Fadliga Soonka Caashuura
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
الحمد لله وحده ، والصلاة والسلام على من لا نبي بعده ، وبعد
Walaalayaal Waxaynu Ku jirnaa Bil Kamid Ah Bilaha Uu Allaah Sw Noo Sheegay Inay Yihiin Bilaha Xurmada Leh Oo Ah 4 Bilood. Allaah Sw Wuxuu Yiri:
إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِنْدَ اللَّهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْراً فِي كِتَابِ اللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ فَلا تَظْلِمُوا فِيهِنَّ أَنْفُسَكُمْ وَقَاتِلُوا الْمُشْرِكِينَ كَافَّةً كَمَا يُقَاتِلُونَكُمْ كَافَّةً وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ ) (التوبة:36
Maxaa Loo Soomaa Maalinta Caashuura?
قدم الرسول المدينةَ مهاجراً، واليهود إذ ذاك بها، فوجدهم يصومون اليوم العاشر، سألهم: ما سبب الصيام؟ قالوا: يومٌ أنجى الله فيه موسى ومن معه، وأغرق فرعونَ ومن معه، فصامه موسى شكراً لله، فنحن نصوم، قال لهم النبي:نحن أحق وأولى بموسى منكم
Walaalayaal Nebiga Scw Markuu Madiina Usoo Hijrooday Buu Wuxuu Arkay Yuhuudii Madiina Deganayd Oo Soomaysa Maalinta Caashura Oo Ah Malinta 10aad Ee Bisha Muxaram. Nebiga Scw Wuxuu Waydiiyey Sababta Ay Usoomayaan? Waxay Dheheen: Waa Maalintii Nebiyullaahi Muuse CS Iyo Asxaabtiisii Labadbaadiyey, Fircoon Iyo Asxaabtiisiina La Harqiyey, Nebi Muuse Wuxuu Usoomay Maalintaas Inuu Allaah Sw Ugu Shukriyo, Anaguna Sidaas Baanu Usoomnay. Nebigeena SCw Wuxuu Ku Yiri: Anagaa Idinkaga Awliyeysan Muuse CS.
قالت عائشة رضي الله عنها: {كان يوم عاشوراء تصومه قريش في الجاهلية، فلما قدم المدينة صامه وأمر بصيامه، فلما فرض رمضان ترك يوم عاشوراء، فمن شاء صامه، ومن شاء تركه}. متفق عليه
Caa'isha Allaah Sw Raali Ha Ka Noqdee Waxay Tiri: { Maalinta Caashuuraa Waxay Ahayd Maalin Ay Soomi Jireen Quraysh Xiligii Jaahiliga, Markuu Nebiga Scw Yimid Madiina, Wuu Soomay Dabadeedna Wuxuu Amray In Lasoomo, Markii La Farad Yeelay Bisha Ramadaan Wuu Kategay Nebiga Scw Maalinta Caashuura, Qofkii Doona Wuu Soomi Jiray Qofkii Rabana Wuu Kategi Jiray} Micnaha Waajibnimadii Buu Rasuulku Scw Ka Dulqaaday.
Fadliga Caashuura
Walaalayaal Fadliga Soonka Maalinta 10aad Ee Layiraahdo Caashuuraa, Waa Fadli Aad Uwayn Waxaynu Ku Gaabsanaynaa Dhowrkaan Xadiis.
(عن أبي هريرة – رضي الله عنه- قال: قال رسول الله –صلى الله عليه وسلم-: ( أفضل الصيام بعد رمضان شهر الله المحرم
رواه مسلم 1163
Abii Hureyrah A.H.K.N Wuxuu Yiri: Rasuulku Scw Wuxuu Yiri: ( Soonka Ugu Fadli Badan Ramadaanka Kadib Waa Bisha Allaah Ee Muxaram) Waxaa Wariyey Muslim:1163
عن ابن عباس – رضي الله عنهما- قال: ( ما رأيت رسول الله –صلى الله عليه وسلم- يتحرى صيام يوم فضَّله على غيره إلا هذا اليوم يوم عاشوراء، وهذا الشهر يعني شهر رمضان ) رواه البخاري(2006)، ومسلم1132
Ibnu Cabaas A.H.K.N Waxaa Laga Wariyey Inuu Yiri: (Ma Aanan Arkin Rasuulka Scw Maalin Uu Uga Dadaal Badnaa Soonka Maalinta Tobnaad Ee Bishaan Muxaram ''Ee Layiraahdo Caashuuraa'' Marka Laga Reebo Bisha Ramadaan) Waxaa Wariyey Bukhaari:2006, Mualim:1132
عن أبي قتادة – رضي الله عنه- عن النبي –صلى الله عليه وسلم- ( صيام يوم عاشوراء أحتسب على الله أن يُكفّر السنة التي قبله ) رواه أحمد (5/296)، ومسلم 1163
Abii Qataatah A.H.K.N Waxaa Laga Wariyey Inuu Yiri: Rasuulku Scw Wuxuu Yiri: ( Soonka Maalinta Caashuuraa Waxaan Allaah Ka Rajaynayaa Inuu Iigu Dhaafo Sanadkii Tegay) Waxaa Wariyey Axmed: 5/296, Mulim: 1163
Imisa Maalin Baa Lasoo Mayaa Caashuuraa?
Walaalayaal Intii Uu Nebiga Scw Noolaa Wuxuu Soomi Jiray Bisha Muxaram 10keeda Oo Kaliya. Hadaba Nebiga Scw Wuxuu Soomay Mudo 9sano Ah. Mar Ay Nebiga Scw Saxaabada Waydiiyeen Oo Yiraahden Rasuulkii illaahayow Maalinta Caashuura Waa Maalin Ay Wayneeyaan Kiristaanka & Yahuuda, Nebigeena Suuban Scw Wuxuu Yiri: (Sanadka Soo Socda Waxaynu Soomaynaa Maalinta 9aad) Waxaa Wariyey Muslim:1916. Marka Nebiga Scw Wuu Geeriyooday Oo Ma Gaarin Sanadkuu Balan Qaaday Inuu Soomo 9aad.
Hadaba Walaalayaal Anagoo Raacayna Sunada Nebiga Scw Khilaafaynana Yuhuuda & Kiristaanka Waa Inaynu Soonaa 9aad & 10aad Insha'allaah.
Gaba Gabadii
Walaalayaal Maalmaha Lasoomaayo Waxay Ku Beegan Yihiin Maalinta Axada Oo Ah 9aad & Isniinta Oo Ah 10aad. Si Kale Hadii Aan Udhigo Waxay Kala Yihiin December 04, & December 5, 2011.
Wabilaahi Tawfiiq.
Walaalayaal Wixii Aan Gefay Shaydaan Bay Ka Ahaadeen Allaah Sw & Rasuulkiisana Scw Barri Bay Ka Yihiin Allaahna Sw Ha Iidhaafo Idinkana Ha Idinka Badbaadiyo. Wixii Aan Asiibayna Allaah Sw Bay Ka Ahaadeen Allaah Baan Ku Mahadsan Ajarna Ha Iga Siiyo Idinkana Ha Idinku Anfaco Aamiin.
Qore: Walaalkiin Ahmed Abuu Abdishakur
















