RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV


 

Friday Sep. 22-2006

DALALKA CARABTU KUMA DAYAN TALLAABADII CHAVES KA QAADEY ISRAA'IIL

 

ImageMadaxweynaha Venezuela Hugo Chaves ayaa duqeynta ba’an iyo burburinta ay dawladda Israa’iil ku hayso dalka Lubnaan la meel dhigey hab dhaqankii dawladdii Naaziga ee Jarmalka, waxaana isaga oo falalka Israa’iil ka careysan uu dalkiisa ka eryey safiirkii dawladda Israa’iil lana soo laabtey safiirkiisii u fadhiyey Telaviv.  
 
Chavez ayaa si ba’an u dhaleeceeyey weerarrada Israa’iil ay ku hayso Gaza iyo Bayruut mar uu wareysi siinayey telefishanka Al-jazeera wuxuuna ku tilmaamey inay la mid yihiin ficilladii Hitler ee dagaalkii 2-aad ee dunida.  

Chaves waxaa uu Aljazeera u sheegey in tallaabooyinka millateri ee Israa’iil ay yihiin “gardarro aan loo cudurdaari karin oo loo fuliyey qaab la mid ah tii Hitler ee nidaamka Cunsurinimada ah ku dhisnayd”

“Israa’iil waxay samaynaysaa isla sidii uu Hitler iyaga u galay”  ayuu u sheegey Aljazeera wuxuuna sii raaciyey “Waxay dilayaan carruurta, dadka aan waxba galabsan iyo qoysas dhan.”

Maalinnimadii Khamiista ayuu madaxweynaha Venezuela ku dhawaaqey inuu kala soo baxay Israa’iil safiirkiisi isagoo sababatana ku sharxey “Caro uu ka qaadey markii uu arkey sida dawladda Israa’iil ay u waddo bambaano ku garaacista dadka rayidka ah, dilka iyo burburinta ay ku hayso dalka Lubnaan”

Chaves oo ah nin lagu yaqaanno qudbooyin daal leh oo aad u dhaadheer ayaa dagaal xagga siyaasadda ah oo kululi kala dhexeeyaa dawladda Mareykanka waxaana uu ku tilmaamey dawladda Israa’iil inay tahay astaan u taagan oo laga dheehan karo siyaasadda Mareykanku waxa ay tahay, wuxuuna xiriir dhow oo sii xoogaysanaya la samaystey madaxweynaha Iiraan Maxamuud Axmedinajad.

Dalka Venezuela waa dalka keliya ee illaa hadda isaga oo ka careysan duqeynta Israa’iil ay ku waddo degaannada falastiin iyo Bayruut xiriirka u gooyey dawladda Israa’iil mana jiro xitaa dal Carab ama Muslin ah oo ku dhiirradey inuu qaado tallaabo la mid ah tan geesinamada leh ee Hugo Chaves uu ka qaadey Israa’iil.

Dawladaha Carabta oo yeeshey shir ay kaga wada hadlayeen qalalaasaha Falastiin iyo Bayruut ayaan xitaa ku guulaysan inay isku mawqif ka istaagaan falalka carada leh ee ay Israa’iil ka waddo Bariga Dhexe, waxayna ka badin waayeen inay soo saaraan waxyaabo aan dhaafsiisnayn sidii looga bartey ee inay baaqyo lagu joojinayo colaadda soo saaraan.

Dhibaatada haysata dawladaha Carabta waxaa ugu weyn iyadoo aysan jirin dalal badan oo xiriirro dhow oo iskaashi ah ama isku siyaasad ah leh, waxayna u badan yihiin kuwo is cambaareyn iiyo ius eedeyn dhexdooda ahi uu ragaadiyey.

Dalalka Iiraan iyo Siiriya ayaa hore kala saxiixdey heshiis ay labadoodu ku cahdi galeen in midba uu midka kale difaaco ama la dagaal galo haddii midkood la soo weeraro.   

Waxaa Qorey:
C/qaadir C. Gutaale 

__________________________________________________

Mudulood Soomaaliya

_______________

 _______________

_______________

_______________