|
    

Waa maxay xukumka islaamku ka qabo qofka
aaminay ‘Dimuqradiyadda’ ee
ku hawlan sidii loo dhaqan gelin lahaa?
Jawaabtu waa, Ilaahay wuxuu yidhi {WA-MAN-YABTAQII-QAYRAL-ISLAAMI-
DIINAN FALAN YUBALA MINHU WAHUWA FIL AAKHIRATI MINAL KHAASIRIIN}
"WAMAN LAM YAXKUM BIMAA
ANZALA LAAHU FA'ULAA'IKA HUMUL KAAFIRUUN"
"Wa MAN LAM-YAXKUM
BIMAA ANSALA LAAHU FA ULAA’IKA HUM ALFAASIQUUN"
SUNDAY,
SEPTEMBER 04, 2005
AQRISO
AXDIGA KU MEEL GAARKA AH DOWLADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA
Hor
dhac
Bismilahi Raxmaani Raxiim
Anagoo ah ergada wakiilka ka ah dadka Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxaan
si rasmi ah ugu heshiinay inaan dejino Axdigaan federaalka ku meel
gaarka ah:
Hadaba anagoo:
Go’aansanay in aan ku wada noolaano nabad, midnimo, aan qeybsanayn iyo
madaxbanaani lehna suyaado qarameed.
Garwaaqsanay ku xadgudubyadii cuslaa ee xaquuqda adanaha ee loo geystay
dadka Soomaaliya iyo in la soo celiyo nabad gelyadii, dimuquraadiyada,
sharci ku dhaqankii, cadaaladii bulshada, sharaftii iyo wadajirkii dadka
Soomaaliyeed.
Si Dhab ah u dhisanay, korinaynana Dowlada Federaalka ku Meel Gaar ah.
Go’aansanay inaan xoojino dib u heshiisiin, midnimo qaran iyo xukun
wanaag.
Sidaas awgeed waxaa aanu qaadanay oo aanu u dajinay ummadda Soomaaliyeed
Axdigan.
QEYBTA
1AAD
SIYAASADA IYO DHULKA
QODOBKA 1
DHISMAHA DOWLADA FEDERALKA KU MEEL GAARKA AH.
1) Jamhuuriyada Soomaaliya waxay yeelan doontaa
Xukuumad Federaal ku meel gaar ah oo ku salaysan rabitaanka dadka
Soomaaliyeed.
2) Magaca dowlada qaran waxaa uu noqon doonaa
“Dowalada Federaalka Ku Meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya”.
3) Axdigan “Jamhuuriyada Soomaaliyeed” waxaa loola
jeeda “Soomaaliya” “Jamhuuriyada Soomaaliya” iyo “Jamhuuriyada
dimuqraadiga ee Soomaaliya”.
QODOBKA 1:1
SIYAADADA DADKA SOOMAALIYEED
1) Dhamaan awooda siyaddada waxaa leh dadka
Soomaaliyeed, waxayna ugu dhaqmi karaan si toos ah ama si dadban iyagoo
u maray wakiiladooda, si waafaqsan Axdiga iyo shuruucda dalka.
2) Xoriyada ku dhaqanka siyaaddada looma xilsaari karo
qof, koox ama dabaqad mana jiro qof iskiis/iskeed isugu xilsaari kara
ama fulin kara awood dowladeed oo aan ka soo jeedin Axdiga.
3) Dowladu waxay dhiirigalineysaa Midnimada dadka
Soomaaliyeed, horumarinta dhaqanka , hidaha iyo caadooyinka.
QODOBKA 2
DHULKA
1) Wadajirka dhuleed iyo siyaadada Jamhuuriyada
Soomaaliya waa laguma xadgudbaan, lamina qaybin karo.
2) Siyaasada dhulka ee Jamhuuriyda Soomaaliyeed waxay
ka kooban tahay dhulka Jasiiradaha, dhulbadeed, gunta dhulka , hawada
sare, iyo goobta ay qaarada kaga taal.
3) Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxay leedahay xuduudaha
soo socda:
a) Waqooyi
Gacanka Cadmeed
b) Waqooyi Galbeed
Jabuuti
c) Galbeed
Itoobiya
d) Koofur iyo Koofur galbeed Kenya
e) Bari
Badweynta Hindiya.
QODOBKA 3
SAREYNTA SHARCIGA
1) Jamhuuriyada Federaaalka ku Meel Gaarka ah ee
Soomaaliya waxay ku dhisan tahay sarraynta sharciga, waxaana lagu dhaqi
doonaa si waafaqsan Axdigan
2) Axdiga Dowlada federaalka ku Meel Gaarka waa xeerka
ugu sareeya oo ay hoos yimaadaan dhamaan dadka iyo hayadaha awoodda leh
wuxuuna ka dhaqan galayaa dhamaan jamhuuriyada Soomaaliyeed. Sharci
kasta oo aan la socon Karin ama ka hor imaanaya Axdigan wuxuu noqonayaa
wax kama jiraan.
3) Jiritaanka, sharcinimada habka fulintiisa ama
faafinta Axdigan ma jirto maxkamada, waax ama wakaalad (Hayad) dowladeed
ka horiman karta.
QODOBKA 4
FASIRAADDA AXDIGA
1) waxaa Axdiga loo turjumayaa habka ah:-
a) horumarinta dib u heshiisiin qaran, midnimo iyo
qiyamka dimuqraadiyadda.
b) Horumarinta qiyamka xukun-wanaagga.
2) Sare u qaadidda sharafta, Wadajirka, xuquuqda iyo
xorriyadaha aasaasiga ah iyo ku dhaqanka
sharciga.
3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu maxkamad sare
hor keeno cabasho la xirirta I sharciga la faafiyey nuxur ahaanama qeyb
ahaan uu yahay mid ka hor imaanaya Axdiga.
4) Maxkamada Sare waxa ay cabashooyinkaas go’aan uga
gaaraysaa sida ay u kala udan yihiin
QEYBTA
2AAD
JAMHUURIYADA SOOMAALIYA
QODOBKA 5
MAGAALO MADAXDA SOOMAALIYA
1) magaalo madaxda Jamhuuriyada Soomaaliya waa
Muqdishu (Xamar)
2) golaha shacadka ayaa soo saari doona sharciga lagu
maamulayo magaalo madaxda.
QODOBKA 6
CALANKA IYO ASTAANTA
1) Calanka qaranka ee Dowlada Federaalka ku Meel
Gaarka ah waa buluug furan, cirka u eg, afar gees ah, dhexdana ku leh
xidig cad shan gees leh madaxyo siman leh.
2) Astaanta Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay
ka kooban tahay: Gaashaan buluug furan oo leh xidaayad dahabi ah,
dhexdana ku leh xiddig shan geesley ah oo dheeh qalan ah leh.
3) Gaashaan dushiisa waxaa ku yaal rukumo carbeed oo
xardhan, lehna shan madax oo dahabiya oo ay labada geesaha ku yaalla ay
kala qaaran yihiin, hareerahana waxaa ka haya laba shabeel oo dabiici ah
oo isku began kuna kala taagan laba waran oo isku waydaarsan caarada
hoose ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen cawbaar dabiici ah,
diilin caddina ku qoofalan tahay.
QODOBKA 7
AFAFKA DALKA
1) Afafka rasmIga ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya waa
afka Soomaaliga ( Maay iyo Maxaatiri) iyo afka carabiga.
2) Afafka labaad ee Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka
ah waa Ingiriisiga iyo Talyaaniga
QODOBKA 8
DOWLADA IYO DIINTA
1) Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyada Soomaaliya
2) Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah shuruucda
qaranka.
QODOBKA 9
ASTAAMAHA QARANKA
1) Calaamadaha qaranka ee Jamhuuriyda Soomaaliya waxay
ka kooban yihiin:
a) Calanka Qaranka
b) Heesta Qaranka
c) Astaanta Qaranka
d) Shaabadaa Rasmiga ah.
QEYBTA
3AAD
JINSIYADA
QODOBKA 10
JINSIYADA
1) Qof kastoo ahaa muwaadin Soomaaliyeed xilliga
Axdiganu dhaqangaley wuxuu ahaanayaa muwaadin Jamhuuriyada Soomaaliya.
2) Qof kasta oo aslkiisu Soomaali yahay wuxuu xaq u
leeyahayjinsiyada Jamhuuriyada Soomaaliya, oo ay shardi tahay:
a) Inuu/Inay ku dhashay/ku dhalatay Jamhuuriyada
Soomaaliya, ama
b) Aabihiis/aabeheed uu haysto Jinsiyad Jamhuuriyada
Soomaaliya.
3) Qofka sifaha qodobkan ku haysta jinsiyadda lagma
qaadi karo.
4) Qof kasta oo ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya
wuxuu qaadan karaa labo Jinsiyadood.
5) Golaha shacabka ayaa ku meel marin doona labo iyo
tobon bilood gudahood sharci habeynaya arrimaha Jinsiyada.
QEYBTA
4AAD
DOWLADA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH
QODOBKA 11
1) Dowlada Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya waxay
yeelan doontaa xukun qeybsan oo ku salaysan nidaamka federaalka.
2) Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka kooban tahay:
a) Xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ah
b) Dowlada –Goboleedyo (Labo gobo lama in ka badan
oo is raaca, iyadoo la dhowrayo rabitaanka xorta ah)
c) Maamulda Gobolada iyo
d) Maamulo Degmo
3) Axdigan ayaa saldhig u noqon doona Dastuurka
Federaaliga ah.
b) Muddada la diyaarnayo Dastuurka cusub, waxaa barbar
socon doona tirakoob qaran.
c) Ka dib, waxaa la sameyn doonaa afti qaran oo ay
beesha caalamka kor joogteyso si loo ansixiyo dasturka cusub.
d) Xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay beesha
caalamka weydiisan doontaa kaalmofarsamo iyo mid dhaqaale
4) Xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay
kobcineysaa, horumarineysaana dowlad- goboleedyada, maamul goboleedyada,
iyo degmooyinka si waafaqsan sharciga, iyadoo la raacayp tilmaamaha
guddiga dasturka federaalka iyo ansixinta golaha shacabka ku meelgaarka
ah ee dhismaha Dolwada Federalka Ku Mee Gaarka ah.
5) Dowlad goboleedyada, maamul goboleedyada iyo
demooyinka waxay ka kooban yihiin deegaanada dalka oo dhan.
6) Golaha wasiirada xukuumada Federalaka ee ku meel
gaarka ah waxay 90 maalmood gudahood marka xilka ay qabtaan u soo
jeedinyaan Madaxweynaha magacyada dadka loo magacaabayo Guddiga madaxa
banana ee dastuurka Federaalka si loo hubiyo hirgalinta habka federaalka
mudadii Axdigan lagu xadiday.
7) Golaha shacabka ayaa dejin doona sharciga qeexaya
howsha guddigan, aqoonta iyo shuruudaha shaqada xubnaha.
8) Iyadoon wax loo dhimin faritaanada Axdigan ee la
xiriira dhismaha wasaaradaha xukuumada, waxaa la dhisi doonaa Wasaarada
Federaalka iyo Arrimaha Dastuurka oo u xil saran djaqan galinta arrimha
dastuurka iyo federaalka.
9) Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxat
hubineysaa in la dhaqan galiyo habka federaalka labo sanno iyo bar
gudahood laga bilaabo marka Guddiga la dhiso.
10) Haddii Xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah ay
ku guul daraysato in ay ku baahiso habka Federaalka Dalka oo dhan
muddada loo cayimay ee ah labo sanno iyo bar, Xukuumada Federaalka ku
Meel ah Gaarka ah waxay golaha Shacabka weydiisan doontaa cod kalsooni
ah, hadday wetdana waxaa la dhisi doonaa xukuumad cusub iyadoo la
raacayo sida uu tilmamayo Axdigan.
11) Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee lagu
dhisay Farqada (8) waa in ay ku gaarsiisaa dhamaan dalka Soomaaliya
habka Federaalka sannad (1) gudihiis, haddii ay ku guul dareysatana
waxaa lagu dhaqamayaa faritaanada qodobka 11(8) ee kor ku xusan.
QODOBKA 12
KABAYAASHA DOWLADA
1) Waxaa jiri doona hayadaha kaabayaasha dowlada ee
kala ah:
a) Hanti Dhowrka Guud
b) Xeer Ilaaliyaha Guud
c) Xisaabiyaha Guud
d) Gudoomiyaha Bangiga Dhexe
e) Garyaqaanka Guud
2) Golaha Shacabka ayaa dejin doona sharciyada qeexaya
howlaha Kaabayaasha ku xusan qodobka 13 (1).
3) Hayadaha kor ku xusan waxay howshooda iyo
masuuliyadooda ka fulin doonaandalka oo dhansida uu qabo sharciga.
QODOBKA 13
QEYBINTA KHEYRAADKA IYO XILALKA
1) Dowlada Federaalka ku Meel Gaarka ah waxa ay mel
marin doontaa sharci xaqiijinaya isudheelitirka iyo qoondeynta
kheyraadka dalka.
2) Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxa ay
sugeysaa in damaan magacaabista xilalka xukuumada ay ku saleysnaadaan
aqoon iyo xaqsoor muwaadiniinta dhexdooda ah.
QEYBTA
5AAD
ILAALINTA XAQUUQDA AASAASIGA IYO XORIYADA DADKA
XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO XORIYADDA
QODOBKA 14
XUQUUQDA AADANAHA IYO SHARAFTA
1) Jamhuuriyada Soomaaliya waxay aqoonsaneysaa,
hirgalineysaa heshiisyada caalamiga ah ee la xiriia xuquuqda aadanaha oo
ay Jamhuuriyadu qayb ka tahay.
2) Muwaadin waliba wuxuu xaq u leeyahay:
a) Degaan, Shaqo, Socdaal xor ah meel kasta oo ka
tirsan dalka.
b) Abaabulo, aasaaso, ka qeybgalo ururo siyaasadeed,
shaqo, xirfad ama bulsho oo waafaqsan sharciga, iyadoon amar la soo
weydiin dowlada.
c) Doorasho ka qeyb galo markii dadiisu gaarto 18
sanno
d) Iyado la raacayo sharciga uu u tartamo shaqo kasta
oo bannaan.
3) lama faragalin karo is gaarsiinta shakhsiga gaarka
u ah.
QODOBKA 15
U SINAANTA MUWAADINIINTA SHARCIGA HORTIISA.
1) Muwaadiniinta Jamhuuriyada Soomaaliya oo dhami wey
u siman yihiin sharciga iyo faritaanada Axdiga ku meel gaarka ah,
wuxuuna qof waliba xaq u leeyahay in uu sharciga ka helo badbaadin iyo
ka faaiideysi siman iyagoo aan look ala saarin midab, dhalasho, luuqad,
diin, lab/dhedig iyo siyaasaduu aaminsan yahay.
2) Sinaanta waxaa ka mid ah helitaanka xuquuq buuxda
iyo xorriyad taam ah.
QODOBKA 16
XUQUUQDA NOLOSHA, XORIYADA GAARKA AH IYO BADBAADADA
1) Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay xuqquda nolosha,
qofna lagama qaadi karo.
2) Qofna lagama qaadi karo xoriyadiisa gaarka ah iyo
badbaadada qofeed.
3) Qofna lama baari karo oogadiisa, gurigiisa iyo
hantidiisa iyadoo aan la helin awood garsoor haddaanay la xiriirin
caafmaad iyo canshuur. Mar waliba waa I sharafta gaarka iyo xurmada
qofka la dhowraa.
4) Waa denbi ciqaab mudan ah falalka qofka jirkiisa
ama maskaxdiisa wax u dhimaya ama xadidaya xoriyadiisa.
5) Qofna lama xiri karo lamana xadidi karo xoriyadiisa
gaarka ah, aan ka ahayn marka lagu qabto isagoo denbi faraha kula jiro (Flagrante
delicto) ama amar kale oo garsoor.
6) Sida lagu qeexay sharciga, qofkii lagu xiray tuhun
ama la cadaadiyo xoriyadiisa muddo 48 saacadood gudahood ah waa in la
hor keenaa maxkamadda awooda u leh garsoore xaqiijiyaa.
QODOBKA 17
XUQUUQDA LA XIRIIRTA DACWO QAADISATA
1) Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu daco hor
dhigi karo maxkamada ay khuseyso.
2) Qof waliba oo lagu eedeeeyo fal dambi:-
a) waxaa loo qaadanayaa in uusan danbiile ahayn ilaa
ay maxkamada awooda u leh ku caddeyso.
b) Waxaa lagu arglinayaa waqti macquul ah iyo af uu si
wanaagsan u garanayo nooca danbiga lagu oogay.
c) Waxaa la siinayaa waqti ku filan iyo tas-hiilaad
isu diyaarin difaac heer kasta oo dhageysiga dacwada.
3) Qof wliba oo la xiray, la xabiso ama la xayiray
waxaa loo ogol yahayin uu is difaaco maxkamada horteeda shakhsi ahaan
ama la xiriiro ehelkiisa iyo qareenkuu rabo mar alle markuu doono.
4) Qof waliba oo lagu soo oogay danbi ciqabtiisu
gaareyso labaatan sanno xarig ah, xabsi daa’in ma dil, wuxuu xaq u
yeelanayaa in loo qabto qareen lacag la’aan ah.
5) Xeerka ciqaabta, masuuliyada madaniga iyo maamulka
ee shaqaalaha dowlada waxaa qeexi doona sharci.
QODOBKA 18
SHAQADA
1) Qof shaqaale ah lama xaqiri karo, wuxuuna xaq u
leeyahay mushahaar, gunno u dhiganata howsha uu qabtay iyo faaiidooyin
kale o lagu qeexi doono xeerka shaqada iyo shaqaalaha dalka.
2) Shaqaalaha waxay xaq u leeyihiin nasasho todobaadle
ah iyo fasax sanadeed lacag leh lagumana qasbi kari inuu waayo.
3) Saacadaha shaqada shaqaalaha waxaa qeexi doona
sharci.
4) Dowladda waxay dejineysaa sharci da’da ugu yare e
qofka lagu shaqaaleyn karo iyo mushaarka ugu yare e shaqaalaha.
5) Markey awood u yeelato dowladu waxay u
balanqaadeysaa shaqaalaheeda (madani iyo ciidanba) xuquq howlgabnimo
waxay kaloo u balan qaadeysaa shaqaalaheeda si sharciga waafaqsan
gargaarista waqtiyada shilalka, jirada ama xil gudasho la’aanta.
Sharci gaar ah ayaa qeexi doona howlgabka shaqaalaha gaarka ah.
QODOBKA 19
XUQUUQDA KULANKA IYO XORIYADA SHAQO JOOJINTA
1) Qof waliba wuxuu /waxay xaq u leeyahay/leedahaya:-
a) in uu si xor ah ula shiri karo dad kale iyo in uu
gaar ahaan u sameysan karo ama ka mid noqon karo urur shaqaale ama ururo
kale si uu u ilaashado danihiisa.
b) In uu abaabuli karo, kana mid noqon karo shir ama
bannaan-bax kasta.
c) Inuu si xor ah fikradihiisa u gudbin karo oraah,
qoraal ama qaab kasta oo kale iyadoon faaf reeb lagu sameyn.
2) Shaqaalaha Dowlad Federaalka Ku Meel Gaar ah waxay
xaq u leeyihiin in ay dhistaan ururo shaqaale si ay u ilaaliyaan
danahooda sida uu qeexay sharciga.
QODONKA 20
XORIYADA WARFAAFINTA IYO WARBAAHINTA
1) Dowlada Federaalka ku Meel Gaarka ah waxay damaanad
qaadeysaa xoriyada dabacaadda iyo madaxbanaanida warbaahinta iyadoo la
raacayo sharciga.
2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in si xor ah uu u
gudbiyo fikradiisa qaabkii uu doono ilaa iyo xadka sharcigu u ogolaado
iyadoo la dhowrayo aqlaaqda iyo nabadgelyada guud.
QODOBKA 21
XUQUUQDA AASAASIDDA XISBIYO SIYAASADEED.
1) Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay
dhiirigalineysaa sameynta xisbiyo siyaasadeed sida sharcgu qabo.
2) Sida sharcigu qabo, dhamaan muwaadiniinta waxay xaq
u leeyihiin in ay ka mid noqdaan xisbiyi siyaasadeedoo leh qorshe
siyaasadeed oo si cad u qeexaya hadaf siyaasadeedkooda qaran.
3) Xisbiyada siyaasadeed waxay u furan yihiin dhaman
muwaadininta waana in ay hogaamisaa mabaadiida guud ee dimuqradiyada.
4) Waxaa reeban xisbi siyaasadeed kasta oo leh qaab
dahsoon, qaab dhismeed ciidan iyo/ama qaab qabiil.
5) Xisbiyada siyaasada waxaa u banana in ay bahoobaan
waqtiga doorashada ka hor dhexdeeda iyo ka diba.
6) Dhamaan muwaadiniinta buuxiya shuruudaha sharcigu
qeexay waxay xaq u leeyihiin in la doorto ama wax doortaan.
QODOBKA 22
XUQUUQDA AASAASIDA URURO BULSHO
1) Cidna lagama carqaladeyn karo xoriyadiisa
kulan,shirarka iyo in uu aasaaso ururo bulsho si sharciga waafaqsan.
2) Qofna laguma qasbi karo in uu ku biiro ama ka sii
mid ahaado urur.
3) Waxaa la diiwan galinayaa ururu kasta oo aan dowli
ahayn oo ay ujeedadiisu tahay xuquuqda aadanaha ama ilaalinta deegaanka,
waxaa loo ogolaanayaa in uu ka howlgalo jamhuuriyada federaalka
Soomaaliyasi waafaqsan heshiisyada caalamiga ah iyo shuruucda dalka.
4) Waxaa reeban dhisida ururo qarsoodi ahama kuwo leh
ciidan, difaac, ama ciidan u yaal.
QODOBKA 23
MAGANGELYADA SIYAASADEED
1) Dowladdu waxay siin kartaa magangelyo siyaasadeed
qof iyo xigtadiisoo ka soo cararay dalkiisa/dalkeeda ama dal kale in loo
cadaadiyo arrimo siyaasadeed, diimeed, iyo dhaqan darted haddii
magangelyo doonuhu galin danbi ka dhan ah biniaadanimada.
2) Waxaa qof eedeysne ah loo gudbin karaa wadankiisa
ama wadan kale haddii heshiis isu gudbineed uu u dhexeeyo Soomaaliya iyo
dalka weydiistay.
QODOBKA 24
WAXBARASHADA
1) Waarashada waxaa loo aqoonsanyaa xuquuqda aasaasiga
ay leeyihiin dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
2) Dhamaan muwaadiniita waxay xaq u leeyihiin in ay
helaan waxbarasho lacag la’aan ah ilaa dugsi sare.
3) Dowladdu waxay mudnaan siineyssaa horumarinta ,
baahinta iyo faafinta waxbarashada dadweynaha.
4) Waxbarashada waa in ay ahaa danta dadweynaha laguna
fidiyaa dalka oo dhan.
5) Waa in lagu dhisaa dugsiyada gaarka ah, Machadyada
iyo jaamacadaha si sharciga waafaqsanisla markaasna la socdaan
barnaamijyada iyo manaahijta waxabarashada dalka.
6) Dowlada waxay dhiiriglineysaa sare u qaadida cilmi
barista, farshaxanka, horumarka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka,
isboortiga iyo caadooyinka suuban ee dadka Soomaaliyeed.
7) Dowlada waxay dugsiyada dalka oo dhan ka
hirgalineysaa manhaj mideysan waxayna hubineysaa dhaqan galintiisa.
8) Dowlada waxay kobcineysaa waxbarashada sare isla
markaana dhisi doontaa machadyada farsamada, tiknoolajiyada, iyo
xarumaha cilmi barista.
9) Dowladau waxay hormarineysaa barnaamijyo waxbarasho
iyo manhaj mideysan ee dhamaan dugsiyada.
10) Waxaa qasab ah in l baro diinta islaamka caruurta
dugsiyada dowlada iyo kuwa gaarka ah.
QODOBKA 25
ILAALINTA QOYSKA
1) Qoysku waa aasaaska bulshada dhinacyada diinta,
anshaxa, iyo jaceylka dalka oo ah tiirarka qoyska.
2) Dowladu waxay dhowreysaa dhiirigalineysaana guurka.
3) Waalidiintu waa in ay ka tageeraan caruurtooda
waxbarashada isla markaana u daryeelaan sida sharcigu qabo.
4) Caruurta qaan gaarka ah, waxaa qasab ku ah in ay
taakuleeyaan waalidkood marka aaney isku filneyn.
5) Xil ayaa ka saaraan waalidiinta/daryeelaha
diiwaan-galinta caruurta marka ay dhashaan.
QODOBKA 26
DARYEELKA BULSHADA
1) Dowladu waxay balanqaadeysaa daryeelka bulshada
a) dowladu waxay masuul ka tahay ilaalinta iyo
gaarsiinta caafimaadka dadweynaha, xakameynta cudurada faafa,
badbaadinta hooyada iyo dhalaanka.
b) Daryeelka curyaamiinta, agoonta, garoobada (Widows)
dadka gaboobey iyo halgamayaasha u soo dagaalamay difaaca dalka.
c) Dowlada waxay dhiirigalineysaa abuurida bulshada
rayidka ahiyo machadyo horumarin bulsho, sida kuwa aan dowliga ahayn
(NGO), haweenka, dhalinyarada, ardeyda, xuquuqda aadanaha iyo ururo
xirfadeed.
d) Waxaa reeban shaqada sanduleynta ah iyo ciidameynta
caruurta da’doodu 18 ka yar tahay.
e) Sida sharcigu qabo caruurta da’doodu ka yar 18
lalama xiri karo dadka waaweyn.
f) Sharciga ayaa nidaaminaya dhisida xarumaha
caafimaadka gaarka ah iyo bukaan socod eegtooyinka.
g) Dowlada waxay dhowreysaa anshaxa guud ee bulshada.
h) Dowladu waxay ku dadaaleysaa sare u qaadida
daryeelka bulshada iyo horumarinta reer miyiga.
i) Dowladu waxay u abuureysaa haweenka jawi wax ku ool
ah oo ay si firfircoon uga qayb qaadan karaan dhaqaalaha, nolosha
bulshada iyo siyaasadda.
j) Sharciga ayaa qeexaya xiriirk ka dhexeynaya dowlada
federaalka ku meel gaarka ah iyo shaqaalaha dowladii hore.
QODBKA 27
DHAQAALAHA
1) Dhaqaalaha dalka waxaa lagu saleyn doonaa habka
suuqa xorta ah.
2) Dowladu waa in ay dhiirigalisaa, taageertaa, isla
markaana damaanad qaadeysaa maalgalinta shisheeye sida sharciga ku cad.
3) Xaqa lahaanshaha gaarka ah waxaa sugaya sharciga
isla markaana qeexi doona nuxurkisa iyo xuduudiisa
4) Sharcigu wuxuu dhowrayaa xuquuqda farsamo (Copywright)
farshaxanka sayniska iyo tiknoolajiyada wuxuuna habeynayaa nuxurkiisa
iyo xuduudiisa.
5) Hantida gaarka waa loola wareegi karaa dan guud
awgeed, iyadoo lagu bedelayo magdhow u dhigma oo aan lagala raagin. Hase
yeeshee, hantida waa celin karaa milikiilihii ama dhaxaltooyada sida
sharciga waafaqsan.
QEYBTA
6AAD
QAAB DHISMEEDKA IYO NIDAAMKA DOWLADA
QODBKA 28
GOLAHA SHACABKA
1) dhamaan awooda sharci dejinta ee Dowlada ku Meel
Gaarka ah waxaa leh Golaha Shacabka.
2) Jmhuuriyada Federaalka ku Meel Gaarka waxay lahaan
doontaa hal aqal oo gole shacbi ah.
3) Xubnaha golaha shacabka waxay wakiil ka yihiin
midnimada ummadda.
QODOBKA 29
TIRADA GOLAHA SHACABKA
1) Golaha shacabka Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah ee
Jamhuuriyada Soomaaliya wuxuu ka koobnaan doonaa 275 (labo boqol iyo
todobaatan iyo shan) xubnod oo ay ugu yaraa 12% (boqolkiiba laba iyo
tobon ) yihiin haween.
QODOBKA 30
XULITAANKA XUBNAHA GOLAHA SHACABKA
1) Golaha shacabka eek u xusan qodobka 29 waxaa loo
soo magacaabi doonaa sida soo socota:
a) Xubnaha golaha shacabka waxaa loo soo xuli doonaa
heer jifo hoosaad
b) Xubin kasta oo ka mid ah jifooyinka beesha waxa ay
xaq u leedahay in loo xulo golaha shacabka iyadoon loo fiirin in uu
shirka joogay iyo in kale.
c) Waa in habka xulidu uu noqdaa mid furan oo ay
hogaamiyeyaasha siyaasada, siyaasiyiinta, iyo hogaamiyeyaasha dhaqanku
ka qayb qaataan.
d) Marka ay hogaamiyeyaasha Dhaqanku ay soo ansixiyaan
magacyad xubnaha shacabka ee la soo xulay ayaa giddiga Maareynta iyo
fududeynta Soomaalida ayaa u gudbinaya Guddiga Fududeynta IGAD waqtiga
ku haboon.
2) haddii xubin baneyso jagadeda dhaqangalka Axdigan
ka dib waxaa jagada banaanaatay lagu buuxin doonaa habka ku xusan
qodobka 30 (1).
QODOBKA 31
SHURUUDAHA XULLIDA
1) Qofka kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu xubin ka
noqdo golaha shacbiga haddii uu :-
a) Yahay muwaadin Jamhuuriyada Soomaaliya
b) Da’diisu aanay ka yareyn shan iyo labaatan sanno (25)
c) Leh aqlaaq wanaagsan
d) Dhimirkiisu dhan yahay.
2) Wuxuu qofku waayi karaa xubinimada golaha shacabka
haddii
a) loo magacaabo xil xafiiseed oo aan ahayn xubin
golaha wasiirada
b) Ay cadaato in dhimirkiisu dhiman yahay
c) Lagu helo fal danbiyeed (Interdictable offence)
d) Horey looga qaaday xafiis dowladeed sababo
akhlaaq-xumo iyo musuqmaasuq awgeed.
QODOBKA 32
MUDDADA GOLAHA SHACABKA FEDERAALKA KMG AH
1) Muddada dowlada federaalka ku meel gaarka ah waa
shan (5) sanno.
2) Muddada golaha shacabka ku meel gaarka ah waxay ka
bilaaban doontaa taariikhda loo dhaariyo xilka waxayna socon doontaa
ilaa iyo taariikhda la ansixiyo doorashada xigta ee golaha shacabka.
3) Kulanka koowaad ee golaha shacabka wuxuu ku
qabsoomayaa 30 berri gudahood laga bilaabo marka sedex meelood laba
xubnaha golaha xilka loo dhaariyo.
4) Muddada golaha shacabka federaalka eek u meel
gaarka ah lama kordhin karo.
5) Fadhiga ugu horeeya ee golaha shacabka waxaa shir
gudoominaya xubinta ugu da’da weynilaa gudoomiyaha Golaha shacabka
laga doorto.
QODOBKA 33
WAAJIBAADKA GOLAHA SHACABKA
1) Golaha shacabka wuxuu qabanayaa waajibaadka soo
socda:
a) Doorashada Madaxweynaha Dowlada Federaalka Ku Meel
Gaarka ah
b) Dooorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenada.
c) Dejinta Sharuucda
d) Ansixinta iyo meel marinta miisaaniyada sanadeedka.
e) Meel marinta soo jeedinta kalsoonida xukuumada
f) Dejinta xeer hoosaadka
g) Baarista arrin kasta oo dan guud ah.
h) Qabashada dhageysiyo guud
i) Ansixinta heshiisyada caalamiga ah.
QODOBKA 34
KAL FADHIYADA GOLAHA SHACABKA
1) Golaha shacabku wuxuu yeelanyaa labo kalfadhi oo
caadi sanadkiiba.
2) Gudoomiyaha Golaha shacabka wuxuu isugu yeeri karaa
kalfadhi aaa caadi ahayn haddii ay codsadaan Madaxweynaha ama sedex
meelood hal meel xunaha Golaha.
3) Shirarka Golaha Shacabka iyo guddiyadiisu waxay
ansixi karaan haddii ay goobjoog yihiin hal dheeri xubnaha Golaha.
QODOBKA 35
XUQUUQDA IYO XASAANADA GOLAHA SHACABKA.
1) Xildhibaanada Golaha shacabka laguma eedeyn karo
ra’yiga ama aragtida uu ka soo jeediyo Golaha Shacabka.
2) Xildhiaanka laguma soo oogi karo dacwad ciqaabeed
lid ku a haddii aan lagu qaban isagoo dambi gacanta kula jira (Flagranto
delicto).
3) Xildhibaan lama weydin karo suaalo la xiriira
baaris danbiyeed, lamina baari karo oogadiisa iyo hoygiisa inta uu
gudanayo xilka golaha shacabka.
4) Golaha shacabka ayaa sameynaya sharciga gunnada
xubnihiisa taasoo ku kooban fadhiga golaha iyo guddiyadisa.
QODOBKA 36
SHARCI DEJINTA
1) Marka golaha shacabku u soo saaro sharci waxaa loo
gudbnyaa Madaxweynaha si uu ansixiyo.
2) Madaxweynaha labaatan iyo koow (21) Maalmood
gudahood marka sharci loo soo gudbiyo si uu u ansixiyo sida ku qeexan
qeybta (1) waxaa uu u cadeynayaa guddoomiyaha Golaha shacabka in uu
ogolaaday ama diiday sharcigaas.
3) Haddii madaxaweynuhu diido in uu ku ansixiyo sharci
la soo hor dhigay afar iyo toban (14) Maalmood gudahood, wuxuu qoraal
tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si wax
looga bedelo uu u gudbinayaa gudoomiyaha golaha shacabka.
4) Golaha shacabku wuxuu dib u eegayaa sharciga
Madaxweynaha ku soo celiyeyiyagoo tixgalinayaa faalada madaxweynaha
waxayna:
a) ogolaanayaan soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax
ka bedelaya ama aan wax ka bedelin, kuna celinaya mar kale madaxweynaha
si uu u ogolaado ama
b) Diidayaan soo jeedinta madaxwynaha waxayna
ansixinayaa sharcigi hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu
meelmarinayo cod bixinaan ka yareyn 65% xildhibaanada golaha shacabka
taasoo madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14) maalmood
gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.
5) Faafinta sharci uu sameeyey golaha shacabka ma
dhaqan gali karo ka hor inta aan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee
dowlada.
QODOBKA 37
SARAAKIISHA GOLAHA SHACABKA
1) golaha shacabku wuxuu yeelan doonaa:
a) Gudoomiye
b) Laba Gudoomiye ku xigeen iyo
c) Saraakiil kale oo Golaha shacabku magacaabo.
2) Fadhigiisa ugu horeeya golaha shacabku wuxuu iska
dhex dooranayaa Gudoomiye iyo Laba ku xigeeno.
QODOBKA 38
HOWL SOCODSIINTA GOLAHA.
1) fadhiyada Golaha waxaa gudoominaya:
a) Gudoomiyaha
b) Mid ka mid ah ku xigeenada haddii gudoomiyaha maqan
yahay, amase
c) Xubin golaha doorto haddii gudoomiyaha iyo ku
xigeenadiisu maqan yihiin.
QEYBTA
7AAD
XUBINTA LABAAD
MADAXWEYNAHA
QODOBKA 39
1) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya waa:
a) Madaxa Dowlada
b) Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida
c) Astaanta Midnimada Qaranka
2) Madaxweynuhu wuxuu awoodiisa u gudanayaa si
waafaqsan Axdiga iyo shuriicda dalka.
3) Madaxweynaha ma qaban karo xil kale oo daqli ka soo
galayo.
QODOBKA 40
SHURUUDAHA.
1) Qof waliba wuxuu xaq u leeyhaya in uu isu soo
sharaxo jagada madaxweynaha haddii uu buuxiyo shurudaha soo socda:
a) Inuu/inay yahay/tahay muwaadin Jamhuuriyada
soomaaliyyeed.
b) Da’diisu ka yareyn afartan (40) sanno.
c) Inu/inay yahay/tahay Muslim kuna dhaqma/dhaqanta.
Waalidiintiisuna/walidiinteedana yihiin Muwaadin Soomaaliyeed.
d) Shisheeye qabin, inta xilka uu /ay hayana /haysana
guursan shisheeye.
e) Dhimirkiisu dhan yahay, horeyna aan loogu xukumin
danbi culus.
f) Leh aqlaaq wanaagsan.
g) Leh karti xil gudasho iyo waayo aragnimo uu ku
gudan karo waajibaadkiisa madaxnimo.
QODOBKA 41
DOORASHADA MADAXWEYNHAHA
1) madaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku dooranaya
golaha shacabka aqlabiyad dhan sedex meelod laba (2/3) wareega hore,
halka wareegyada danbe loo baahan yahay cod dheeri.
2) Wareega labaad waxaa ka qeyb galaya lixda musharaxa
ee ugu horeysa halka wareega sedexaadna ay ku tartamayaan jagada
madaxaweynaha labada musharax ee ugu cod badan
QODOBKA 42
DHAARTA MADAXWEYNAHA
1) madaxweynaha wuxuu inta uusan xilka qaban marayaa
dhaarta ah:
“ waxaan ku dharanayaa magaca ilaah inaan u guto xilkayga, si daacad
ah oo danta dadka ku jirto , dhowrana axdiga iyo dhuruucda jamhuriyada
Soomaaliya ”
QODODBKA 43
MUDDADA XILKA
1) madaxweynaha wuxuu haynayaa xilka muddo shan (5)
sanno ah laga bilaabo marka loo dhaariyo madaxweynenimada ayadoo uu
marayo dhaarta Axdiga lagu qeexay. Madaxweynaha wuxuu xilka haynayaa
haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tagid, ama joojin shaqo sababo
lagu qeexay Axdiga ilaa inta qof kale ee loo soo doortay
madaxweynenimada uu xilka la wareegayo.
2) Madaxweynaha waxaa la eedeyn karaa haddii uu ku
xadgudbo Axdigaiyadoo eedeyntaas loo gudbinayo golaha shacbiga.
3) Marka soo jeedinta eedeynta madaxaweynaha la hor
dhigo golaha shacabka-
a) waa in eedeyntaas lagu cadeeyo go’aan afar iyo
toban (14) beri ka dib ayna sixiixaan ugu yaraan sedex meeloood hal meel
tirade guud ee golaha shacabka oo dalbanaya in la siiyo go’aankaas.
b) Waa in baaritaan lagu sameeyo danbiga ama sababta
keentay dacwada. Madaxweynuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka
ahaado ama wakiil u dirsan karo goobta barista.
c) Waa in natiijada baaritaabka go’aan lagu soo
saaraaiyadoo lagu ansixinayo cod ugu yaraan sedex meelood laba meel
xubnaha golaha shacabka.
d) Go’aankaas wuxuu yeelan doonaa awood awood uu
madaxweynaha xilka looga qaadayo laga bilaabo maalinta go’aankaas la
gudbiyey.
QODOBKA 44
WAAJIBAADKA MADAXWEYNAHA
1) madaxweynuhu wuxuu qaban doonaa xilal dowladeedka
soo socda:
a) furitaanka golaha shacabka
b) wuxuu la hadalayaa fadhiga gaarka ah ee golaha
shacabka sanadkiiba mar.
c) wuxuu la hadli karaa golaha shacabka markasta oo
kale.
d) Madaxweynuu wuxuu magacaabayaa gudoomiyaha
maxkamada sare iyo garsoorayaasha soo jeedinta golaha wasiirada ka dib.
e) Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee
xukuumada iyo madaxda hayadaha dowlada marka uu soo jeedoyio golaha
wasiirada.
f) Madaxweynaha wuxuu magacaabi doonaa jagooyinka –
Danjirayaasha, diplomaasiyiinta, Qunsuliyadaha marka uu golaha wasiiraa
uu soo jeediyo.
g) Madaxweynaha wuxuu qaabilaa diplomaasiyiinta
shisheeyahaiyo wakiilada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.
h) Wuxuu gudoonsiiyaa abaal marinta xushmada qaranka
(state honor) marka golaha wasiirada soo jeediyo.
2) madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa xilkana ka qaadayaa
wasiirka koowaad ama kala dirayaa xukuumada haddii ay weydo codka
kalsoonida golaha shacabka.
3) Madaxweynuhu wuxuu xilka ka qaadayaa wasiirada iyo
wasiir ku xigeenada marka uu wasiirka koowaad soo jeediyo.
4) Madaweynuhu wuxuu leeyahay awoodaha kale ee soo
socda
a) Saxiixida heshiisyada caalamiga ah marka golaha
wasiirada soo jeediyo golaha shacabkuna ansixiyo.
b) Ansixinta shuruudaha golaha shacabku ogolaado si
sharci loogu bedelo. Dikreetooyinka iyo xeernidaamyada golaha wasiirada.
QODOBKA 45
BANNAYNTA XAFIISKA MADAXWEYNAHA
1) haddii xafiska madaxweynuhu banaanaado sababo la
xiriira; iscasilaad, geeri ama xilgudasho la’aan joogto ah darteed,
gudoomiyaha golaha shacabka ayaa si dhaqsa ah ula wareegaya waajibaadka
madaxweynaha, golaha shacabkuna wuxuu ku kulmayaa sodon (30) maalmood
gudahoodsi ay u soo doortaan madaxweyne cusub.
QEYBTA
8AAD
XUBINTA III
QODOBKA 46
WASIIRKA KOOWAAD
1) Awoodda fulinta waxaa leh golaha fulinta
2) Wasiirka koowaad oo uu magacaabaya madaxweynaha
wuxuu noqonayaa hogaamiyaha iyo shir gudoonka golha wasiirada.
KU XIGEENADA WASIIRKA KOOWAAD IYO WASIIRADA
3) Wasiirka koowaad wuxuu magacaabayaa sedex wasiir
koowaad ku xigeen.
4) Wasiirka koowaad wuxuu magacaabayaa wasiiro iyo
wasiir ku xigeeno.
5) Wasiirka koowaad ayaa u jeedin doona madaxweynaha
magacyada dadka ku haboon in loo magacaabo wasiiro iyo wasiir ku xigeeno.
6) Ku xigeenada wasirka koowaad waxay lahaaanayaan xil
wasaaradeed waxayna kormeerayaan wasaaradaha la xiriira qeybaha
siyaasada, bulshada iyo dhaqaalaha. Xilalkooda gaarka ah sharci ayaa
qeexi doona.
QODOBKA 47
SHURUUDAHA WASIIRKA KOOWAAD IYO KU XIGEENADA WASIIRKA KOOWAAD.
1) wasiirka koowaad, ku xigeenada wasiirka koowaad,
wasiirada iyo wasiir ku xigeenada waa in ay buuxiyaa shuruudaha soo
socda.
a) in uu yahay muwaadin jamhuuriyada Soomaaliya.
b) Xubin ka yaha golaha shacabka
c) Da’da wasiirka koowaad waa in aysan ka yaraan
afartan (40) sanno, ku xigeenaa wasiirka koowaad, wasiirada iyo wasiir
ku xigeenada aysan da’doodu ka yaraan sodon iyto Shan (35) sanno.
d) Waa in ay lahaadaan tayo hogaamineed iyo qibrad
siyaasadeed.
QODOBKA 48
WAAJIBAADKA WASIIRKA KOOWAAD
1) Wasiirka koowaad wuxu yeelanayaa xilalka soo socda.
a) Wuxuu gudoominayaa kulamada golaha wasiirada
b) Wuxuu masuul ka yahay horumarinta, isku duwida iyo
kormeerida siyaasada xukuumada iyo maamulka guud.
QODOBKA 49
MUDDADA XAFIISKA WASIIRKA KOOWAAD
1) wasiirka koowaad marka golaha shacabka aogolaado
magacaabistiisa wuxu marayaa dhaarta hoos ku qoran
“waxan ku dhaaranayaa magic ilaahay inaan u guto xilkayga, si daacad
ah oo danta dalka ku jirto, dhowrana Axdiga iyo shuruucda Jamhuuriyada
Soomaaliya”
2) Wasiirka koowaad wuxuu hayn doonaa xafiiska ilaa:
a) uu geeriyoodo, is casilo ama laga qaado xilka
b) ilaa xilka cid kale loo soo magacaabo.
QODOBKA 50
SHAQO KA TEGIDA WASIIRKA KOOWAAD/ KU XIGEENADA WASIIRKA KOOWAAD.
1) wasiirka koowaad iyo/ama ku xigeenada wasiirka
koowaad wey iska casil karaan xilka iyagoo iscasilaadooda qoraal ugu
gudbinaya madaxweynaha.
2) Iscasilaada lagu qeexay farqada (1) waxay
hirgalaysaa taariikhda lagu qeexay iscasilaada , madaxweynuhuna ogolaado.
QODOBKA 51
XIL KA QAADISTA WASIIRKA KOOWAAD / KU XIGEENADA WASIIRKA KOOWAAD.
1) haddii in ka badan boqolkiiba konton (50%) golaha
shacabka ka soo jeediyo go’aan kalsooni daro ah wasiirka koowaad,
madaxweynuhu wax uu xilka ka qaadayaa wasiirka koowaad iyo golaha
wasiirada.
2) Madaxweynaha xilka kama qaadi karo wasiirka kowaad
ama ku xigeenada wasiirka koowaad inta uu jiro golaha shacabka, si kasta
ha ahaatee aan ka ahayn siyaabaha ku cad Qodobka 51(1).
QODOBKA 52
GOLAHA WASIIRADA
1) Golaha wasiirada wuxuu ka kooban yahay:_
a) wasiirka koowaad
b) ku xigeenada wasiirka koowaad iyo
c) wasiirada.
2) Golaha wasiirada wuxuu u xilsaara yahay:
a) diyaarinta dhaqan galinta siyaasada iyo
miisaaniyada qaranka
b) diyaarinta iyo u soo bandhigida shuruucda dowlada
golaha shacabka.
c) Meelmarinta iyo maamulida shuruucda.
d) Isu duwida howlaha wasaaradaha.
e) Meel marinta howlha kale eek u qeexan Axdiga iyo
shuruucda, marka laga reebo kuwa madaxweynaha loo qondeeyey.
3) qof waliba oo loo magacaabo ku xigeen wasiirka
koowaad, wasiir ama wasiir ku xigeen :-
a) wuxuu ku dhaaranayaa magaca ilaah inuu daacad u
yahay Jamhuuryada Soomaaliya iyo Axdiga.
b) Wuxuu is casil karaa isagoo qoraal dhaqo ka tagid
ah gudbiyo wasiirka koowaad iyo madaxweynaha.
c) Wuuu xilka xafiiska hayn doonaa ilaa uu geeriyoodo
iscasilo ama laga qaado xilka ama inta laga soo magacaabayo qof kale
doorasho guud ka dib.
QODOKA 53
XILKA GOLAHA WASIIRADA
1) Haddii aan si kale loo sheegin go’aanada golaha
wasiirada waa in ahaadaan qoraal.
2) Ku xigeenada wasiirka koowaad iyo golaha wasiiradu
waxay kaaliyaan talana siiyaan wasiirka koowaad
3) Golaha wasiirada waxay si wadajir ah masuul uga
yihiin loogalana xiisaabtamayaa baarlamaanka hortiisa iyadoo la
tixraacayo mabda’a masauuliyada wadareed iyo tan shaqsiyadeed wax
kasta oo ay fuliyaan sida:-
a) fulinta awoodooda iyo mel marinta waajibaadkooda.
b) Maareynta iyo dhaqan galinta shuruucda loo xil
saaray.
4) Sedex (3) ku xigeenada wasiirka koowaad iyo
wasiiradu waxay si shaqsi ah masuul uga yihiin wasiirka koowaad fulinta
awoodaha iyo wjibaadka sida gaarka ah loogu xilsaaray.
5) Wasiir waliba wuxuu hor tagayaa golaha shacabka ama
guddi golaha shacabka marka loo baahdo, si uu uga jawabo suaal kasta oo
saamaysa arrimaha loo xilsaaray wasaaradiisa.
6) Golaha wasiirada wuxuu masuu ka yahay siyaasada
guud ee federaalka iyo maamul goboleedyada sida ay qabaan Axdiga iyo
shuruucda dalka.
7) Hadii golaha shacabka cod bixin ay taageeraan in ka
badan boqolkiiba konton xubnaha golahu, waxaa meel maraya soo jeedinta
kalsoonida lagala noqonayey xubnaha golaha wasiiradamarka laga reebo
wasiirka koowaad iyo ku xigeenada wasiirka koowaad, madaxweynuhu wuxuu
xilka ka qaadayaa xubintaas.
QEYBTA
9AAD
XUBINTA IV
GARSOORKA
QODOBKA 54
AWOODA GARSOORKA
1) awooda garsoorka jamhuuriyada soomaaliya waxaa u
xil saran maxkamadaha.
2) Awooda garsoorka waxay kobcineysaa arrimaha
madaniga, ciqaabta, maamulka, ganacsga iyo arrimha kale ee shuruucda
kale iyo Axdigu u xilsaaraan.
QODOBKA 55
MADAXBANAANIDA GARSOORKA.
1) Garsoorku wuxuu ka madax banana yahay hayadaha xeer
dajinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda garsoor, xubnaha
garsoorka waxay u hogaansamayaan sharciga.
2) Waxaa xilka garsooraha laga qaadi karaa oo kaliya
marka uu gudan kari waayo waajibaadkisa taasoo noqon karta cilad jirka
ah, dhimirka, anshax xumo, iyo sababo kale.
3) Waxaa garsoore xilka laga qaadi karaa hadi arrinta
xil ka qaadida uu soo jeediyo guddiga adeega garsoorka in xilka looga
qaado sida kor lagu soo sheegay.
4) Xubnaha garsoorka ma qaan karaan xafiis kale iyo
howlo kale oo ka hor imaanaya waajibaadkooda.
5) Talaabooyinka maamulka iyo anshax marinta xubnaha
garsorka waxaa loo raacayaa sida sharcigu qabo waxaana lagu fulinayaa
dekreeto madaxweyne ka dib markuu soo jeediyo wasiirka cadaalada iyo
arrimaha diinta lana waafajiyo go’aanka gollaha adeegga Garsoorka.
6) Garsoorku wuu ka madax banaan yahay awaamiirta
hayad kale.
7) Garsoorku wuxuu ka turjumayaa isla markaana
hirgalinayaa sharciga si waafaqsan Axdiga iyo sharciga.
8) Golaha shacabka ayaa dejinaya shuruucda iyo
niudaamka magacaabida, shaqo ka eryida, anshax marinta iyo qaab
howleedka garsorayaasha.
QODOBKA 56
SOCODSIINTA GARSOORKA
1) dacwo qaadistu way u furan tahay dhageysiga
dadweynaha, inkastoo maxkamadu go’aansan karto in lagu dhageysto
dacwada aqal xiransababa la xiriira anshaxa, caafimaadka iyo xasiloonida.
2) Go’aan maxkamadeed lama gaari karo ilaa dhinayada
dacwada khuseyso helaan fursad dacwadooda lagu dhageysto.
3) Dhamaan go’aanada garsoorka iyo talaabooyinka
kale waa in la sababeeyaa, gaar ahaana kuwa ku lug leh xoriyada shaqsiga.
QODOBKA 57
MABAADI’DA GARSOORKA
1) waxaa reeban in la dhiso maxkamada gaar ah marka
laga reebo maxkamada ciidamada oo awood u leh dembiyada ay galaan
xubnaha ciidamada qalabka sida, xiliga nabada iyo dagaalka.
2) Waxaa u fura dadweynaha, rayidka iyo ciidankaba in
ay si tos ah ga qeyb galaan dacwo qaadista si waafaqsan sharciga
tilmamaya ka qeyb qaadashadooda.
QODOBKA 58
XASAANADA GARSORKA
1) dacwo ciqaabeed laguma soo oogi karo garsooraha
inta uu xilka hayo, waxna lagama weydiin karo baaris damb, oogadiisa iyo
hoygiisa, lamina xiri karo haddii aan la qaban isagoo danbi faraha kula
jira ama ayana ogolaan guddiga adeega Garsoorka.
QODOBKA 59
MAGACAABIDA GARSOORAYAASHA
1) garsooorayaasha oo dhan waxaa lagu magacaabayaa
dikreeto madaxweyne iyadoo la tixgalinayo talo bixinta Gollaha Adeegga
Garsoorka
2) magacaabida garsoorayaasha waxaa lagu salaynayaa
aqoontooda sharci yo kartidooda.
3) Qofna looma magacaabi karo maxkamada sare haddaanu
noqon ana ahayn:
a) Garsoore Maxkamada Racfaan lehna khibrad dheer
dhinacyada madaniga, ganacsiga , iyo danbiyada.
b) Yahay/tahay qareen maxkamad sare ee Jamhuuriyad
muddo aan ka yareyn shan (5) sanno oo xiriir ah.
4) Haddii uu xafiis garsoor banaanaado ama sababa kale
datreed garsooruhu gudan kari waayo xilkiisa ama uu gaaro da’da howl
gabka oo ah lixdan iyo shan (65) sanno, madaxweynuhu wuxuu magacaabi
doona garsoore cusub markuu helo talada Guddiga Adeega Garsoorka.
QODOBKA 60
HAB DHISMEEDKA MAXKAMADAHA
1) Hab dhismeedka maxkamadaha wuxuu ka kooba yahay:
a) Maxkamada Sare
b) Maxkamada racfaanka
c) Maxkamadaha kale ee sharcigu dhiso.
2) maxkamada sare ayaa leh awooda, go’aan ka gaarida
khilaaf kasta oo saameynaya Axdiga Federaalka Ku Meel Gaarka ah iyo
shuruucda kale.
QODOBKA 61
MAXKAMADA SARE
1) maxkamada sare waa makamada ugu sareysa waxayna
leedahay awood ku bahsan Jamhuuriyada Soomaaliya dhinacyada madaniga,
dembiyada, ganacsiga, iyo awoodha kale ee Axdiga ama sharci kale siiyo.
2) Garsoorayaasha Maxkamada Sare waxay ka kooban
yihiin Gudoomiyaha iyo garsoorayaasha kale sharcigu tilmaamo.
3) Garsoorayaasha Maxkamada Sare waxay leeyihiin
caymis shaqo.
4) Golaha shacabk ayaa diyaarin donaxeerark tilmaamaya
qaab dhismeedka maxkamada sare.
QODOBKA 62
FADHIGA MAXKAMADA
1) Fadhiga maxkamada sare wuxuu noqonayaa magaalo
madaxda Jamhuuriyada Soomaaliya.
QODOBKA 63
GUDDIGA ADEEGA GARSOORKA
1) Guddiga Adeega Garsoorka wuxuu masuul ka yahay
siyaasada guud iyo maamulka Garsoorka sida sharcigu tilmaamo.
2) Guddiga Adeega Garsoorka wuxuu ka kooban yahay:-
a) Guddoomiyaha Maxkamada Sare
b) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
c) Sedes (3) Garsoore oo laga soo doortay Maxakamada
Sare
d) Afar (4) qareen laga soo xulay ururka qareemada
Soomaaliyeed.
3) xubnaha guddiga waxay leeyihiin xuquq iyo xasaanad
la mid ah tan garsoorayaasha.
4) Guddigu wuxuu msuul ka yahay magacaabidda, bedelka,
asluubta iyo anshax marinta iyo gunada garsoorayaasha.
5) Muddada guddi kasta waa shan (5) sanno.
QODOBKA 64
XAFIISKA XEER ILAALIYAHA GUUD
1) Xafiiska xeer ilaaliyaha guud waa qeyb ka mid ah
hayadaha garsoorka wuxuuna ka kooban yahay:
1) Xeer ilaaliyaha guud oo awoodiisu tahay ilaalinta
iyo hirgalinta xeerarka dalka oo dhan, xilkiisa iyo masuuliyadiisa waxa
qeexaya sharciga.
2) Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa lagu soo
magacaabayaa dikreeto madaxaweyne soo jeedinta golaha wasiirada ka dib.
3) Xeer iaaliyaha waa dacwad oogaha guud ee dowlada
federaalka ku mel gaarka ah.
4) Xeer ilaaliyaasha dowlada goboleedyada iyo
degmooyinka awoodooda waxay ku xadidan tahay gobolada iyo degmooyinka
waxaana lagu magacaabi doonaa sida ku cad qeybta (b) kore.
2) Masuuliyda gaarka ah ee xeer ilaaliyaha guud waxay
tahay horumarinta iyo dhowrida ku dhaqanka sharciga.
QEYBTA
10AAD
QODOBKA
65
CIIDAMADA NABAD GELYADA IYO DIFAACA
1)
Jamhuuriyda Soomaaliya waxay lahaaneysaa ciidan qaran oo ka kooban
Militari iyo Boolis.
2) Ciidamada qalabka sida waa in ay si daacadnimo ah
ugu hogaansan yihiin una dhowraan Axdiga, sharciga iyo midnimada dalka.
3) Sharciga ayaa habeybaya qaababka iyo howlaha
ciidamada qalabka sida iyo habka wada shaqeynta iyo isku dubaridka
waajibaadkooda.
QEYBTA
11AAD
DHULKA IYO HANTIDA
QODOBKA 66
SIYAASADA DHULKA
1) Dhulka waa qeyraadka soomaaliya ee ugu muhiimsan
iyo saldhiga nolosha dadka waana in loona isticmaalaa loona maareeyaa
qaab xaqsoor ah, wax tar leh iyo wax soo saar la joogteyn karo.
2) Dowlada waa in ay qeexdaa dejisaana siyaasada qaran
ee dhulka, isla markaana habeysaa dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya taasoo
hubin3ysa diiwaan galinta ku dhaqanka lahaanshaha, helida, degida,
xuquuqda maareynta, adkeyta danaha iyo milkiyada dhulka.
QODOBKA 67
KHEYRAADKA DABICGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA
1) Kheyraadka dabiciga ah ee dalka sida Macdanta,
Biyaha, dhirta, iyo Ugaarta waa hanti qaran. Sharci ayaana cadeynaya
sida dan guud loohu manafacaadsanayo.
2) Dowlada federaalka ku meel gaarka ah waxay mudnaan
siineysaa ilaalinta, kadinta, dhowrista deegaanka kana ilaalineysaa wax
kasta oo wax yeelayn kara kala duwanaanshaha dabiicga (biodiversity) iyo
hab dhiska dabecada (ecosystem).
3) Qof kasa oo ku sugan Jamhuriyada Somaaliya waxaa
waajib ku ah inuu dhowro hagaajiyana deegaanka, kana qrey qaato
horumarinta, fulinta, maareynta, badbaadinta iyo ilaalinta kheyraadka
dabiiciga ahiyo deegaanka.
4) Dowlada Federaalka Ku Meel gaarka ah waxay
qaadeysaa talaabooyn degdeg ah oo lagu nadifinayo haraaga wasaqda lagu
qubay xeebaha Soomaaliya, waana in la wydiistaa magdhow cida lagu helay
in ay ka danbeeyeen dembiyadaas.
5) Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka a waa in ay
qaadaa talaabooyin degdeg ah oo ay ku joojineyso nabaad guurka
xaalufinta, baabinta deegaanka, gubida dhuxusha, sharci darada ah iyo
dhoofinta ugaarta nidirka ah.
QEYBTA
12AAD
GUDDIYADA QARAN
GUDDIYADA MADAXA BANAAN IYO KUWA MAAMULKA
1)
Waxaa la dhisi doonaa guddiyo madax banaan hadba sidii loogu baahdo.
2) Dhisida guddiyada madax banaan, qaab dhismeedka iyo
howlahooda waxaa soo jeedinaya golaha wasiirada waxaana ansixinaya
golaha shacabka.
3) Wasiirad a quseyso aya golaha u soo jeedinaya ka
koobnaanshaha guddiyadaas sida hoos ku xusan:
a) Guddiga DastuurkaFedraalka
b) Guddiga Dib u heshiisiinta
c) Guddiga Tirakoobka Qaranka
d) Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah
e) Guddiga Baadigoobka iyo diiwaan galinta hatida
qaranka iyo mida gaar ahaaneed
f) Guddiga Dib U Dajinta Qaranka
g) Guddiga Olombikada Soomaaliyeed
h) Guddiga Calaamadeynta Soohdimaha Dowlada
Goboleedyada
i) Guddiga Hu Ka Dhigista iyo abaabul ka saarka.
j) Guddiga soo kaashada Dhaqaalaha
k) Guddiga khilaafaadka dhulka iyo hantida.
l) Guddiga doorashooyinka
QEYBTA 13 AAD
XIRIIRKA CAALAMIGA AH
QODOBKA 69
XIRIIRKA CAALAMIG AH IYO KAN LABO GEESOODKA AH
1) Dowlada federaalka ku meel gaarka ah ee
Jamhuuriyada Soomaliya waxay adkeynayasaa xeerarka shuruucda caalamiga
ah iyo mucaahadooyinka caalamiga ah ee ay Jamhuuriyada Soomaaliya Dhan
ka tahay iyadoo la raacayo sharciga. Heshiisyada caalamiga ah ee la
ogolaaday lana qaatay waxaa meel marinaya sharciga.
2) Dowlada federaalka ku meel gaarka ah ee
Jamhuuriyada Soomaaliya waxay adkeyneysaa meelmarineysaana heshiisyada
laba geesodka ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya dhinaca ka tahay.
QEYBTA 14AAD
WAX- KA BEDELKA AXDIGA
QODOBKA 70AAD
WAX KA BEDELKA AXDIGA
1) ayadoo la tixgalinayo qodobkan golaha shacabka ayaa
awood u leh in uu wax ku daro, ka bedelo, kala bedelo ama dib u fiiriyo
Axdiga.
2) Wax k bedelka Axdiga waxaa lagu bilaabi kar ooo
kaliya soo jeedin ay taageersan yihiin xubno gaaraya (1/3), waxaan lagu
ansixin karaa tiro aan ka yareyn sedex meelood labo (2/3) tirade guud ee
golaha shacabka.
QEYBTA 15AAD
QODOBKA KALA GUURK IYO DHAQANGALINTA AXDIGA
QODOBK 71
MUDDADA KALA GUURKA
1) axdigu waxaa uu lahaanaya awood sharci ilaa inta
laga dhaqan galinayo Dastuurka Federaalka.
2) Dasturka Jamhuuriyada Soomaaliya ee 1960 iyo
sharciyada kale waa loo isticmaali karaa arrimaha aan lagu xusoin
Axdigan hadii ayan ka horimaaneyn Axdigan.
3) Dowlada federaalka ku meel gaark ah waxay ku
dadaaleysaa inay soo gacan geliso una soo celiso dowlada dhamaan hantida
qaranka guurto ama ma guurto ee dalka iyo dibedda yaalla.
4) Dowlada waxay isku howleysaa inay u soo celiso
cidii lahayd hantida gaarka ahee hadda sharci darada lagu haysto.
5) Dwolda federaalka eek u meel gaarka ah waxay isku
taxluujineysaa dib u soo celinta nabada iyo xasiloonida, isku socodka
xorta ah ee ee dadka iyo badeecada, shaqooyinka iyo adeegyada, hub ka
dhigiusta iyo uruurinta hubka sharci darada ah eek u jira gacanta
dadweynaha, si loo xafido, dhaqan celiyo, la iskuna dhafo maleyshiyada
iyadoo lala kaashanayao maamul goboleedyada, odey dhaqameedyada iyo
beesha caalamka.
6) Dowlada federaalka ku meel gaarka ah waxay isku
taxluujineysaa dib u dajinta qaxootiga iyo dadka barakacay.
7) Mashaaricada horumarinta haatan dalka ka socda way
sii socon doonaan haddii aanay waxba u dhimeyn qaranimda dalka iyo
deegaanka. Dhamaan mashaariicda cusub waa in ay helaan ogolaansho iyo
tilmaamaha dowlada federaalka ku meel gaarka ah.
8) Maka la dhameeyo shirka nabadeynta qaran ee Kenya,
dhamaan ururada maleyshiyada, kooxaha hubeysan iyo kooxaha Jamhuuriyda
Soomaaliya ka jira ma sii jirayaan waxayna hubkooda ku wareejinayan
dowlada.
9) Axdiga ayaa aasaas u a dastuurlka federaalka ee
lagu dhameyn doono laba sanno iyo bar (2.5) laguna meel marin doono
aftida dadweynaha ee la qaadi doono sanadka ugu danbeeya xilliga ku meel
gaarka ah.
10) Waxay xukuumada qaadi doontaa dhamaan talaaboyin
lagula dagaalami karoqabyaalada eexda, xatooyo hanti dadweyne musuq
maasuq, dhaman falalka wax isdaba marintaee curyaaminaya dhaqanka
suubanee bulshada iyo howlaha qaranka.
11) Dowlada federaalka ku mee gaaka ah waxay baaritaan
ku sameyneysaa isla markaana qiimeyneysaa mashaariicda horumrineedeee
shisheeyuhu maalgaliyey si loo hubiyo in ay wax u dhimayaan siyaasada
ama nabad galyada qaranama waxyeelayn karaan dhaqanka, deegaanka ama
caafimaadka dadka.
12) Axdigu wuxuu dhaqan galayaa marka ergooyinka
shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ee Kiinya ogolaadaanwaxaanu jirayaa
ilaa uu ka dhaqan gelayodastuurka federaalka.
LIFAAQA KOOWAAD
AWOODA XUKUUMADA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH
Dowlada federaalka ku meel gaarka ah waxay ku lahaaneysaa dalka oo dhan
awoodaha soo socda:-
1) Arrimaha Dibbeda
2) Difaca iyo Nabadgelyada
3) Lacagata iyo Bangiga Dhexe
4) Dhisida Dowlad Goboleedyada
5) Boostada iyo Isgaarsiinta
6) Socdaalka iyo Jinsiyada Bixinta
7) Maamulka Dekedaha iyo Garoomada dayaaradaha
8) Qorsheynta iyo Hor u Marinta Dhaqaalaha
9) Kheyraadka Dabiiciga ah
10) Duulista Hawada (Civil Avaition)
11) ilaalinta Deegaanka
12) Ogolansha iyo Bixinta Ruqsadaha shirkadaha gaarka
ah, gaar ahaan kuwa heerka qaran
13) Uruurinta Caanshuuraha, soo dejinta / Dhoofinta
iyo Caanshuuraha dadban.
LIFAAQ 2AAD
AWODAHA DOWLAD GOBOLEEDYADA
Dowlada goboleedyada waxay qabanayaan howlaha soo socda:-
1) Waxbarashada
2) Caafimaadka
3) Wadooyinka
4) Badbaadinta deegaanka
5) Boolis goboleedka
6) Guryeynta
7) Horumarinta biyaha iyo korontada
8) Horumarinta beeraha iyo maareynta biyaha
9) Horumarinta xoolaha iyo dhul-daaqeed.
10) Hor u marinta ganacsiga iyo iskaashatooyinka
dowlada goboleedyada.
11) Dejinta dadweynaha
12) Hor u marinta dastuurka dowlada goboleedyada,
calanka iyo astaantooda
13) Magacaabista guddiyada doorashada dowlada
goboleedka iyo dhaqan galinta doorashooyinka dowlad goboleedyada.
14) Ururinta dhamaan caanshuuraha tooska ah.
15) Hor u marinta ciyaaraha, fanka, suugaanta iyo
cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka.
16) 15- Ruqsadaha ganacsiga
17) Qorsho magaaleynta iyo ruqsadaha dhismaha.
18) Faydhowrka guud
19) Xarumaha nasashada iyo goobaha caruurta
20) Caafimaadka guud ee dadweynaha.
LIFAAQA 3-AAD
Warbixinada shanta guddi ee dib u heshiisiinta ee shirweynaha qaran ee
nabadeynta soomaaliya kiinya 2002-2004.
LIFAAQA 4-AAD
Liiska ergada, ururada iyo kooxaha siyaasada.
__________________________________________________
Mudulood
Soomaaliya
|
 |
|
_______________
|
 |
|
_______________
|
 |
|
_______________
|
 |
|
_______________


|
|