Waa
nin horay ciidanka oga tirsanaan jiray, waana nin adag oo waxa uu samaynayo ay
dhab ka tahay, waxaan aaminsanahay intaa marka la isku daro in uu nin nabadeed
yahay, Soomaaliyana nabad ka keeni karo"
Xuseen Caydiid.
Sh.Xasan waxa uu ku dhashay Baadiyaha Dhuusamareeb ee Goboladda Dhexe ee
Soomaaliya sanadkii 1945kii.
Sh.Xasan waxa uu Xifdiyay Quraanka Kariimka yaraantiisii isaga oo jooga
Baadiye, waxa uu xaadiri jiray yaraantisii xalaqadda Masaajidda, isla
goobahaas ayuu ku bartay Culuumta Naxwaha, Sarfiga iyo Fiqiga.
Machadkii Diinta ee Al-Azhar ee Muqdisho ayuu sheekhu galay sanadkii 1965kii.
1971kii Ayuu ka qalin jebiyay machadkaa, isaga oo qaatay Shahaadadii Dugsiga
Sare.
1973kii Waxa uu xubin buuxda ka noqday ciidankii xooga dalka Soomaaliya, isaga
oo lagu qaatay darajadda Sargaal.
Dagaalkii 1977kii
Sheekh Xasan waxa uu ka qaybqaatay Dagaalkii 1977kii lala galay cadowga
Soomaaliya ee Itoobiya, dagaalkan oo uu ku mutay bilad sharaf, Mujaahidiin ay
dagaalka wada galeen ayaa soo weriyay in Sh.Xasan Daahir Aweys uu udardaarmi
jiray goorwalba ciidankii uu taliyaha u ahaa, in hadii ay Illahay si wanaagsan
ugu xidhmaan ay guushu xageena ahaan doonto.
Dagaalkan ayuu Sheekhu ku mutay Biladdo Sharaf iyo kuwo Geesinimo, raggii
dagaalka la galay Sheekha oo ka sheekeeyay ayaa si wayn u tilmaamay siiradda
xagga difaaca dalka ee uu leeyahay, waxay ku tilmaameen in uu yahay Soomaali
halyeey ah, oo u nxariis badan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Af-gambigii Dhicisoobay
Sanadkii 1978dii waxaa Sheekh Aweys loogu yeedhay in uu ka qayb qaato af-gambi
lala damacsanaa Dowladii Maxamed Siyad Bare, oo isagu xoog ku qabsaday dalka
waqti intii Gumaysigu oga tagay dalka sidii ay doonaan ka yeelan, iyagga oo
dhaxalka keliya ee ay haystaan uu ahaa kitaabkii Talyaanigu u qoray in ay
dalka ku maamulaan.
Xiligaa Sheekh Aweys waa uu iska soo taagay ka qaybqaadashadda Af-gambigaa,
goortaa oo uu sabab oga dhigay, isaga oo aan aaminsanayn in xoog wax lagu
bedelo, waxa uu doonayay marwalba sheekhu in wanaaga iyo wadahadalku uu
shaqeeyo, yaase ka raaridaya cadowga umaddeena oo cadaan iyo madowba leh.
Xabsi Waqti Dheer Qaatay
Sanadkii 1986kii ayaa Shaakha Xabsiga loo taxaabay isaga oo koox culima ah,
kuwan oo kuligood kawada tirsanaa Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami - kan oo la
aasaasay sanadkii 1982kii, waxa uu si wayn sheekhu ugu dadaali jiray in
dhamaan Bulshadda Soomaaliyeed iyo ciidankii uu ka tirsanaaba ay noqdaan kuwa
Illahay si wanaagsan ugu xidhan.
Sanadkii 1987kii Sheekh Xasan Daahir Aweys in dil toogasho ah lagu dilo ayaa
ay Xukuumadii Siyaad Barre ku xukuntay, walow xili dambe xabsi daa'in loogu
bedelay, sababta Boqor Fahadkii Sacuudiga oo Dowladii Siyaad Barre lasoo
xidhiidhay, kadib markii Sheekhii caanka ahaa ee BinBAAZ uu arintaa Boqorka
faray.
Qiso Dhab Ah
Waxaa la weriyaa in Xiligii dilka lagu xukumay uu Aabihii Daahir Aweys u tagay
Siyaad Barre isaga oo ka codsaday in uu usii daayo wiilkiisa oo uusan ka dilin,
Siyaad Barre ayaa u sheegay Daahir Aweys in uu wiilkiisu aaminsanyahay in uu
Gaal Yahay Madaxwaynuhu, Arintaa Dahir Aweys waa uu qariibsaday...
Siyaad Barre ayaa codsaday in balan loo qabto Dahir Aweys iyo Sh.Xasan oo
markaa majlis la isugu keeno, Daahir Aweys balantii ayuu ku yimi, Siyaad Bare
ayaa intuu Masale ku fadhiistay Tusbax-na soo qaatay codsaday in loosoo geliyo
Sh.Xasan Daahir oo isagu laga keenay 20Jiroow.
Daahir Aweys ayaa uu wiilkiisii oo uusan dhawaanah arag soo galay halkii ay
fadhiyeen isaga iyo Siyaad Bare, hadii uu salaamay odayadii meesha fadhiyay
waa Siyaad iyo Aabihiise, ayaa Siyaad waxa uu usoo jeediyay su'aal Sheekh
Xasan oo yidhi "Maandhoow ma aniga imika Salaadda ka kacay oo
tasbiixsanaya ayaad gaal ii haysataa?", Sheekh Xasan ayaa ku jawaabay
"Gaal Baad Tahay, Illahay ka furtay".
Sida qoran Suldaan Jaa'ir ah oo aad hortiisa runta ka sheegtaa ayaa ah
sababaha Janadda Illahay lagu mutaysto, maalintaa Sh.Xasan waxaa la sheegaa
isaga oo aad ugu faraxsan talaabooyinkaa uu horay u qaaday in uu ku laabtay
xabsigii laga keenay, oo Xarunta Soomaaliya in badanna ka durugsan.
Sanadkii 1988kii ayaa xabsiga laga sii daayay, sababta Reer Galbeedka oo
Dowladii Xiligaa ku qasbay in ay sii dayso dhamaan raggii u xidhxidhnaa
Siyaasadda.
Budhbudhkii Dowlada
Budhbudhkii Dowladii Soomaaliya sanadkii 1991kii ayuu si aan qarsoodi lahayn
ola dhawaaqay in Diintu ay tahay arinta keliya ee badbaadin karta Qaranka
Soomaaliyeed, islamarkaana dib isugu soo celin karta oo ruux keliya ka dhigi
karta.
Waxa uu ka qayb galay dagaalo dhowr ah kuwan oo dhamaantood lagu doonayay in
Diinta Islaamka lagu soo rogo dalka, si loo badbaadiyo dal iyo dad wixii ay
Soomaaliyi lahayd.
Dagaaladda uu Sheekhu galay ayaa ka mid ah mid ka dhacay Goboladda Wuqooyi
Bari Ee Soomaaliya, kan oo uu la galay Con.Cabdulaahi Yuusuf, Con Yuusuf ayaa
qudhiisa dagaalkaa lagu qabsaday sanadkii 1994kii, walow markii dambe la sii
daayay isaga iyo qaar ka tirsan ragii qabyaaladda wadanka u horseeday iyagga
oo habayaraatee aan waxba la yeelin.
Sanadkii 1996kii waxaa magacii laga bedelay Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami oo
loo bixiyay Al-Ictisaam, Ururkan oo goortii dambe shaqayn waayay sababta ragg
badan oo odayadda ka tirsan ahaa oo doonayay in ay aqaladooda iyo badhahooda
si nabad ah u fadhiyaan.
Itoobiya Oo Isku Dayday Dilka Sheekha
Sanadihii 1995 - 96 waxa uu cadowga weligii ee Ummadda Soomaaliyeed isku dayay
in uu ka takhaluso, isaga oo adeegsanayay dad ay qaraabo dhow yihiin Sheekh
Xasan, inta la ogyahay sheekhu sadex jeer ayuu dil uu cadowgu soo agaasimay ka
baxsaday, tan oo ku dhalisay in uu dibadda oga baxo dalka Soomaaliya oo uu
arkay in uusan ku badbaadeynin.
Xiligaa ka dib xataa Sheekh Xasan ma uusan dhigin Qorigiisa waa halkii Xirsi
Magane "Ma Wadaad Ilbaxaboo Aakisihiisa Sitaa La Adoonsan Karaa".
Sanadkii 1997kii waxa uu halkiisii kasii waday halgankii uu ugu jidhay
quwaynta diinta, oo isagu arkayay in ay Diinta Islaamka oo laqaataa ay tahay
dariiqadda keliya ee lagu badbaadin karo Qaranka Soomaaliyeed.
Sanadkii 1998 Waxa uu horjooge ka noqday Maxkamad Islaami ah, oo laga
hirgelyay Magaaladda Muqdisho, tan oo si ku meel gaadh ah loogaga hirgeliyay
Muqdisho.
Argagixisadda Caalamiga ah
Sanadkii 2001 dowladda Maraykanka ayaa iyadda oo xiganaysa cadowga Soomaaliya
ee Itoobiya ku dartay Sheekh Xasan waxa ay ugu yeedheen waqtigaa, kuwa sida
goonida ah loola socdo, arimahan ayuu Aweys qudhiisu ku tilmaamay in ay qayb
ka tahay aqoondaradda Maraykanka ee ku jeeda Arimaha Soomaaliya.
Sanadkii 2006 Sheekh Xasan waxaa loo magaacaabay Madaxa Golaha Shuuradda
Islaamiyiinta Soomaaliya, arintan oo ka dhalatay kadib markii dhaliinyaro
Soomaaliyeed oo isu tagay ay dibadda oga saareen dagaal oogayaashii dalka iyo
dadka Soomaaliyeed dhigay halka ay yaalaan maanta, kuwan oo garabsanayay
Maraykanka iyo Cadowgeena weligii Itoobiya.
Sheekha ayaa xilkan loo magacaabay isaga oo ka maqan xarunta Soomaaliya ee
Muqdisho, islamarkaana jooga meelo ka tirsan Goboladda Dhexe ee Soomaaliya,
halkaas oo uu waanwaan ka dhexwaday qaar ka tirsan qabiiladda Soomaalida ee
dega Goboladaa.
Voy
+ NAgency
Xigasho: Agabso..com