heshay gurriga hooyo Dalsan waxayna indhaheeda ku dhaceen Faarax oo albaabka
furayo .isagana uu shaqada iska lahaa habeenkaa waxayna ku tiri"Faarax
caawa oo idil xageed ku jirtaty" Faarax : “Caasha goormeed
gaartay drajada aad ku kormeereysid isbitaalka’. Caasha: “Faarxa iska daa
hadalka aan loo fiirsan, Soomaalidana waxaay tiraa"hadal aan fiirsi loo
dhihin iyo caano aan fiiqsi loo cabin feerahaay wax yeelaan",ogowna waxaa
naga dhexeeyo waa shaqo oo keliya”. Caasho iyada oo aan doonayn in
uu sii dhee-dheeraado hadalka ayey Waxaay qoladi gabadha keentay ku tiri "soo
qaada gabadha, qolkaa u shisheeyana geeya" waxaayna aaday qoklki ay u
tilmaantay si ay u hagaajiso haddii uunan goglanayn iyagana
way daba galeen oo qolki ayey ugu geeyeen Maryan, waxaana la seexshay
sariirti ay ugu talagashay Caasho. Caasho waxaay bilowday in ay ka
bedesho Maryan dharki ay xirnayd una geliso
dhar cadcad ee bukaanka isbitaalka loogu talagalay, howshaas marki ay ka
soo jeesatayna waxaay Faarax oo isaga soo galay qolka ku tiri "walaal
xaggeen howl ka bilownaa" Faarax: “sow ma haboono in aan
Dr Cali u yeerno” Caasha : “Dr Cali waxaa
raadshay Dhame cusmaan oo isaga qoladan keenay isbitaalka”. Inti ay hadalka is dhaafsnayeen
Caasho iyo Faarax ayaa waxaa yimid Dr Cali iyo dhame Cusmaan, waxaayna soo
galeen qolki la geeyay Maryan. Dr Cali oo aad uga carysan
khaladki ka dhacay waardiyihi isbitaalka oo aan weli la hayn iyo faarax oo isaga
shaqada lahaa ayaa yiri "faarax yaad ugu tagtay shaqadaada walaal". Inti uunan Faarax ka jawaabin
su'aashaas ayaa dhame Cusmaan yiri "waa mid iga yaabisay waardiyihi
isbitalka iyo ninki shaqada iska lahaa oo caawa yeey uga tageen bukaanka jiifa
isbitaalka". Dr cali oo hadalka Dhame Cusman
kululeeyay ayaa yiri "gadaal danbe ayaan xisaabtamui doonaa, iddinkana waad
ku mahadsantihiin dadaalkiina iyo sida wacan oo aad yeesheen". Salaam is wareysi keddib Dr Cali
wuxuu dhex galay howshiisa iyo in uu baaro xaalada guud ee Maryan oo aan ahayn
jiro balso ahayd macluul ku raagtay wuxuuna Faarax ku yiri "ku sur filibo"
isla markasna wuxuu u qoray daawo iyo sidi loo siin lahaa. Faarax: “waayahay Dr Cali ,filibadana
waan ku xiraa daawadana sidaad u tiri ayaan u siinaynaa”. Caasho : “walaal Faarax fursad
ii sii inta aadan filibada ku xirin Maryan waxaan ugu soo qubaynayaa Biiya
diiran”. Faarax: “waayahay abaay”. Dr
Cali : “Caasho waa loo bogay kaalinta wacan oo aad ka qaadaneyso howsha
isbitaalka kaaga aadan”. Sahro
iyadana marki ay aragtay in uu dhamaaday xilki ka saarnaa Maryan ayey wada tashi
ay la tashaday darawalki iyo Axmed keddib ku tiri Dhame Cusmaan iyo Dr Cali
waxaan idinka codsnaynaa in aad annaga na fasaxdaan si aan u raadsano meel aan
ku nasano caawa. Darawalki, Axmed iyo Sahro waa
aqbaleen Soo dhoweyntaas iyo sida wacan ee loola dhaqmay waxaana si diiran Dr
Cali ugu jawaabay Darawalki oo ku yiri walaal waan aqbalnay soo dhoweyntiina
waadna ku mahadsantihiin. Dr Cali oo ku farxay warka ka soo yeeray darawalki
waday gaarigi lagu keenay Maryan ayaa yiri: “ruuxi dadka wanaajiyo ilaah baa
wanaajiyo,dadkana way qadariyaan,hadalkana intaa ha inoogu ekaado”. Waxaana loo dhaqaaqay banaanka isbitaalka oo uu yiilay gaariga sarkaalka oo ahaa uu'aas iyo gaarigi Maryan lagu keenay. Dahme Cusmaan iyo Dr Cali oo iyaga mabsuud ka ahaa dadaalka iyo firfircoonidi ka muuqatay kooxdan Maryan isbitaalka keentay waxay martidi geeyeen guriga Dr Cali. Dhame Cusmaan isagana wuxuu ku laabtay isbitaalka wuxuuna soo qaaday Caasho oo uu keddibna geeyay gurigeeda, wuxuuna uga mahadnaqay sida wacan oo ay ula shaqeysay habeenkaa.
Fiiro Gaar ah/ Weli way socotaa Sheekada waa ilaa Todoba Qeybood Sheekadan waxaa qoray oo isku soo dubariday Abdallah Moallim Mahamuud (Siyaasi) Sheekadan waxaad ka dalban kartiin iyadoo Buug ah Qoraaga Buuga:- Abdallah Moallim Mahamuud (Siyaasi) waana qiimo aad u yar oo macquul ah Buugii. Lacagtana waxaad ku bixin kartiin Xawilaada Towfiiq Sucuudiga ama Xawilaadaha kale ee wadanka ka jiro. Moallem10@hotmail.com
|
|
|||||||||
|
|
||||||||||