|
Duqa
Magaalada Muqdisho Dr Xuseen Cali Axmed 15kii Febaraayo ayuu yimid Magaalada Katrineholm ee dalka
Sweden gaar ahaan gobolka Sormland oo ku taal Bartamaha Sweden sidii uu
jadwalku ahaa waxaa casho sharaf u sameeyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee
magaaladaaas degen halkaas oo aay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo rag
iyo haween iyo weliba caruur isgu jiray.Inta aanan hadalka lagu soo
dhawayn Duqa Magaalada Muqdisho Dr Xuseen Cali Axmed waxaa aayad quraan ah
iyo halkaa hadal furitaan ka soo jeediyey halkaa Gudoomiyaha Jaaliyada
Soomaaliyeed ee magaalada Katrineholm Mudane Cabdulaahi Xasan (Dhaqaale)
Oo runtii sheegay Muhiimada halkaan laysagu yimid aaysan ahaayn wax la
dhayalsan karo oo aay muhiim tahay in laga faa`ideeysto Intuu Dr Xuseen
Cali Axmed Joogo.Mudane Cabdulaahi Xasan (Dhaqaale) oo hadalkiisii sii
wata ayuu wuxuu hadalkii ku wareejiyey oo shirka ka soo qayb galay uguna
yimid magaalo la yiraah Orobro Mudane Iikar Amiin Iikar
Ku xigeenkii hore ee Duqa Magaalada Muqdisho ee hore waqtigii aay jirtay
dawladii uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre Mudane Iikar Amiin
oo halkaa ka soo jeediyey qudbad aad iyo aad u wanaagsan muujiyeyna qiirad
wadaninimo islamarkaana ku tilaamay booqashadaan tii ugu wanaagsanayd ee
uu ka qaybgalo kulano layskuugu yimaado intii uu joogay dalka Sweden.
Mudana Ikar Amiin wuxuu kale uu halkaas ka sheegey
baahida loo qabo in dib loo soo nooleeyo maamul ineey yeelato magaalada
Muqdsho isagoo ballan qaaday wixii Documents ah ee uu ka hayo
maamulkii Muqdihu inuu ku wareejin doono Duqa
Gudoomiyaha
ururka soomaaliyed KT Cabdulaahi (Dhaqaale) Yaasiin Maaxi Dr Xuseen Cali,
Yusuf Cabdow Gudoomiyaha Ururka Daryeel iyo EX: ku xigeenkii Duqii hore ee
muqdsho Iikar Amiin IYO Maxmed Xasan Maadeey
Magalada
Muqdisho Dr. Xuseen Cali Axmed.
Asagoon hadalkii ku dheeraanaaynin ayuu wuxuu ku
daray:” Waxaa maanta sharaf wayn
ii ah anigoo ahaan jiray duqii magaaladii hore ee dawladii Siyaad Barre in
aan ku soo dhaweeyo Dalkaan Sweden Gaar ahaan Magaaladaan Katrineholm
walaalkeey ah Duqa
Magaalada Muqdsho Dr Xuseen Cali Axmed .” Dr Xuseen Cali Axmed oo
hadalkiisii bilaabay wuxuu yiri:
”Bismilaahi
Raxmaani raxiim waxaa sharaf ii ah in aan caawo halkaan kula kulmo dad
walaalaheey ah oo iiga horeeyey maamulka aan aniga masu’ulka ka ahay
islamarkaasna horey ugu soo shaqeeyey gobolkaan Banaadir ama aan iraahdee
horey ugula soo shaqeeyey MAYARKA magaalada Muqdsho taasi waxaay ii tahay
sharaf weyn waana ku mahadsan tihihiin casuumidaan sharafta leh Ilaaheeyna
haka Abaal mariyo intii soo abaabushay. Sida aad ka warqabtaan aniga
wadanka xoogaa ayaan ka soo maqanahay waxaanse soo aaday Nayroobi, Kenya
siyaabaha aan halkaas u soo aaday oo ah
1.Sida
aad la socotaan waxaa halkaas ka socdo shirkii14aad ee
dib u heshiisiinta Soomaalida. Hay`adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay
Nairobi ee qaabilsan arrimaha Soomaliya,
si aan warbixin uga siiyo
xaaladda guud ee magaalada iyo qaabka ugu haboon ee dib loogu soo celin
karo bilicsamidi magaalada Xamar oo mar ahaan jirtay goobaha ugu nadiifsan
magaalooyinka qaaradda afrika, isla markaasna ugala soo hadlo mashaariic
iyo sidii kaalmo dhaqaale iyo mid farsamo loogu heli lahaa magaalada
muqdishu. Intii aan joogay Nairobi waxaan marar badan is aragnay
masuuliinta Dowladda Ku-Meelgaarka qaastan Dr
C/qaasin Salaad Xasan waxaana uga warbixiyey hay’adihii aan la kulmay
iyo rajada wacan ee aan ka qabo inaan ku qanciyo hay’adaha ka goys
adeegaya inaan Muqdishu wax laga qaban karin. Annigoo tusaale u soo qaatay
mashruucii nadaafadda ee magaalada oo ay maalgelintiisa ay bixisay
hay’adda ILO, in xamar wax laga qaban karo waxaa ka marqaati kacayo
fulinta hawsha baaxadda leh ee nadaafadda oo 6 degmo ku koobnayd, markaan
hay’adda ILO iyo UNDP ka codsaday in mashruuca baahi weyn loo qabo kana
mid yahay mashaariicda abuuri karta fursado shaqo, waxaan codsaday in
mashruuca la fidiyo muddo hal sano, lana wada gaarsiiyo 16 degmo ee
magaalada ka kooban tahay, iyadoo degmo walba aan u codsaday in loo
shaqaaleeyo 300 oo qof. Hay’adda markay muddo soo daristay waxay
oggolaatay in mashruuca la gaarsiiyo hal sano,
in lagu fidiyo dhamaan degmooyinka gobolka Banadir iyo in degmo
kasta laga shaqaaleeyo 100 qof iyadoo sabab uga dhigay dhaqaale xumo
hay’adda la soo deristay sannadkan.
Sidoo
kale waxaa meel wanaagsan marayo in wax
laga qabto waddooyinka magaalada oo aad u burburay taasoo aan rajaynayo in
kuwa ugu horeeyo ay ka bilawdaan magaalada xamar, kaddib markaan dhowr
hay’adood aan u bandhigay daraasad faahfaahsan oo ay diyaariyen khubaro
Soomaliyeed aadna loogu riyaaqay, mabda’ahaan la waafaqay in sannadkan
2004 la bilaabo dib u dhiska iyo dayactirka waddooyinkaas.
”Intii
aan Nayroobi joogay waxaa ii suurtagalay inaan la kulmo Wakiilka
Hay’adda WHO u qaabilsan Somaliya oo fadhigiisu yahay Nayroobi, waxaana
kala hadlay caafimaad xumida magaalada ka jirta iyo sidii wax looga qaban
lahaa; annaga iskaashi soko oo arrintaas aan ka leenahay wasaaradda
caafimaadka, waxaana halkaas ugu gudbiyey mashruuc biyo gelinta ee
magaalada kaasoo oo ay noo diyaariyeen khubaro Chinese ah, aadna wuu ugu
farxay wuxuuna ballan qaaday inuu maalgelin u raadin doono.
2.
Inaan ka qaybgalo Shirka Nabadaynta Ummadda Soomaaliyeed uga socda
Nayroobi oo aan warbixin uga siiyo maqaamka gaarka ah ee yeelan doonto
magaalada muqdishu, taasoo markii ugu horeysay lagu soo hadal qaaday
shirkii nabadaynta ee Djibouti 2000, laakin uu dhaqan geli waayey
duruufaha adag ee ka jiray magaalada. Sida aad la socotiin Shirka wuxuu
soo maray marxalado kala duwan kuwaas mararka qaarkood aad isleedahay
shirkii wuu burburay, laakin mahad ha ka gaarto waxaa mar waliba arrintaas
badbaadinayey hay’adaha caalamiga iyo urur goboleedka IGAD oo mar waliba
uu khilaaf soo kala dhexgelo kooxaha halkaas ku shirayo culus weyn saarayo,
isla markaasna u soo bandhigayey kooxaha Soomaaliyeed
options kala duwan iyo
inay isu tanaasulaan.Waa Ilaah mahadii shirka maanta wuxuu leeyahay raja
wanaagsan, koox waliba tanaasul ayey keeneen ahna mid lagu amaani karo
hoggaamiyaasha taasoo aan hore looga baran, haddana weli waxaa dhici karta
in caqabado kale soo baxaan. Sidoo kale shirka qiimahiisa wuxuu kor u
kacay kaddib markii xulitaanka xildhibaanada ay gacan weyn ku yeesheen
hoggaamiyaasha bulshada, waxaana u rajaynaya in wejiga seddexaad ee
dhawaan ka furmi doono Nayroobi uu noqdo mid soo afjara khilaafaadkii
siyaasadeed ee soo jiitamayey 14kii sano ee la soo dhaafay, loona gudbo
dib u heshiisiin dhab ah iyo is cafin guud wadada u sii xaarto Dawlad
Soomaliyeed oo awood leh dibna u soo celiso sharaftii iyo karaamadii ay
lahayd Ummadda Soomaaliyeed.Waxaay waayo aragnnimada na bartay Dawladda
loo dhiso Soomaaliya oo beesha caalamka gacmaha ka laabtaan, haddana tan
lagu soo dhisi doono Nayroobi micne
yeelan mayso haddaan beesha caalamka eeyna la barbar istaagin wax qabad
dhab ah dawladda curdunka ee dhalan doonto kana kaalmayn qaybaha tiirarka
u ah jiritaan qaran waxaana qaybahaasi ka mid ah:
1)
In la dhaqan celiyo maliishiyaada faraha badan oo mar kasta qalqal geliya
nabadda iyo xasiloonida, iyadoo loo furayo tababar dhinaca xirfadaha kala
duwan si ay mustaqbalka ugu shaqeystaan.
2)
In la helo barnaamij maliyadeed iyo kaalmo farsamo oo u kala qorshaysan mid
gaaban iyo mid dheer.
3)
In la sameeyo tirakoob dadka, xoolaha iyo guryaha si loogu jaangooyo
qorshaha horumarinta dalka
4)
In dib loo hagaajiyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha
garoomada diyaradaha, waddooyinka
iyo kaabaha laysaga gudbo.
5)
In dib loo yagleelo hawlaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo
sportiga, nadaafadda iyo arrimaha daryeelka deegaanka.
6)
In mudnaanta koowaad la siiyo biyaha iyo korontada, laguna dadaalo in loo
sameeyo asaas adag oo si
sahlan loo horumarin karo.
7)
In Horumarinta warshadaha lagu saleeyo kuwa qalabka ceerin laga heli karo
soomaaliya iyo in loo sameeyo goobo ka xor ah canshuuraha (industrial
free zone),
8)
In ganacsiga la madax banaaneeyo iyadoo loo samaynayo qawaanin
dhiirigelinayso soo jiidasho maalgelin shisheeyo iyo shuruuc damaanad
qaadi karto hantidooda.
9)
In khayraadka faraha badan ee Ilaah ku manaystay Ummada Soomaaliyeed sida
beeraha, xoolaha, khayraadka badda iyo macaadiinta loo sameeyo qorshooyin
iyo jaangooyo lagu salaynayo baahida ummadda iyo baahida ka jirta suuqyada
aan wax u dhoofinayno iyo amar ku taaglayn.
10)
In dalka laga hirgeliyo ismaamul goboleedka ay dadka deegaanka ay si xor
ah ugu dooran karaan maamul ka hufan qof jeclaysi,
11)In
dalka loo diyaariyo axsaab siyaasadeed iyo doorashooyin xor ah,
12)
In la ilaaliyo xuquuqul insaan; si
gaar ah loo ilaaliyo xuquuqda kuwa
laga tiro badan yahay
13)
Cahdiga, shuruucda iyo qawaaniinta dalka loo dejinayo waa inay noqdaan
kuwa ku salaysan baahida iyo dhaqan bulshadeedka Ummadda
Soomaaliyeed,

Gudoomiyaha
ururka soomaaliyed Cabdulaahi (Dhaqaale) Cali Axamed Dr Xuseen Cali, Yusuf
Cabdow Gudoomiyaha
Ururka Daryeel EX: ku xigeenkii Duqii hore ee muqdsho Iikar Amiin IYO
Maxmed Xasan Maadeey
Markii
aan ka soo tegayey magaalada Xamar (Muqdsho) waxaa xilkii ku sime ahaan
ugu dhiibay ku-xigaha 1aad ee duqa magaalada Dr. Mohamed Cabdulqaadir, oo
aan marar badan oo dibedda safar ugu kicitimay ugu dhiibay, wuxuu xilkiisa
u gutay si waafaqsan sharciga iyo nidaamka u deggsan dawladda hoose,
isagoo kaashanayo aqoontiisa iyo waaya-aragnnimadiisa hawshii iyo
mas’uuliyadii loo dhiibay uu uga soo baxay si xilkasnnimo iyo wadannimo
ku dheehan tahay,
Waxaan
halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo gudbinaya degmooyinka Gobolka
Banaadir oo beryahan dambe xoojiyey nidaamka difaaca amniga kaasoo saldhig
u noqon karo nabadgelyo guud oo lagu soo dabaalo magaalada muqdishu. Sidoo
kale urrurada kala duwan ee haweenka gobolka oo mar waliba aan ka daalin
hawl kasta oo laga hirgelinayo gobolka, sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo
urrurada dhallinyarada oo mar waliba u duuban inay ka hortagaan kaddibna
xaliyaaan dhacdooyinka iyo gacan ka hadalka ka dhaco magaalada.”


Dr Xuseen Cali Axmed iyo MAYARKA
Katrineholm Mr Jan Larrsson
16kii
bishii Febaraayo waxaa lagu casuumay ee uu tegay xafiiska Duqa Magaalada
Katrinholm, Mr. Jan Larsson, wuxuuna warbixin ka siiyey baaxadda
Magaalada Katrineholm iyo dadka ku dhaqan, meelaha dhaqaalaha ka soo galo
iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin, sidoo kale Dr Xuseen Cali Axmed wuxuu
warbixin guud ka siiyey xaaladda Magaalada Muqdishu, dhibaatooyinka
dawladda hoose haysto iyo siday gacan uga siin lahaayeen. Waxaa
kale ee uu Dr Xuseen Cali Axmed ugu warbixiyey rajada laga qabo dib u
heshiisiinta ka socoto Magaalada Nairobi oo laga rajaynaayo inay ka
dhalato dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Taasoo beesha caalamka
aqoonsi iyo malgelin ku yaboohi doonto. Waxaana uu u soo bandhigay in
labada Magaalo la mataaneeyo ee uu iskaashi dhex maro labada dhinac.


Dr
Xuseen Cali Axmed iyo Mayrka Katrineholm Jan Larrsson Baarlamaanka Degmada
Katrineholm
Duqa
magaalada Katarinholm Mr Jan Larsson wuxuu ku martiqaaday Dr Xuseen Cali
Axmed inuu ka qaybgalo shir
bileedka Golaha Baarlamaanka ee deegaanka magaalada halkaas galabnnimadii
oo aad iyo aad loogu soo dhaweyey, markii uu shirka xirmayna, wuxuu
warbixin siiyey qalabka warbaahinta ee magaalada ssup.org ,
halkaasoo fikrad guud ah ka siiyey xaaladda ay ku sugan tahay magaalada
Muqdishu iyo sida ay dawladda hoose iyo guud ahaan Gobolka Banaadir
diyaarka ugu yahay inuu wax ka qabto baahida faraha badan ee magaalada ka
jirto, wixii awoodooda ka baxsanna ay ula kaashanaayaan beesha caalamka.
18kii
Febaraayo wuxuu u duulaya Goteborge oo ah magaalo madaxda labaad ee
Sweden halkaas oo aay ku soo dhaweeyeen Odayaal Soomaaliyeed oo magaalda
degen oo aay ka mid yihiin Prof Xasan Axmed Ochkio, Cabdulaahi
Hantiwdaag, Yusuf Muuse Dheere, Axmed Ismaaciil Gare iyo Axmed Warsheekh
oo ahaa odayaasha iyo gudoomiyaha Ururka Soomaaliyeed ee halkaas ka dhisan.
Dr Xuseen Cali Axmed wuuu la kulmay Goteborge-Initiative iyo Jaamacada
Gotenborg halkaas uu ku soo bandhigay maraxalada aay ku sugan tahay
magaalo madaxda Soomaaliya, Muqdisho, sidoo kale waxaa laga wada hadlay
sidii xiriir saaxiibtinimo aay u wada yeelan laahaayaan labada wadan gaar
ahaan labada gobol Goteborge iyo Muqdisho
I,
Dr. Hussein Ali Ahmed, the Mayor of Mogadishu, would like to express my
gratitude to everyone that contributed to the success of my recent trip on
February 15-20, 2004 to Katrineholm in Sweden and Gotenborg. It has been a fruitful and important visit which further
contributed to the links which exist between Somalia and Sweden.
I
am particularly thankful to the Mayor of Katrineholm and its great mayor,
Hon. Jan Larrsson, who gave us his assistance. I owe special thanks and
gratitude to the Head of International Relations of the Social Democratic
Party in Katrineholm, Mr. Yassin Mahi.
My
best wishes to all the people of Katrineholm for hosting me and for
welcoming so many Somali people.
20kii
Febraayo wuxuu dr Xuseen Cali Axmed u sii dhoofay UK,
LONDON. Halkaas uu usbuuc sii joogi doono isagoo ku sii socda Dubai
iyo Soomaaliya Kenya
Warbixintan waxaa soo
diyaarshay:
The
Head of International Relations of the
Social
Democratic Party in Katrineholm, Mr.
Yassin
Mahi
maaxi@hotmail.com
_________________________________________________
A
TALKING POINT BY
Yaasiin Maaxi Macalin
Email: maaxi@hotmail.com
|
| |
Yassin
Maaxi Macalin
| |
|
|
Yaasiin Maaxi Macalin
wuxuu ku bar baaray kuna dhashay magaalada Muqdisho waxabarashadiisana
waxay ahayd ilaa heerka dugsiga sare wuxuu ahaa ciyaartooyda kubada kolayga ee
xulka GOBOLKA BANAADIR iyo ciyaartoydii heerka koowaad ee kubada kolayga u
ciyaari jirtay naadiga Badda, Yaasiin Maaxi Macalin wuxuu wadankiisa Hooyo (SOOMAALIYA)
ka soo tagay sanadka markuu ahaa 1988, wuxuuna Iminka ku nool yahay dalka
Sweden, isagoo xubin fir-fircoona ka ah xisbiga social democratic ee haya
maamulaka dalkaas. Yaasiin Maaxi Macalin waa qoraa
wuxuuna ku soo caan baxay buugiisii ugu horeeyey ee uu qoray (SHEEKEEYE)
iyo buugiisa 2aad oo
isgana ahaa FURAHAFARBARASHADA oo ah buug farbarasho......
_________________________________________________
BOOKS
BY Yaasiin
Maaxi Macalin
New in Books
Sheekeeye
Book Description
Sheeko xariirooyinka hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed
About the Author: Wuxuu ku nool yahay dalka
Sweden, isagoo xubin fir-fircoona ka ah xisbiga Social Democratic ee haya
maamulaka dalkaas Sweden Read
more
_________________________________________________

 
|